SAWIRRO: Xasan Sheekh oo ka qeybgalay furitaanka Shirweynaha QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey oo lagaga arrinsanayo yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka la hayb sooco.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasiiloonida iyo nabadda, dagaalka ka dhanka argagixisada, wax ka qabashada abaaraha iyo gurmadka degdegga ah iyo dhammaan caqabadaha ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Shucuubta Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa ka wada Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey Olole ku aaddan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed ay kala soo kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, si uu u adkeeyo danaha iyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey shirkan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Madaxa Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Mudane Abuukar Daahir Cusmaan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud.

PUNTLAND TIMES 

13 Comments

  1. Issa(ID)
    Xasan wafdigii 5O ruux ahaa,waxuu ka hayaa 14 xaasley ah,
    iyo dumaashidiis oo celcelis lagu hayo, oo rabta inay ka
    baxsato oday Guuleed,wuxuuse Garguurte madax jab ka qaday,
    Abshir bukhaari oo mar walba khadija isha ku hayo,bal adba
    waa(Dhurwaa)Hilbo ku raro(Weerne)ii ilaali dheh, oo ragani
    ma dhergaan,mana xishiidaan wixii Gabar cad iyo Makhbiyo,ay
    Xaluufiyeen(Shaanshi)(Barawaani)(Reer xamar)&(Baniyaal)
    Xasan wuxuu aad uga xumaaday,oo goor kasta telfoonka ku
    canaantaa wiilashii yaryaraa oo uu ergeyada PATROOLKA iyo
    MAAL-GASHIGA ka dhigay,oo (CAQLIGIISU SIIYAY INUU KU DABO)
    (PUNTLAND) asagoo goor walba leh odayaasha ka dhameeya,kkk
    ayagoo ugu af celiyay xasanow(Dhulki hooyaa)noo Dhaartay,wbt

  2. labada nin oo somalia ugu iimaanka xun waa kay ku sheegaan adowaa afka baqshale hada lasocda xasan o cuntada markuu cunaayo afkiisa ka daadto iyo mahad salad oo raba bil inuu ku taajiro xasan wuxuu rabaa shirkadii waaguu m/w lacgata keeda somalia bunuukta taalay inay qeeybsdaan hadii bangii wax ku hareen umaleeyn maayo wax inuu ku haray xasan wuxuu isga reebaayo nabad iyo nolo yaan la ogaan boobka xoolaha masaakiinta
    ax yaa wadani damul qushaa meel kasta baryo iyo oohin khusuuc si wax loo siiyo

  3. Sawirka hore waxaa qaaday WASIIRADA, kadibna wasiirka ayaa booska u baneeyay si ay ayaduna iskugu sawirto oo HARUUSE ayaa sawirka dambe qaaday ix ix ix ix ux ux ux ax ax ax

  4. Issa
    Ma waxaad ka Maseyrtay Haruuse
    Iska sug mar uunbaa laga yaaba inaad la shaahdo the Owners of Somalia.

    Awal miyuu Jeberti lahaa Hanti iyo Canshuur la boobo. Maxaa idinka galey haddaan boobno Canshuurteena

    “DHUUNTA WAX LA MARIYO AYAA IDIN GEEYAY DHADHAAB”.

  5. Hawiye wuxuu Soomaali u keenay Nidaamka 4,5,waxaadna moodaa in uu ku kalsoonaan la’yahay! Kkk
    Culusoowna wuxuu keensaday Dowlad uu min Wasiirka 1aad illaa iyo Agaasime uu gacantiisa ku soo xushay, isna waxaad moodaa in uu ku kalsoonaan La’yahay kuwa aanan Hawiyaha ahayn! Kkk

    Sidee baa la doonayaa marka in aay Soomaali wada noolaato oo aay Dunida wax la qeybsato?!

    Nin socod xumi in uu wax qarsanayo ayaa la moodaa!

  6. Farmaajona wuxuu keensaday Dowlad uu min Wasiirka 1aad illaa iyo Agaasime uu
    gacantiisa ku soo xushay Fahad Yaasiin,ka dibna hurduu galay!Kkk

  7. Majeerteen, ama Darood weyne waxaan cadeyneyna inaa ku gowracanhey, Madaxweynaha Federalka Somalia! Ha yeeshee ha ogaadeen nimankaa cadifada ku jortee daba dhogta Beel weynta Majeerteen ama Beelweynta Darood.

    Ha ogaadeen qofka u dhashey ee ah beelweynta Majeerteen ama beelweynta Darood waa madax banaan yahey oo waa So.aliyeed wadani ah.

    Beelqeynata Abgaal ama beelweynta Hawiye cade qurux badanayaasha waxaan u sheegeyaa inaa idina ku gowracantahiin inaad Somaliweyn ey siku daardaan fuuqa iyo malab iyo azeendooyin Somaaliyeed. Waxanu leenahey sharciga ayaan u ogaansanahey dal iyo dibad ama ahoow hawiye ama darood waxaa naga weyn waa sharcoga.

  8. Saamileyda siyaasada, Somaliland?, Hir shebele, Puntland,Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug, Gobolka banaadir waxey dhamaantood taageereen Dowlada Hassan Shiekh uu hogaansho. Somaliyeey dastuurka ha baalmarin oo ugaarnimada maaha dhaqan Somaliyeed.

    Viva Hassan Shiekh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*