WAR DEG DEG AH: Gen. Farxaan Qaroole oo lagu dilay deegaanka Basra

Wararka ka imaanaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya in lagu dilay ee deegaanka Basra, Taliyihii qeybta Booliska gobalka Banaadir Gen. Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole).

AUN Gen. Farxaan Qaroole ayaa ku geeryooday qarax miino oo lala eegtay kolonyo gaadiid dagaal ah, oo marayay nawaaxiga deegaanka Basra oo saaka DFS ay sheegtay inay ka qabsatay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Majirto faahfaahin dheeraad ah oo laga hayo sida uu ku dhacay falkan argagaxa leh.

Gen. Farxaan Qaroole ayaa kamid ahaa saraakiisha dhalinyarada ah ee ku jirta Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya, isagoo horey u soo noqday Taliyaha Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad.

Wixii kasoo kordha kala soco Puntlandtimes.

PUNTLAND TIMES 

23 Comments

  1. Inaa lillaahi wa inaa illayhi Raajacuun.

    Eeboow u naxariiso eheladii uu ka tagayna Samir iyo iimaan kasii.

    Waa in Dagaalka lagula jiro Argagixisada Shabaab la balaariyaa lagana sifeeyaa Somalia iyo Geeska Africa.

  2. Issa(ID)
    (Ina laaha wa inaa ileyihi raajicuun)(Aun)Jan,Farxan Qaroole,
    Geeridu waa xaq,mimba waa maalin iyo meel go’aan,waxaanse la
    llailaawi karin (Haybadii askarinimo)ee Alla ku maaneystay,
    Shacabka soomaaliyeed waxay codsanayan in baaris(Caalami)ah,
    lagu sameeyo labada shabaab kii dilay,(Shahiid)Alla yarxam,wbt

  3. @ issa (ID).

    Asc salaan sarre oo qaali ah suldaan issa.

    Kadib

    Wallaahi suldaan ciisoow waxaad tahay nin garasho dheer, oo waayo aragg ah, dareen dheer oo waayo joog ah, EEBE hakuu barakeeyo wuxuu nimcooyin ku siiyay oo idil, oo EEBE hakaa dul qaado oo hakaa ilaaliyo wixii dhib ehee.

    suldaan ciisoow waxa aad ka hadashay xaqiiqada, waxa aadna dareensantahay in dalkan iyo dadkanba aysan hal koox oo shabaab ahi cadaw ku aheeyn, balse shabaabku badan yihiin, yacni yihiin kooxo midoobay oo siyaasiyiin iyo urur dimeedyo bidci ah iyo mooryaanba isuggu jirra, sida aad sheegtayna waa runtaa suldaan oo waa in la baaro geerida ina qaroole ALLAHA u raxmadee, aniggu waxaan ka shakisanahay in dilkan iyo kuwo kaloo badanba kufaarta shabaab xulafo lagula yahay oo kooxo dano siyaasadeed iyo kuwo rabsho watta ay xulafo kula yihiin.

    Marka suldaan ciisoow tuhunkeeygii adaaba igala soo hormaray oo halkan soo dhigay, adaana toosh ku sii ifiyay halkii aan awalkii horaba fiirinayay halkaasoo ah in dilkani labbo shabaab geeysteen oo danno siyaadadeed iyo kuwo naflacaarinimo laga leeyahay, marka anna waxaan xoojinayaa baaqaadii runta ahaa ee ah in dilkani la baaro oo si fiican loo raad gurro laga yaabaa in kooxo xamar jooga oo siyaasiyiin ahi oo shabaabul kaafiriin xulafo la ah ay wax ka ogyihiinee.

    Asc salaan sarre suldaan.

  4. Warka aan maqlay waxaa uu ahaa in Marxuumka uu lugaynayey Asaga iyo rag kaloo badan laakiin nasiib daro uu ku istaagay Miino Shabaabku Dhulka ku aaseen sidaana uu ku dhintay Allaha u Naxariistee.

    Tashwiishka Dadka wada waxaan leeyahay joojiya oo wax hubsada Inta aydan wax sheeg sheegin maxaa yeelay mala awaalka waa laga Fiican yahay.

  5. Ilaah ha u naxariisto Sargaalkan dhalinyarada ahaa ee dhagarta lagu dilay cid dishayba!

    Bal qiyaas qiyaanada ninkani lagu dilay inta aay la egtahay!
    Waxaa la Saaran yahay, kolonyo gaadiidka aaysan xabbaddu karin ah oo inta badan isu wada muuqaal eg.
    Dabadeedna Waxaa lagala baxay oo la qarxiyey kii uu Sargaalkani saarnaa. Kaaga darane, waxaa loo diyaarsaday Qarax la hubo in uu dilayo, cidda Saaran Dabbaabaadkan aaysan xabbaddu karin ee aan qiyaasayo in uu Turkiga sameeyey!

    Waa maxay dhagar Muuqdisho taalo inta aay qodon tahay!!!!

    Ilaah baan kaa Magan galay!!

  6. Ducaale Kaahiye.

    Sida aad sheegtay waa loo qaateen, laakiin maxaay ahayd miinada hal nin oo caan ahaa kala dhex baxday, rag badan oo sida caadiga ah leh, Madax iyo ilaaladooda oo wada socda?!

  7. A. A. Xade

    Ilaahi dila ayaa dhinta, hade nin ay tiiso dhamaatay lama celin karo. Waxaa la ii sheegay in uu shalay Xamar kusoo noqday maal Mahaana Ku maqnaa Yurub marka tii sii baa gashay muxuu u dhintay na in aad Iwaydiisaa waa Qalad.

    Miino ayuu ku istaagay waana ay la Qaraxday wixii kaloo faahfaahin ah Dawlada ayaa gadaal kasoo sheegi doonta.

  8. Inaa lilaahi wa inaa ilaahu raajucuun.
    Marxuum General Farxaan Qaroole,ALLAHA u naxariisto waa war murugo leh.
    Wuxuushta Argagixisada al shabaab,waa in dhulka Soomaaliya laga ciribtiro.ilaa intee baa ka eegan kara in ay wadaan,di laka iyo baai’ it’s hantida dadka Soomaaliyeed.
    Waa in gulf aan aan kala go’ lahayn,lago qaado argagixisada al shabaab iyo figradooda.
    Waa in Jilib,Jamame iyo Saskia iyo degmooyinka ku xeer an laga saaro.
    Waa in Bay ,Bakool iyo Gedo ,Shabeekada Hoose,shabeelada dhexe,Galmudug,laga saaro in ay kaga gareen Hiiraan oo wax yar ah,waa in laga saaro.
    Soomaaliya guul iyo gobanimo

  9. A.A.xade

    Waryaa xade ma waxaad mooda inaad sheekadan ka faaiideeysan karto oo sheekooyinkaadii qayaaliga ahaa ee aad caanka ku eheeyd ka sameeyn karto.

    Waryaa xade waa run in qaroole la shirqoolay oo ragg badan inta laga dhex bartilmaameedsaday ka dibna la qarxiyay, balse saad soo waddo ee aad ku doodi rabto maaha sheekada.
    Waan ogahay inaad xasan sh iyo kooxdiisa dam jadiid udan leedahay oo eedeeyn rabto, balse ogoow ma’aha xasan iyo kooxdiisa dilaayaasha, ee dilaaga ama dilaayaasha laga shakisanyahay waa N&N oo uu adeerkaa afweyne-yar hogaamiyo oo iyagaa shabaabul kaafiriin xulafo iyo asxaabba la ah, iyagaana lagga yaabaa in shirqoolkan iyo dhagartan ay wax ka ogyihiin oo ay doonayaan in madaxweyne xasan iyo xukuumadiisa ay shaarka iyo sharaftaba uga wasaqeeyaan, bulshadana uga horkeenaan uguna ekeeysiiyaan kuwo aargoosanaya oo saraakiishii N&N ee xukuumadii horre beegsanaya.

    Marka xade waan ognahay inagu xaalka iyo sheekada arrintan ku gadaaman, sidoo kalena weeynu dareensanahay cidda dhagartan wax ka og ee wax ka fududeeysay ee xadoow jooji sheekada ilko yarta dhiban ee beenta ah ee dhuuso mooyee aan wax kale awoodin, hana isku dayin inaad adeerkaa xaar armaajo arintan ka leexiso ka dibna aad madaxweyne xasan dusha uga tuurto.

    Bye.

  10. To: all
    Sarkaalka Alle ha unaxariisto eheladiisanah Alle sabar ha siiyo. Dagaal aad iyo aad uculs ay lagu jiraa daqiiqadii la arkan waxuu galaafanaya wiil Soomaaliyeed qiimo badan, gabadh Soomaaliyeed oo qiimo badan. Aabo iyo hooyoyinkii ayaguba dhalay ayeysan dhaaafayn Shabaab. Labo waa mid uun khawarijda in aan wadanka kadareerino ama udayno. Haduu daagaalka inaga dhab yahay tuhunka waa in aan iska daynaa. Waxaan shaki kujirin inta xabadu dhacayso in ay xabaashuna badan doonto. Waxuba waa bilow saldhigyadii waa waynaa wali lama gaadhin Ilaahay waxaan ka baryayaa in guushu inagu siiyo si dhib yar oo dhimasho yar. Shabaab iyo dhibkoodanah Alle hana dhaafsho Xaqana Alle hana waafajiyo dhamaanteenbo. Amiiiiiiiiiiiiin

  11. Ducaale Kaahiye & Hiraab:

    Marka hore geeridu waa aqbal oo qaab kasta oo loo dhintaba, waa lama huraan oo waa tii aan dhedheminaa!

    Laakiin Anigu arrintani 2 Shabaab midkood ayaan aaminsantahay in uu maleegay!
    * Xerta Culusoow oo ninkan awooda leh ee aay ka urinayaan Raadkii N&N, garanna waayey qaab aay xilka uu hayo kaga qaadaan in aay qaabka I isu dhaafiyeen!
    * Iyo Shabaab oo beesha Saleebaan ee uu ni kani ka dhashay sida aan maqlay, waayadana ugaarsi ku hayey dad Caaanka ah ee beeshaasi ka soo jeedo in aay ka dambeeyaan!

    FG. Culusoow xilligiisii hore wuxuu ku caan baxay Shirqoolka uu u maleegayey dadka uu is dhaafinayo. Shirqoolaadaasi oo lahaa Qarax iyo Sumeyn la sumeeyey dad badan oo uu kamid ahaa, Taliyihii Booliska Soomaaliya oo aay qaraabo hoose ahaayeen, YUULKA oo aay Culusoow is hayeen!

    Cid dishayba Farxaan Ilaah ha u naxariisto, aamiin!

  12. Hiraab hooyadaa wase ma waxaa ku biirtay Jeberti Issa.
    Wiilkanaga Qaroole unukaa leh naga dhintey xaa Jeberti ka galey.

  13. @khalid
    naga dhex bax daanyeeryahow hargeysa ha ku qaado ninka dhintay waa somali adiga iyo cidaaduba oromo somali bartay baad tihiin..

  14. @A.A.xade

    Tuug la qabtay tallo ma leh.

    War xadoow horaan kuu sheegay oon kuu dareensanaa inad sheekadan beenta ah iyo eedan beenta ah aad soo waddo.

    Wallee halkan ku xaqiiqso xadoow inaan ku garanayo oon ku dareensanahay waxa aad tahay iyo waxa beenta ah ee aad caado iyo shaqaba ka dhigatay.

    War xadoow geeridu waa xaqq oo adigan beenloowga iyo faataalaha ah na bari maeeysid, balse waxa la isku heeysto waad garaneeysaa oo aniguna waan garanayaa, xadoow mid ogOOw dilkani shabaab kaliya ma fulin ee waa lala fuliyay, cida la fulisayna ma’aha madaxweyne
    Xasan sh ama kooxdiisa talada dalka heeysa, ee waa adeerkaa xaar armaajo iyo kooxdiisa nabar iyo naxdin kuwa dilkan wax ka fuliyay oo caana ku ah arrimahan oo kale horrana loogu yaqaanay.

    Marka xadoow aniga horaan kuu sheegay inaad beentii soo wado, horaana kuu sheegay inaad dooneeyso inaad halkan ka difaacdo adeerka xaar armaajo iyo canaasiirtiisa nabar iyo naxdin oo iyagga hada indhuhu ku wada jeedaan, oo looga shakisanyahay inay arrintan wax ka ogyihiin, horaana kuu sheegay inaad madaxweyne xasan maagan tahay, oo dooneeyso inaad dambigan xagiisa u leexiso adoo been sheegaya, balse soo hadda ismaba aadan keenin adoo wixii aan kuu sheegayay ku doodaya, wallee xadoow waan ku qabtay ee dhuumo oo beentan iyo balaayadan aad meelaha la taagan tahay waa lagugu fahmee iskala tag oo ka dhaqaaji meeshan sidaa baa kuu roonee.

    Bye.

  15. @A.A.xade

    War xadoow sheekooyinkan aad alifto ee beenta iyo raqiiska ah waa lagugu fahmee meesha kala dhaqaaji.

    Midda kalana xadoow ma jirto sabab uu madaxweyne xasan inankaas qaroole ah u bartilmaameedsado, ee waxaa jirta sabab uu adeerkaa farmaajo arintan ugu dhaqaaqi karro taasoo ah, inuu doonayo inuu madaxweyne xasan iyo dowladiisaba sharafta ka dillo oo uu u ekeeysiiyo kuwo isaga iyo saraakiishii lasoo sahaqeeysayba ka aargoosanaya, waana waxa beenta ah ee aad adiga hada halkan kusoo qortayba.

    Marka xade anagu ma nihin dameero, ee adaa dameer ah moodayana inaad sheekooyin raqiis ah oo aad malo awaashay nagu marin habaabin karto.

    War xadoow waxaan ku leeyahay lagu fahmayee maashan ka faniin oo ka fakko.

    Bye.

  16. Maskiin
    Magacaad rabto soo qaado

    Laakiin ninkaad qaldi waa
    Naftaada, dad waxaa ugu liito
    Reer Baadiye isku dayey
    Inuu iska dhigo ” Qof kale ‘

    Ku soco

    You may fool yourself and
    others.

  17. Let me begin with that a soldier’s job is both to kill and to be killed and for that it was expected to happen.

    Also we have to remember that death will come to you even if you are inside a concrete bunker behind a concrete wall and begin sandbags let alone inside an Armoured tank,and that’s precisely what happened. These so called Armoured vehicles give a false sense of safety and invisible feeling that is false but they are a death trap.
    They said he was out and on foot but how the hell were Ashb able to target in that moment probably unplanned stop? How did they time with pinpoint accuracy?Only a stupid damb person will say it was not an inside job,Saaxib keen A A Xade ayaa Afsoomali ku sharaxay.

    All signs are pointing towards the beginning of tribal assassination moves as expected,a revenge.
    These so called the mobilization of civilians to fight Ashb is a short term knee-jerk reaction and incredibly the stupidest State Policy ever carried out.

    While all these are happening,the droughts and wars, our head of state Xasan Shiikh is traveling around the world eating Injerera,the sour stomach bloating Ethiopian flat bread to eating New York fries, the artery blocking oily salty potatoes to Kenyas Ugali,the glucose loaded sleepy fine grounded maize to Desert roasted Carab Lamb Xaniid whole goat,gout inducing fatty meat in the Carab despot homes.

    In another words, Xasan Shiikh is on a food tasting tourism trips across many world capitals while home is on fire.
    What a failure on a grand scale.

    May Allah swt safe our country and our noble people.

  18. Caruur derejada Jeneraal aanu gaadhin khibradeedana lahayn garbaha loo sudhay kadibna la yidhi bahalo dad qaad ah la dagaalama sidanay dhashaa.
    Xasan Sheikh baa u sabab ah.
    Maxaa la kufsaday darajadii iyo ciidankii!!!
    Odowaa isna waa ciyaal darajo layska siiyay aanu khibrad u lahayn waana sababta guul laga gaadho xarakadu aanay u suurtoobay.

  19. Horta hore Alle ha u naxariisto Marxuumka sida xaqdarada ah lagu shirqoolay oo lagu dilay…Ehelkiisa dhow ee uu run ahaantii ka baxay Alle Samir iyo iimaan haka siiyo.

    Shaki Kuma jiro in marxuumka lagu dilay abaabul qorsheysan. Waa mucjiso in ay miino disho Hal shaqsi… oo intii garab socotey badbaadiso… waa hadii ayba jidho in uu lugeynayey oo ku istaagey miino. Waxaan u maleyn in miinada loo hoos galiyey kursi uu ku fadhiyey oo sheekada loo badalay socod…. Ama kahor’ba la dilay… oo kadib meedkiisa miino lagu qarxiyey.

Comments are closed.