SAWIRRO: Maxaa kasoo baxay kulankii MW Xasan Sheekh & R/wasaare Abiy?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa wadahadallo laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Golehiisa Xukuumadda.

Labada Hoggaamiye ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo mudnaan la siinayo horumarka iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika, lana sii amba-qaadayo iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya Labada shacab ee dariska ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay duruufaha xiriira ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal, gaar ahaan abaaraha iyo ammaanka, isagoo soo bandhigay aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan Soomaali heshiis la ah dariskeeda, dhiirri gelinaysana iskaashiga iyo wax-wada qabsiga, si looga gudbo saboolnimada iyo xasillooni darrada.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa xaqiijiyay in Itoobiya ay diyaar u tahay xoojinta wada shaqeynta kala dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah diiradda u saaray kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida, isagoo adkeeyey muhiimadda dalkiisa ay u leedahay Soomaaliya deggan oo leh dowlad xooggan.

Sidoo kale, Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Madaxweynaha ku weheliyo boqashadan ayaa la yeeshay dhiggooda dalka Itoobiya kulan wadareed lagu lafa-gurayey aayaha xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaan adkeynta amniga iyo danaha ka dhexeeya.

PUNTLAND TIMES 

7 Comments

  1. If they get along with our Leaders we have No Problem with Ethiopia. The smart thing for Abiy is to get along with Somalian President Hassan Sheikh.

    • Low IQ culusow

      Waa dhaqanka Fulaha, booloxoofto iyo gabgab, wax yar kadibna orod iyo iqariyaay.

      Aaway wabiga Nilekaan masuul ka ahay, waa sheegnay ee cawaantaan wax maqal, “isdhiibis iyo dabaday ka banaankaa xigi”.

      Qofka hadaanu sharaf horeba lahayn sumcad dambe ma lumiyo..

  2. Issa(ID)
    Sida aan qabo ma dhameysan karo waqtigiisa,siimana joogi karo,
    sababtoo ah dawladnimadu waa(1) shacab (Nabad & Nolol) haysta,
    (2) ciidan tababaran oo hubku iyaga gaar u yahay,(3) wixii lagu
    hishiiyo oo la dhaqan geliyo(4)dawladaha inusan mucarad u abaabulin,
    (5)Inuu madaxweyne u noqdo 5(Shanta) Nin ee dalka haysata.
    M/w xasan asagoo awalba(Allow sahal)ahaa,waxaa lacag nagu baray
    waqtiga iyo nasiibla,markan waa(last chance to fit the position)
    ogow in dalku yahay federaali(la wada leeyahay,lana kala leeyahay)
    OGAADA SOOMAALIYEEY….?
    (1)Shacab la hubeeyay waa abaabul dagaal(Ahli)ah
    (2)Dadkaagii kala qaybi adoo Madaxweyne u ah(yaab)
    (3)Khayraadkiisii boob sharci daro adoo madaxweyne u ah,
    (4)Hantidii dibada u tiil baadi goob oo qarso adoo madaxweyne
    (5)Doorasgadii (Coalation) ka ahayd inkir oo isku dir ku bedel,
    Alla Kariim
    Dagaalkii Waa fashilmay(Ceel-buur)markii Xil,dhegay iyo
    taliye odowaa is qabteen (Macawisley)waa shabaab Vs shabaab

  3. Dadkani ma waalan yihiin Xasan Shiekh kala safanaya Amxaar? Waryaaya nacalatullahi cishriin man rabaaya. Yaa xigtadaada ah, ma Itobiyaan mise Madaxweynaha Soomaaliyeed? Maxaa idinka si ah? Bilaa damiiriin qashin qashin dhalay baad tihiin, nacalad baa idin soo tarbiyaysay, most likely a Hooker!

  4. In aad xanuunsan tihiin waxaan ogaaday markaad Abigail a.k.a. Abiy Axmed, aad sareysiiseen, Hogaanka ugu muhiimsan oo ugu sareeya Soomaaliya Hassan Sheikh bah dilaysaan oo aad u hosaasinaysaan Abiy. This is below the belt. I can undestand labo hogaamiye oo Soomaali ah in aad la kala safataan, but Amxaar in aad kala safataan madaxda Soomaaliya, that is too much.

    Mar danbe yaan la idinka maqal su’aasha ah yaa Soomaaliya qasaya, waa qurun idinka oo kale ah waxa qasaya oo cawaan ah oo waalan oo 24 hours isku dira bulshada Soomaaliyeed. Imisaan idiin dulqaadanaynay, nacalad dushiina ahaato!

Comments are closed.