SAWIRRO: Shiinaha oo hormarinaya Hay’adda Duulista Rayidka ah ee DFS

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan la qaadatay safiirka dawladda Shiinaha ee Soomaaliya Amb. Fei Shengchao.

Kulanka ayaa looga hadlay siddii Shiinuhu ay Dawladda Soomaaliya uga caawin lahaayeen hormarinta Hay’adda Duulista Rayidka ah ee DFS, sida ay sheegtay Wasiir Fardowsa Cismaan oo qoraal soo dhigtay barteeda Facebook.

“Waxaan ku faraxsanahay inan xafiiskayga ku soo dhaweeyo Safiirka Dawladda Shiinaha dalkeenna u fadhiya Amb. Fei Shengchao oo aan yeelannay kulankii u horrayay.”

“Dawladda Shiinaha oo ay wakiil ka tahay safaaradda , waxay door muuqda ka qaadan doontaa dadaallada socda ee Horumarinta Hay’adda Duulista Rayidka oo ay ugu horreyso hannaanka casriga ah ee loo qalabeynayo dhismaha xarunta Hay’adda , tabbabarada Shaqaalaha Hay’adda iyo horumarinta siyaasadaha iyo shuruucda Gaadiidka, taa oo gacan naga siineysa dalkeenna inuu helo hannaanka u sarreeya ee waddamada gobolka.”

PUNTLAND TIMES 

12 Comments

  1. Waxaa dadka badankiisa iskaga dhexyaacsan labada masa’aladood ee kala ah: (i) in dalka kheyraadkiisa lalasoo baxo si hantiqaran looga abuuro (ii) hannaanka hawshaas loo marayo iyo sida loogu kala xaq leeyahay.

    Waddan kasta inuu kheyraadkiisa ka faa’iideysto doodiba kama taagnaan karto waayo caalamka ayay taasu caadi ka tahay. Sidii aan doodda doorashada ee Puntland ku caddeeyay, hawl kasta inta aan la gudagalin waxaa kahorreeya in loosiidhiso hannaankii lagu fulin lahaa oo shuruudaha kuxeeranna lasii qeexo oo la isku waafaqo.

    Marka ay hawluhu yihiin kuwo dowli ahna, hannaanyada loo marayo waxay kallifayaa in si taxaddar iyo xasaasi ah loo dhidibbeeyo maadaama ay yihiin kuwo dadweyne ballaaran kadhexeeyal haddii uu dalku nadaam federaali ah salka kuhayana kaba sii daran.

    Haddaba, runtu waxaa weeye in dal dhisan oo ay qarannimadiisu iyo dowladnimadiisuna u suganyihiin ay aad ugu adkaato yagleelidda hannaanyada lagu fulinayo hawlaha dowliga, khaasatan kuwa aasaasiga ah ee uu iqtisaadku gundhigga u yahay.

    Heerar iyo dabaqado kala duwan oo kala sarreeya ayaa jarranjaradooda dheer loo maraa inta aan aakhirka hannaan kasta la isku waafaqin. Dustuurkuna waa haykalka guud ee haga iyo rugta rasmiga ah.

    Sidaas ajligeed, Soomaaliya oo sikasta iyo dhankastaba weli qabyo ah, macquul ma noqonayo inuu madaxweyne aan codeynta shacabweynaha xataa lagu dooranin go’aannada waxsoosaarka kheyraadka dalka iyo iqtisaadka guud kusaabsan keli ahaantii iska gaaro oo maaggiisa iyo maankiisa kelinimo dalka ku dabbaqo.

    Haddaba, habka uu Xassan Shiikh u dhaqmayo waxaa kamuuqata in aanu dareensanayn amase danba kalahayn in dalku yahay federaal curdan iyo qabyoba ah. Sida dunida kale caadiga ka ahna, waddan federaal ah waxaa waxsoosaarka kheyraadkiisa lagu saleeyaa habka ah in dowlad kasta oo federaalka kamid ah kheyraadka xuduudaheeda ku duugan waxsoosaarkooda iyadu u madax-bannaanaato, deetona wixii canshuuro ah ee heer federaal kagasoo beegma khasnadda qaran qaabka loogu heshiiyay ee dustuurkuna qeexayo ugusii gudbiso.

    Soomaaliya waddan federaal ah uma eka e waa mid dowlad midaysan ah ee aan tii kacaanka waxba kaga duwanayn, waana ragaadka ugu weyn ee aysan abidkeed hore uga dhaqaaqi karin.

  2. Issa(ID)
    Mabda’ loo aasaasay puntlamd ayaa ahaa inay raadiso
    dawlad soomaaliyeed oo mideysan ,taas ayaana gundhig
    u ahayd qaadashada federaaliga,iyo dastuurka guud ee
    dalka, walow dastuurka gaarka u ah d/puntland ogol
    oo qeexayo in loo madax-banaan yahay in lala fal-gal
    dal walba oo laga helayo danaha puntland,inta laga
    helayo dawlad loo dhan yahay & dastuur ebyan, waxaa
    weli lagu jiraa badi-gobkii,sidaa awgeed puntland si
    taxadar leh,ayey ula socotaa tilaabo walba,oo qaldan
    oo keeni karta in iskeed u maamulato patroolkeeda, wbt

  3. In any given federal system, it’s every state that reserves the constitutional rights to manage its local economy and internal market, and especially the extraction and production of the natural and other resources within its own borders.

    The federal government should possess no outright powers to directly interfere in the extraction and production of a state’s own resources unless it’s unambiguously specified within the federal constitution.

    Xassan Shiikh possesses neither constitutional powers and privileges nor legal rights to authorize any foreign entities to begin exploratory or extraction processes of Somalia’s natural resources whatsoever. This must be made crystal clear to him in no uncertain terms by all the heads of the federal states.

    He must be living on cloud cuckoo land if he believes he can rob the nation in broad daylight by misusing and abusing his presidential powers that are as yet constitutionally and legally totally ambiguous and unrooted.

  4. To: Awlal
    Hassan’s plan does not include puntland coast mark my words it also does not include jubaland coast. This was done because the federal Government wanted to avoid argument with either puntland, jubaland or Kenya. Hence the seismic tests were conduct on areas from Marka to Hobyo coast. konfur galbeed, Banaadir, Hrshabeele, and Galmudug whose coasts will be involved are in agreement with federal Government. If Puntland wants to negotiate a separate agreement for its energy resources fine and dandy but it can’t hold the rest of the country hostage. I am of the opinion and so says the seismic test results that energy resources of Somalia are mainly located between baraawe and Hobyo. I could be wrong but that is what test results say.

  5. Why uu Shiinaha amabba waddan kalle kuu hor marrinayaa, ma habartaa ayaa dhashay? This is soooooo fucking stupid!

    Waddan ku hor marrinaya ma jirro. Waa addiga in aad mother fucking is hor marrisaa. Get it?
    Dalmida
    God bless Somalia 🇸🇴

  6. Issa(ID)
    Siyaasada Qaybsiga khayraadka waxay ku xiran tahay
    dadka leh dhulka, laga qodayo ogol,sahmin,qodid,iyo
    beec-geyn ku cad dastuurkooda gaarka u ah, xasan
    ma mateli karo Gobol,asagoo ah madaxwyne dal, waa
    fal(TUUG WAAGU KU BARYAY) Puntland waxay gaar ka
    tahay ilaalinta hantida ummadda soomaaliyeed oo dhan,
    Xasan Xaraash wixii Formajo laga diiday la yeeli mayo.
    xasan marka run laysku sheego(SARIIRTAADA HOOSTEEDA)
    Patrolka laga helo(Sharciga) ayaad Magan uga tahay, wbt

  7. @cadaado

    Saaxiib cadaado waa runtaa oo shiinaha nalama dhalan oo mana jirto sabab uu noo hor mariyo. Balse saaxiib sidda aad adiggu aaminsantahay oo aad ku doodo mareeykan baa nala dhashay oo isagaa na hormarinaya soo sidaa maaha cadaadoow, wallee war baad la timid.

    • Maye, Hiraab.
      Mareeykankanna namma/kumma hor marrinayo. In aad I fahantay ayaan mooday!. Waddan ma hormirriyo wadan kale, qof ma hor marriyo qof kale. Qofka iyo waddanka ayaa laga rabbaa in eey iyagga is hor mrriyaan.
      Dalmida
      God bless Somalia 🇸🇴

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*