Soomaaliya oo la sheegay in 4 ilbiriqsi uu qof u geeryoonayo Gaajo

Hal qof ayaa lagu qiyaasay in uu gaajo u dhimanayo afartii ilbiriqsi kasta dalal ay Soomaaliya ka mid tahay, iyada oo in ka badan 200 oo iskugu jira hay’adaha aan dowliga aheyn iyo ururrada gargaarka ee caalamka ay ka digeen dhibaatadan Talaadadii, iyagoo ku boorriyay tallaabo caalami ah oo go’aan looga qaato si loo soo afjaro dhibaatada gaajada ee caalamka ku sii fideysa.

Warqad furan oo ay kula hadlayeen hoggaamiyeyaasha adduunka oo isugu yimid New York oo ay kaga qeyb galayaan shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa 238 urur oo ka kala socda 75 waddan, oo ay ku jiraan Oxfam, Save the Children iyo Plan International ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin heerka gaajada cirka isku shareertay.

Waxay bayaanka ay soo saareen ku sheegeen in 345 milyan oo qof ay hadda la il daran yihiin gaajo daran, tiradaas oo laba jibaarantay tan iyo sanadkii 2019-kii.

“In kasta oo madaxda caalamkunay ballan-qaadyo ku sameeyeen in aan marnaba la oggolaan karin macluul qarnigan 21-aad, haddana macluul ayaa mar kale kusoo fool leh Soomaaliya, adduunka oo dhan 50 milyan oo qof ayaa qarka u saaran inay macluul u dhintaan 45 waddan,” ayay yiraahdeen ururadan.

Waxa ay tilmaameen in dad gaaraya 19,700 oo qof lagu qiyaasay inay maalin walba gaajo u dhimanayaan, waxaana ay sheegeen in taasi ay ka dhigan tahay in afartii ilbiriqsiba hal qof uu gaajo u dhinto.

AFP/VOA

PUNTLAND TIMES 

7 Comments

  1. Man made disaster. Shacab tuugo madax kadhigta hadana difaac iyo taageero la garab taagan siyaasi tuug ah oo wadamada dariska jaajuus u ah saanaa u dambeysa. Wajiga jaahilnimada iyo qabyaaladu waa kaa. Ha biqleyso

  2. Issa(ID)
    Waxaan xan iyo xuuraan ku helnay in(Guutooyin)ka kooban,kamas.
    iyo mooryaal ka baxay(Alshiyuukh oo bilaa WAYSO dagaal gelaya
    ay heegan ku yihiin xeebta (Xarar-dheere)oo doonyo diyaar ugu
    yihii,oo inay weeraraan puntland sidii balanku ahaa, waxaa ka
    xarig furtay kooxdii (Cali-dheere), iyo barax shabaab ah oo
    la figrad ah, sidaa awgeed puntland oo digniin qabtay waxay ka
    go’an inaysan u ogolaan dagaal biri,oo ay badda ku dhex-kariyan,
    (For Fun) like American marine seal, si ay u xasuustaan dadkii
    xaq darada lugu dili jiray(meyd malaay cuno)&(Dhaawac badu dhib)
    tirto, balankeenu waa Hubka cusub,iyo maraakiibta xeebaha oo
    heegan ku ahaada Garacad ilaa Las-qori, wbt

  3. Saamileyda siyaasada, Somaliland?, Hir shebele, Puntland,Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug, Gobolka banaadir waxey dhamaantood taageereen Dowlada Hassan Shiekh uu hogaansho. Somaliyeey dastuurka ha baalmarin oo ugaarnimada maaha dhaqan Somaliyeed.

    Viva Hassan Shiekh.

    • @ LIFO.

      Somaliland waa Qaran jira 1960 xoriyadiisa qaatay kuna Qasaaray jamhuuriayadii laysku odhan jirey SOMALI REPUBLIC,,
      waa kugu ceeb iyo edebdaro inaad ku darto lana maqaan dhigto xaafadahan Yar yar ee kala fadhiya ee wada FADHIIDKA ah,5 xaafadood ee midba midka kale arki karin meeshana aad ku taxday,, ka fiirso taariikhdana soo baro ay waxa ay somaliland tahay ama ahaan jirtey waa ku deelqaaf iyo gef inaad xaafadaha 5’ta ah ku dhereriso Qaran jira iyo dal iyo dad tashadey Beri hore,,
      Shame on you go and read the history before you writing this garbage,,

  4. Soomaaliya- abaarta iso bedeshay macaluusha.
    Waxaa nasiib daro wayn ah in umaddii Soomaaliyeed oo maantay ay hayso abaar tii u xumayd muda ka badan 60 sanadood.
    Halkii wax walba loo jihaynta lagaa inta tabari tahay u gargaarga walaalaha Soomaaliyeed,ayaa wax aan loo joogin oo dalkan iyo
    uma dan horay u baabi’eyey weli dabada laga wadaa.
    Waa maantay Soomaalido wixii khilaaf ah ee u dhaweeyey,raga maamulka iyo siyaasada ku jira ay joojiyaan kala qaybin ta shacabka Soomaaliyeed.
    Waa in Daroogada CAGAARAN,maan dooriyaasha kale iyo khamriga oo si xowli ah umadda ugo daatay waa in si dhab loo mamnuuco.
    Soomaaliya guul iyo midnimo .

  5. tuugsi somali qurmuun dhameeysay lacgta tuugsiga lagu helo waxay ku baxda dhilaysi iyo daaro dabaqyo waaween lagu dhisto fasahaad caruur yaryara loo galmood BACKASII daraaga jaadka khamriga gawaadnimadu caadi bay noqotay sida lacadeeyay somalidu boqlkii afartan eedis bay qabaan ama kansar inta soo hartayna dhig karo kaadii macaan ilkiihii kawada dhacay tuurkii ayeey ilko tarkiiba ka soo donteen tuurkiigii yaabyay umad ciritka kawada buukta oo ilkala xagee lagu arkay dhibtu waa xaaraanta boobka maatada xaqooda la almsanayo nin wuxuu cuno xaaraantahay wuxuu labisto xaaraantahay ducadiisu makaceeyso roobdoon kasta la.akhriyo roob di.imaayo daruuruh cirkeey soo buux dhaafin markii la isyiraado hadu di’in ayeey galabtii daruuruh kala cararaan waxaa igu maqaala tuugsiigi gobolada xooga xooga baa loo tuuray minfadalan gobolkastow 5 CEEL u QODa masaakiinta 3 boqol kun kama badana inta iniisoohartay BACKASII DUF KUBAX

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*