WAR-MURTIYEED: MW Xasan Sheekh & Abiy Ahmed oo isku afgartay 10 qodob ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo labo maalmood ah Booqasho rasmi ah ku joogay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya, kaddib martiqaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo laba geesood ah yeeshay.

Intii uu socday wadahadalka labada hoggaamiye waxaa ku wehlinayey masuuliyiin sare oo ka tirsan labada dal, iyagoo isla eegay arrimaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan in la iska kaashado dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xagjirnimada, xoojinta dhaqaalaha iyo is-dhexgalka gobolka.

labada hoggaamiye ayaa isla qaatay:

1. In la kobciyo, lana xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo Labada shacab, kaas oo sal looga dhigayo qadarinta qarannimada iyo midnimada labada dal.

2. Waxay ku celiyeen go’aankooda ah inay si wax ku ool ah isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah cadowga ay wadaaageen labada dal ee Argagixisadda iyo Xag-jirnimada, waxa ayna fareen hay’adaha amniga xoojinta iyo tayeynta iskaashiga amni ee ka dhaxeeya.

3. Labada Hogaamiye waxay bogaadiyeen howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Gobollada Soomaaliya, gaar ahaan duulaankii ugu dambeeyay ee ciidamada XDS ay ku qaadeen Al Shabaab.

4. Madaxdu waxay ugu baaqeen Golaha Amaanka Qaramada Midoobay in ay tixgaliyaan codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dalka in ka badan 30 sano, si loo xaqiijiyo in Ciidamada Soomaaliyeed ay dalkoodaa ka xoreeyaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.

5. Waxa ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la wada shaqeeyo, la yareeyo saameynta dibadda iyo faragelinta laga yaabo inay wiiqdo nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo dadaalka wadajirka ah ee la dagaalanka argagixisada.

Si taas loo gaaro, waxay ku heshiiyeen in ay yeeshaan wada-tashiyo laba geesood ah oo joogto ah iyo in la iska kaashado golayaasha loo dhan yahay iyo kuwa goboleedba, korna loo qaado danaha guud ee ku salaysan is-xtiraamka labada dhinac iyo madaxbannaanida labada dal.

6. Waxaa la bogaadiyay Ciidamada Difaaca Itoobiya ee sida geesinimada leh ugu huray naftooda nabadda, xasiloonida iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

7. Madaxdu waxay xuseen in labada dal iyo guud ahaan dalalka gobolka ay soo foodsaareen abaaro soo noqnoqday iyo masiibooyin kale oo dabiici ah, kuwaas oo ay keeneen isbeddelka cimilada, khatarna ku ah nolosha dadka deegaanka.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen in ay lama huraan tahay in arrimahan la iska kaashado, loona baahan yahay in la laba jibbaaro dadaallada looga gudbi karo caqabadahaas.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen saaxiibada caalamiga ah in ay sii wadaan taageerada bulshooyinka ay abaartu saameysey.

8. Madaxdu waxay ku heshiiyeen in la kordhiyo deeqaha waxbarasho iyo tababarada ee Itoobiya ay siiso shacabka, shaqaalaha, ciidamada ammaanka iyo hay’adaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

9. Labada hoggaamiye waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay balaarininta iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada Ganacsiga, maalgashiga, Isgaarsiinta, amniga iyo siyaasadda.

10. Madaxdu waxa ay fareen xafiisyada dawladda in ay sameeyaan guddiyada isku dhafka ah ee Wasaaradaha, sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, si looga doodo loona dejiyo tilmaamaha iyo hababka fulinta ee arrimaha danaha labada dhinac.

PUNTLAND TIMES 

9 Comments

  1. Afartii Dekadood ee Farmaajo siiyey Abbiy Axmed halkee bay ku Dambeeyeen taloow ?

    Xurmad leh Madaxweyne Xassan Shiekh ayaa u sheegay Abbiy Axmed in uu iska iloobo Afarta Dekadood ee Farmaajo siiyey Abbiy.

  2. Hassan Qoslaye inuu hogaamiye ahayn, waddanina ahayn waxaa kuu caddaynaysa,, inuusan Xaartoobia kala hadlin arinka faragalinta iyo xiriirka ay xaartoopia markasta la yeelato maamul beeleedyada.

  3. Issa(ID)
    Siyaasada iyo deplomasiyadu waxay ka bilaabataa sida lagugu
    qariyo, war saxafadedka aad saxixdo,waa faylka lays weydarsado
    Aakhika arag qodobada lagu suul-daaray(Qoslaaye)Q,1aad (Masar)
    baa lagu baabiyay Qod 5aad inuusa golayaasha la imaan arin kale,
    Qod,6aad inuu mahad celiyo ciidanka sii joogi doona ee itoobiya,
    Qod,7-1O waa faro gelin toos ah,Ethiopia waa(African queen) oo
    heshay caamo iyo caluuq siyaasadeed,siyaasada soomaliya waxaa
    horkacaya (Balcad iyo baadi-cade) wbt

  4. To: all
    Waxaan hubaa in qodobadaasi midna fuli doonin. Ethiopia, Kenya iyo Somalia xadhiidhada dhaxmaro badanaa waa kutidhi kuteen maxaa yeelay khilaafka ino dhaxeeyo waa mid aad sal balaadh oo Diin dal iyo dadba taabanyo. Waa dad dhoola cadaynayo dhufaysna isugu jiro.

  5. “WAR-MURTIYEED: MW Xasan Sheekh & Abiy Ahmed oo isku afgartay 10 qodob ah”

    Was the Somali Minister of Foreign Affairs in the meeting?

  6. Soomaaliya/ Ethiopia.
    Waa kaba dal oo daris ah,waxa jira arin sharciga Calanka oo dhan,waa taqaan,in marwalba ka ilaaliyo,qaranimada,madax banaanida iyo xuduuda dal kasta ee dunida.
    Ethiopia marba daacad ka ma aga in Soomaaliya,ay dib you soo noqoto.Waxaa tussale u ah,in ay wakiilo ka leedahay.
    Magaalada Hargeysa ee maamulka ka baxay Somaliland,
    waxaa kale oo jirta in,maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya ,iyana ay wakiil ku leedahay.
    Marka isma keenayso war murtiyeedka ah in Ethiopia ay u hogaan samayso midnimo Soomaaliyeed.?
    Sida caada u ah,qaar badan oo ra’yigoodo inta badan aan garanayn ama arkayn,sawirka wayn ee u danta ah.
    War Soomaaliyey danta guud ee qaranka Soomaaliyeed ay ah Dan joogta ah.
    Ethiopia iyo Kenya,sida kaliya oo ay Soomaaliya,kaga Hawa yaan,waa in shacabka Soomaaliyeed ay midoobaan,dalkooda dhistaan samaysay na ciidan xoog leh,siddi bere samaadkii.
    Qabtaa Jaahiliga ah,wuxuushta argagixisada al shabaab iyo kuwa shisheeyaha la shaqeeya,waa in Bulut aan kala go’ lahayn lago qaado.
    Somalia- UNITED WE STAND.

  7. Waxaa culusow laga dharjiyey qaxwihii kharaaraa ee xabashida oo lagu suuxiyey hoteladii qabyda ahaa ee xaafada Bole. Axsan waxay sheekadu qurux badnaan lahayd hadii la oran lahaa lama heshiin….ama Dib Dambe ayaa layskugu soo noqon.

Comments are closed.