William Ruto “Hadda Soomaaliya waxa ay leedahay Madaxweyne aan la hadli karno”

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da uga hadlay mowqifkiisa ku aaddan muranka xadka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo ay horay go’aan uga gaartay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ).

Maxkamadda hoos tagta Qaramada Midoobay ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa kiiskaas oo sannado badan socday xukun kasoo saartay 12-kii bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo xadeynta ka dhigtay qaab u dhow sida ay Soomaaliya ku dooneysay, tallaabadaas oo ay Kenya si weyn ugu gacan seyrtay.

Markii ugu horreysay ee kiiska loo gudbiyay maxkamadda ilaa markii ay garsooreyaasha maxkamaddu ay go’aanka ku dhawaaqeen, William Ruto waxa uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya.

Madaxweynihii Kenya ee xilligaas, Uhuru Kenyatta, ayaa markii uu soo baxay go’aanka maxkamadda sheegay in dalkiisu uusan aqoonsaneyn natiijada.

Ruto, oo dhawaan markii xilka loo caleema-saaray ay wada kulmeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in arrimaha loo kala xallin doono sida ay u kala horreeyaan.

”Hadda Soomaaliya waxa ay leedahay madaxweyne aan la hadli karno. Madaxweyne waxa uu diyaar noola yahay inaan howlaha u qabanno sida ay u kala horreeyaan, waxaan ku faraxsan nahay inuu xoogga saarayo la dagaallanka argagixisada, adduunka oo dhan – oo ay Kenya ku jirtana – wuxuu kala shaqeynayaa sidii uu u burburin lahaa xagjirnimada qalalaasaha wadata iyo argagixisada,” ayuu yiri Ruto.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sharraxay waxa uga qorsheysan muranka xadka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna yiri: ”Muranku waa arrin ay dalalka deriska ah mar walba xallin karaan. Waxa aan hadda u baahan nahay waa inaan xasilinno oo aan amni ka dhigno gobolkeenna.”

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in xilligan aan la joogin waqti ku habboon ka hadalka muranka xadka.

”Ma rabo inaan ka howl-galno muran ku saabsan xadka iyadoo ay dad dhimanayaan, iyadoo ay argagixiso meelaha joogaan, iyadoo xasilooni darro ay ka jirto gobolkeenna.

”Waxay ila tahay inaan marka hore xal u helno arrimaha amniga, kaddibna waxaan xallin karnaa murankeenna xadka,” ayuu yiri.

Waxa uu u muuqday in uu rajo ka qabo dowladda cusub ee Soomaaliya, inkastoo uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal laga weydiiyay sababta ay mowduucan ugala hadli waayeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaaminayay muddo xileedkiisii hore ee socday intii u dhaxeysay 2012-2017 ay dacwadda ku saabsan muranka badda u gudbisay maxkamadda ICJ.

Si rasmi ah waxaa kiiska maxkamadda loogu gudbiyay 13-kii bishii July ee sanadkii 2015, xilligaas oo ku beegneyd hal sano kaddib markii ay dowladda Soomaaliya ku wargelisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo.

Markii xukunka lagu dhawaaqay bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay, madaxweynihii hore ee Kenya ayaa sheegay inuu yahay go’aan waxba kama jiraan ah, halka madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu soo dhaweeyay go’aanka.

BBC

PUNTLAND TIMES

6 Comments

  1. William Ruto “Hadda Soomaaliya waxa ay leedahay Madaxweyne aan la hadli karno”
    Ofcourse he very much right to say that. He can child talk Xasan Shiikh and Kenya will dictate all the terms.Don’t forget 95% baddaa waxaa leh Darood. In Xasan bixiya ama use as leverage could be possible. RUTO says xadka lagu muransan yahay micneheedana waa wixii Court ka Hague xuntay waxba kama jiro.
    Somali is cunaysana wuu ku farxaa.

  2. Waa warbixin dhiillo xambaarsan!
    “Gaddeer nin lala hadli karo ayaa meesha jooga” nin lala gorgortami karo ayaa Madaxweyne ah!!!!

    Waxaan ka War qabaa in aay Kenya dhaqaalo badan ku bixisay in uu Culusoow Kursiga ku guuleysto, Ciddii ugu horreeysey ee guushiisa u dabbaal degtayna waxaay ahaayeen, dowladda iyo Shacabka Kenya!

  3. Kkkk

    Jeberti afkay uga hartey
    Canshuurta Dowladaha Irir Samale
    Iyo boorashka XERYAHA Kenya
    Kama maarantaan ee ka xishooda Madaxda Dowladaha Dariskaa.

    Freedom of expression
    is the rights of Minority.

  4. Shaley waxay lahaayeen uhuro Kenyat ayuu la jiraa, salaam laga qaadimahayo

    Hadda markuu Ruti dhahey ninkii lahaa Somalia ayaa yimid oo waan la xaajoonkarnaa,

    Waa kuwaas XERYAHA Dhadhaab iyo Qurbaha ka soo murmi.

    Dabato waxkasto waxay ku saleyn Hunguri.

  5. Ruto ku lahaa

    Low IQ culusow badda waa ka dhacsan karraa, waa war cad.

    Nilekaa uga muhiimsan waana amarka Sisi iyo Netanyahu usoo dhiibeen..

    • Xade iyo ally ku darsada nin ka maxkamada geyay dacwada bada wa xasan 2014ki Rutu na wuxu ahay madaxweyne ku xigeen xiligaas
      Dagaalkaa fowsha xun uma dhexeyn labada dal Ruto wuxu ka wadaa nin aan fududeyn sida farmajo waye xasan wana nin dagan
      Meel kasto waxad la tagan tihin wax laga xishodo hebel ba boqorada u sujuuday iyo mataatac waxas intad iska deysan nin farmajo dhaama oo dadka iyo dalka isku wadi kara kursina aan isku dhajin 2026 so dirsada wataa dalki laga xoreyn rabee alshabab lugoyadana halaga daayo madaxweynaha waxa la jooga waqtigi lo midowbi lahay cadawga somalia. Madaxweynahaba ma joogo 1 sano se wax yihin ma shacabka yad rabtan inad kala geysan

Comments are closed.