SAWIRRO: Wasiirada Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada-hadlay labo arrimood!

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane, Abshir Cumar Huruuse ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada midoobay kulan kula qaatay wasiirka arrimaha dibedda ahna Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Itoobiya, Demeke Mekonnen.

Labada mas’uul ayaa waxay kulankooda kaga wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii uu marwalba u ahaan lahaa mid wanaagsan, isla markaana la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Ururka Al-Shabaab.

“Waxaan kullan ku yeelannay xarunta Qaramada Midoobey ee New York ee uu ka socdo shirka 77-aad ee Qaramada Midoobey, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda Ethiopia Mudane Demeke Mekonnen. Intii uu shirku socdey waxaan ka wada hadalnay xiriirka labada dal iyo sidii uu marwalba u ahaan lahaa mid wanaagsan.” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, Wasiir Abshir Cumar Haruuse.

Xariirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa hareeyay madmadow fara-badan, tan iyo markii uu xafiiska yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo markii labaad loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya 15kii bishii May.

Addis Ababa ayaa warbaahinteedu dhowaan sheegtay in xubno ku dhow Madaxweynaha Soomaaliya ay xumeynayaan xariirka labada dal, wallow war kasoo baxay markii dambe Wasaaradda Arrimaha Dibedda raalli-gelin looga bixiyay warbixinta Telefishinka Itoobiya.

Tan iyo markii uu xafiiska yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uu booqasho ku kala bixiyay in ka badan 10 dalka, oo ay ugu horeeyaaan wadammada gobalka, sida Jabuuti, Kenya, Ugandha, Tanzania iyo Eritrea, balse ma uusan booqan Itoobiya, arrintan ayaana lagu macneeyay in aysan isku wanaagsanayn Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed Ali, oo xariir wanaagsan la lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane, Abshir Cumar Huruuse oo ka mid ah wafdiga uu hoggaaminayo  madaxaweyne ,Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada New York kaga qeyb galaya shirka 77-aad ee Qaramada Midoobey ayaa halkaasi kulan doceedyo kula qaatay madax badan oo ka kala yimid caalamka.

PUNTLAND TIMES

4 Comments

  1. Xasan sheikh iyo cid kasta oo kula talisey inuu u kala hiiliyo Ethiopia iyo Masar waa arrin aad u qaldan 100%.
    Haddii caqligu yahay Exmadaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xiriir wanaagsan la lahaa Ethiopia waa qalad kale 100%.
    Arrin murankeeda Caalamku xal u waayey in Soomaaliya lugaha la gasho waa feker daciif ah.
    Xasan sheikh iyo kooxdiisa xarash qaran ma og yihiin in Biyaha Webiyadeena Shabeelle iyo Jubbo ay ka yimaadaan Ethiopia???
    Xasan sheikh waa inuu qaato siyaasad dhexdhexaad ah muranka u dhexeeya Ethiopia iyo Masar,waa xalka kaliya lagu hagaajin karo xiriirka Soomaaliya iyo Ethiopia.

  2. Guurguurte siyaasad aan qaangaar ahayn buu ku shaqeeyey markii hore walina siyaasadiisu ma qaangaarin meeshii tii hore unbay ku dhamaaneysaa. Waa xaqiiq. Ha biqleyso

  3. Waa xaqiiq dariskaadu hadii uu wanaag kula doonayo in lala doono Ethiopia kuwa ugu horeeya ayay ka mid tahay, laakiin kuwa halkan qoraalada ku qora ee leh dhaqanka si wax u doonka ah oo taariikhda Soomalina wasaqeeyay ethiopiana keenay dhulkii Soomaliyeed ayaa maanta ku leh dariksa, kuwiinan halkan wax ku qoraa Xasan Sheekh qoyskiisa iyo qabiilkuu ALLE ka dhaliyay ayaad ku diidaan waana taa mida DHABTAA, MUUTU BIQEYDIKUM. SAA REYSAN MEYSAANE

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*