Wasiir Juxaa,”Qayb Kama Noqon Doono Muddo Kororsi ay Samaysato Xukuumadda Deni”.

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa beeniyey inuu jiro muddo kororsi uu madaxweyne Siciid Deni ka dhex raadinayo qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka qaar kamid ah degmooyinka Puntland.

Cabdi Faarax Siciid Juxaa, waxa uu sheegay in guddiga doorashooyinka Puntland ee hadda jooga shaqadoodu tahay hirgelinta doorashooyinka golayaasha deegaanka aysanna hadda miiska saarnayn doodda la xiriirta muddo kororsi iyo qabashada doorasho dadweyne oo barlamaanka lagu soo doorto.

“Horta waxaa muhiim ah dadku inay fahmaan guddiga doorashada ee inoo jooga shaqadiisu waa dhismaha golayaasha deegaanka ma aha madaxweyne ama Baarlamaan, taladaasina miiska ma taallo, ee waxaa miiska saaran hadda waa golayaashii deegaanka wax aan joogin maalinteeda hala gaaro”, ayuu yiri Wasiir Juxaa.

Dhanka kalena, wasiirka ayaa sheegay inaysan jirin wax muddo kororsi ah oo hadda miiska u saaran xukuumadda uu qaybta ka yahay aysanna wax dan ah oo gaar ah ka lahayn qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka marka laga yimaado inay gudato waajibaad dastuuri ah.

“Ku darsasho wax la yiraahdo oo miiska saaran majirto, Dowladdaana wax dan ah ka sokow barnaamijkaasi inuu hirgalo oo miiska u saarani majiro, Juxaana taas qayb kama ahan kamana noqon doono muddo-kororsi ay samayso dowladda Deni” – Wasiirka Arrimaha-gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxaa oo la hadlay BBC-da.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta reer Puntland ayaa mowqif cad ka qaatay qabashada doorasho dadweyne waxaana ay sheegeen inaan xilligaan la dhammaystiri karin golayaasha deegaanka wixii intaas dheerna uu madaxweyne Deni ku raadinayo muddo kororsi iyo inuu xafiiska sii joogo.

PUNTLAND TIMES 

4 Comments

  1. Issa(ID)
    Waxaa la yiraa(Geel dhugato dhaantay,socotane war dhaantay)
    Doorashadu waqtigeedey ku dhacaysaa,fursadaane muddo dheer
    oo wiil dhashaa ku hano-qaado ayaan sugeynay ,sidaa awgeed
    sii socotada warka dhaantay, maqli meyno, waxan dorashada u
    dhiibnay,kuna dhaliili karnaa 2(laba)Aar oo aqoon iyo aragtiba
    isku dhigma, oo ku abtirsada isir dhiifoon,oo talo & tilmaanba
    loogu tago,waxaa doorashada naga xiga (Geeri) &(Gaadmo)cadow,
    waa inta (Qadarka Alla) ah, wbt

  2. Juuxa
    Waan ognahey inaadan ka qeyb qaadaneyn
    In Hagbadda Ciise Max’uud la Kororsado,
    ee adigaa rabo inaad uga hormarto albaabka Hagbadda wasiir HARUUSE.

Comments are closed.