Wasiirkii Maaliyada PL: oo ku baaqay in Siciid Deni laga badbaadiyo Puntland

Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyada Puntland Xasan Shire Cabdi oo kamid ahaa saaxiibadii ugu dhowaa ee Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa kashifay sababaha keenay xilka qaadistii dhowaan lagu sameeyey, wuxuuna sheegay in ay Deni isku afgaran waayeen qabashada doorasho lagu raadinayo mudo kororsi aan sharci aheyn, kaas oo uu sheegay in aan laga qabaneyn gobaladii 5ta ahaa ee wada dhistay dawlad gobaleedkan.

Xasan Shire Cabdi oo ka hadlayey munaasabad uu xilka kuwareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda Maxamed Cabdirmaan Dhabancad ayaa sheegay inuu ahaa shaqsigii ugu dhowaa ee Madaxweyne Deni dhistay doorashadii 2019, haseyeeshee khilaafkoodu kadhashay doorashadii madaxtinimada Soomaaliya iyo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Deni doonayo inuu Puntland ka qabto.

Deni ayuu sheegay in ay isku fahmi waayeen qaabka loo wajahayo doorashada golayaasha deegaanka oo Siciid ku adkaysatay in laga qabto 12 kamid ah degmooyinka Puntland, balse isagu qabay aragtida ah in aan la kala dhantaalin mashruuca doorasho qof iyo cod ah, iyadoo aysan dadku kuwada qanacsaneyn.

Markii koowaad ayuu Mr, Abgaal caddeeyey in Deni ay isku maandhaafeen doorashadii madaxtinimada Soomaaliya oo uu madaxweynuhu kusoo guuldarraystay iyo saluugmada Puntland ka qabtay xulista Ra’iisul wasaaraha dalka iyo xubnaha golaha Xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambayntiina Xasan Shire ayaa Gudddoomiyaha barlamaanka iyo Madaxweyne Ku-xigeeenka ugu baaqay inay Puntland ka badbaadiyaan wadada uu hadda wax ku wado madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu kusifeeyey mid an sharciyad heysan, laguna raadinayo mudo kororsi in deegaanadaas loo horseedo nabadgalyo darro baahsan.

PUNTLAND: ayaa hadda wajahaysa daganaansho la’aan siyaasadeed xoog leh, taas oo ka dhalanaysa mirihii kasoo baxay doorashooyinkii Heer Federaal oo lagu guuldareystay damacyadii ay darafyadu lahaayeen, sidaas oo kale Deni ayaa doonaya mudo korarsi xeeladaysan, inkasta oo ay mandiqada taas aad uga suuragal aheyn waqtigan.

PUNTLAND TIMES 

15 Comments

  1. Kkk dhuuso aaranshaydaan oohintooda iyo dhuusadooda cidi dhagaysanmayso xasan shire Abgaal muxuu isu casiliwaayay haduu runsheegayo, dhaqanka somalida ayaa ah qofka marka xilka laga tuuro inuu eedeeyo madaxdiisa. Warka xasan shire wuxuu macno yeelan lahaa haduu is casililahaa ka hor inta aan xilka laga qaadin. Waxaa xad in Dani iyo aaranjaan kala xarig furteen xasan abgaalna uu la saftay aaran shaydaanka. Dadk Puntland doonimayaan aaranshaydaan warkooda Dani sanad baa u haray doorashana waa qaban Jan 2024 InshAllah balse aaranshaydaan yaysan ku riyoon xukun ay qabtaan.

  2. Siciid Daniyow meeshu kismayo ma aha, dhuusamareebna ma aha, Baydhabona ma aha. Waa Hagbad Maxamuud Saleebaan (puntland). Gacantaadii waad qaadataye ha isku dayin inaad gacanta kale dadka leh ku qabsato. Waa digniin. Nin kuu digey kuma dilin.

    • Deni waxban kororsanaa ma oran, Deni wuxuu sharaf sharaf dhaaftay shacabka kag helaya markii uu dhulka ku kiiday yuugta ARAN-SHAYDAAN oo shacabka fhiigooda miiranjiray isla markana Dani ku khiyamay dkrashadi Muqdisho; noolow DANIYOW.

  3. WA WAX LAGU GOSLO Anigo Ku Ganacsaneeyn Dani Hogan Xumadisa Wasir Isku Sheyga Abgaal Ma Caruur Bu Wax U Sheygayaa Af Dabolan Wa Dahab Wuxuu Xadi Lahaa Iyo Waxu Walagilahaba Sameeye Mu Ayaar Iska Duso Waxasa Hadhow Lagu Dhahayaa Madax Wasir Hada Shacabkii Wava Lagabsadeyn Gof Kahaldaya Arki Meysid Iyo Kuwo Gabiil Ku Tageyraya Dalin Misana Wax Tareyn

  4. Waxaa la yari”dawo meesheey macal idaad ku cuntay ayay macluul ugu dhimataa”
    Ninkaan Abgaal shire waa sida waraabe qaad mooye ka ridba aan aqoonin.
    Wuxuu xadi karay qaaday e muu na dhaafo.
    Denina ninka uu keenay e cusub yuusan noqonin durwaa hilib lagu rartay.

  5. I think it nice to have one man one vote it very good and progress for Putland and good example for the all states of Somalia it time to have well developed and organised elections to be held in Putland state I have Putland to be peace and tranquility and prosperity Putland have a lot of enemies so be careful and vigelant we need unity to come over obstacle every difficult we face I pray to help Putland and all somali nations

  6. Ina Gaylan madaxtooyada Puntland shaqaale ayaa u jooga. Gaayo go,aan
    kasta iyo talaabo kasta oo Deni qaadayo/qaato ina Gaylan maalmo ka hor
    ayaa loo sii sheegaa. Hada warkan dusha saaran 10 beri ka hor ayuu sii
    sheegay!!!!kkk

  7. Labada nin ee aan wax Power ah ku lahayn meesha Deni ha ku dirin yaanu ka takhalusin sidaada Xasan Shirow kkk
    Karaash intee jeer ayuu is yidhi wax diid oo wareegto soo saaray oo ay socon weyday.
    Maxamuud Saleban ayaa fashilin kara qorshaha Deni ama Mj lkn nimanka martida ah yaan la galaafan.
    Xasan Shire waa munaafaq Deni muxuu ugu ceebaynayaa inu doorasho ka qabto dhulka Majeerteen ee dhulka Somaliland marmarsiinyaha uga dhiganayaa isagoo og in aanay Puntland wax saameyn ah ku lahayn?
    Dhulka Majeerteen ayaaba khilaaf ka taagan yahay in laga qabto markaas ayuu ka sheekaynayaa Sool oo 2007 laga cararay!!!

  8. Deni wuxu u tartamayaa Villa Somaliya isagoo madaxweynaha Puntland ah.
    Abgaal waa ninkii sidaas yiri balse siyaasigu waa laba wajiile hadba dantiisa fiirsada.

  9. Hadii aad aragtid Nin wata magaca Abgaal ogoow in uu yahay daanyeer iska ciyey. Awalba waxay ahayd in aan xil lasiin oo loo tarxiilo reer abtigiis(abgaal) si uu ula walaaqdo mooryaanimada.

  10. Siciid Deni in uu nin reer baadiye xil u dhiibto, qalad weyn bay ahayd. Shacaado xitaa hadii lagu qurxiyo mid reeer baadiya ah, waligii is badali maayo. Gaalnimada iyo Munaafaqada waa ku horeeyaan, Fact!

    Waxaan kula talin lahaa siyaasiyiinta hogaanka noo haya, in ay shacabka ka ilaaliyaan qof miyi ku soo koray haduu xitaa shahaado wato naga leexiya please and please. They are the most dangerous beings on this Earth!

Comments are closed.