Xasan Sheekh oo Hub weydiistay dawladda Itoobiya.

ADDIS ABABA (P-TIMES) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kusugan maalinkiisii 2aad dalka Itoobiya, ayaa kulamo gaar ah la yeshay Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kaas oo ay uag wada hadleem xariirka labada dal iyo tabashooyinka xaga siyaasadda ah ee ay dhinacyadu kala qabaan, sida ay warinayaan ilo wareeydo muhiim ah.

Ilo wargal ah ayaa xaqiijinaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu weydiistay dawladda Itoobiya, in ay siiso taageero hubeed, gaar ahaana rasaasta qoryaha qaarkood iyo boobayaasha culus, isagoo sheegay in ay dawladdiisu aysan hada haysan hub ay kula dagaalanto kooxaha Argagixisada ah.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada ee Soomaaliya Cali Balcad oo kamid ah kooxda Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in ay Itoobiya weydiisteen taageero dhanka hubka ah, isagoo sheegay in ay baahi weyn u qabto dawladda Faderaalka in ay hadda hub u hesho dadka shacabka ah ee doonaya in ay la dagaalamaan kooxo Argagixiso, inkasta oo uu sharaxaad dheeraad ah ka bixin, sida uu ku sheegay Wareysi uu siiyey VOA-da.

Balcad ayaa sheegay in soo dhaweyntii shalay ay muujinayso in xariirka labada dal uu wanaagsan yahay, isagoo xooga saaray in uu sharaxo waxa ka dhaxeeya Itoobiya & Soomaaliya.

Lama garanayo sida ay Addis Ababa uga jawaabayso in ay taageero hubeed siiso xukuumadda Soomaaliya, oo ay laamaheeda Amniga qaar kamid ah shaki ka qabto in ay xariir la leeyihiin kooxaha kasoo horjeeda ammaankeeda, taas oo ay dhawaan baahisay warbaahinta dawladda Itoobiya.

Addis Ababa ayaa dhawaan sheegtay in kooxo Argagixiso oo iskugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali in ay kasoo duuleen dhinaca Soomaaliya, iyagoo ka dagaalamay gudaha dhulka Soomaali Galbeed, taas oo ay Addis sheegtay in ay tahay Argagixiso cusub oo iskaashanaysa, loona baahan yahay in wadajir looga hortago.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo Jimcaha todobaadkan joogi doona dalka Itoobiya, halkaas oo kulamo kula yeelan doono jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas.

PUNTLAND TIMES 

11 Comments

  1. Waxaa cajiib ah, in uu Culusoow meel kasta u kaxeysto Wariiro Dowlo, iyada oo uu joogo W. Arrimaha dibadda ee shaqadan lahaa!

    Midda kale haddii uusan haaysan Hub uu Shabaab kula diriro, muxuu dagaalkooda ugu dhawaaqay?!
    Shalay Uganda ayuu dhaqaale weeydiistay oo ku jeesjeestay, maantana Itoobiya oo iyadiiba Hub aay “Tigrey” kula dagaasho u baahan ayuu Hub weeydiisanayaa!!!!! Kkk

    War Nimankan Hawiye sida loo tuugsado Eelaay ha ka soo barteena, badeeco iyo Daawo dhacday sida loo iibiyo ayeey khibrad u lahaayeene! Kkk

    • Kkkkk
      Dameer Hassan sheekh waxaa lagu soo amray in fuliyo danaha Ethiopia 🇪🇹 kkk
      Haday bad ahaan lahayd iyo hadii ay dakad ahaani lahayd
      Waayo Ethiopia horey uyay Hassan sheekh looga saxiixtay dakada berbera %19 2016
      Hadaba waxaa la filayaa in kaluymaysiga xeebaha Somalia loogu soo saxiixdo adis ababa si bilaa sharuud ah kkkk

      Dameer waa uun dameer
      Rarasho mooye dan kale lagama lahan Dameer Hassan sheekh

  2. U maleynmaayo in hub u raadsadey ethiopia ayadaba kaalmo weydisatey somalida galbeed 2 sano dagaal ku jirtey markaa warkaa waa fake news

    • Saaq @@
      Hassan sh oo hub waydistey Ethiopia kkkkk
      Warkaan waa war villa Somalia ay ku hoos qarinayso waji gabaxa uu kala kulmay abiy Ahmed iyo dowladiisa
      Ee dameer xassan sheekh waxaa lagu soo raray awaamiir iyo dano Ethiopia 🇪🇹 kkkk

      Dameer waa uun dameer

  3. Issa(ID)
    wada hadal dheer,canaan,dareem qab,raali-gelin iyo baryo,
    waxaa lagu wada hishiiyay,in nabada labada dal la ilaaliyo,
    iyo Xasiloonida (Geeska Afrika)waxaa hishiiski mugdi geliyay
    matkuu culusow codsaday HUB, Abiya asagoo yaaban ayuu ugu
    af celiyay OK,, oo ah (Diplomatic phrase)with no means,,adba
    (Ilowsho dhawaa ma umulbaa) wbt

  4. Maraykan iyo turkey ayaaba hub irdaha la taagane wax macquul ah maad noosheegtiin. Dalka Ethiopia ee tiisa la xiiqay oo tigreegi meel iska saari la. Ayaa tu kale wax ku tarayo isma odhan.

  5. Abiy Ahmed waa nin tahlukaysan oo tiisa la liicayo Hassan buu u tunsheegan waa nin tasoobay warkiis oo laga teabay siyaasada.

  6. Ethiopia ayadaa u baahan hiil iyo hub,
    Magac ayaa meesha yaalo ee baqtiday Ethiopia.

    Turkey oo ah 5 dowladood ee NATO ugu Military sareeyo, ayaa diyaar la ah.

    Somalia toostey, tagtayoo Tanaadey.
    Ninkii lahaa ayaa hogaamiyo.

  7. @ Khalid
    Kkkkk
    Dameer Hassan sheekh waxaa lagu soo amray in fuliyo danaha Ethiopia 🇪🇹 kkk
    Haday bad ahaan lahayd iyo hadii ay dakad ahaani lahayd
    Waayo Ethiopia horey uyay Hassan sheekh looga saxiixtay dakada berbera %19 2016
    Hadaba waxaa la filayaa in kaluymaysiga xeebaha Somalia loogu soo saxiixdo adis ababa si bilaa sharuud ah kkkk

    Dameer waa uun dameer
    Rarasho mooye dan kale lagama lahan Dameer Hassan sheekh

  8. waa war lagu farxo, thank you Puntlandtimes.com wararka shacabka soomaliyeed aad usoo gudbisaan, websiteyada kale waad ka horeesaan.

    President Hassan xaq ayuu u lee yahay in uu hub culus oo lagula dagaalamo Al-shabaab uu waydiisto Eithopian goverment, habka kaliya al-shabaab meel loo saari karo waa in loo isticmaalaa hubka ayagoo dhan kala jaraayo jirkooda.

    Guul President Hassan Shiikh you only here 4 months meel ayaa saartay al-shabaab, ooyintooda ayaa baxayso, xataa waxay gaareen in ay telephone u diraan nimanka ugu sar sareeyo ee shirkada Salaam Bank, in loo cagajugleeyo.

Comments are closed.