Xasan Sheekh oo war kasoo saaray dilka Gen. Farxaan Qaroole

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalabka Sida uga tacsiyeeyay geerida ku timid Taliyehii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku shahiiday dagaalkii saaka ka dhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay sida ciidamada geesiyaasha ah ee Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay xoreeyaan dalka oo ay nolol karaamo leh ugu noolaan lahaayeen dadkoodu ama in ay u shahiidaan iyagoo gudanaya waajibaadkaas qaran, waxa uuna sheegay in Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan, Alle ha u naxariistee, uu go’aankaas lahaa, kuna shaqeeyey, maantana u shahiiday.

“Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askartii kale ee la shahiidday waxa ay waqtigoodii iyo naftoodooba u hureen sidii ay nabad ugu noolaan lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud iyo askartii kaleba ee la shahiidday waxa uu Alle uga baryay naxariistiisa Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna sabur iyo iimaan in uu ka siiyo.

PUNTLAND TIMES 

3 Comments

  1. Kuwan dowlad sheegta qofkii laga dilo waxay leeyihiin wuu shahiiday, kuwan kale shabaab sheegtana sidaas oo kale, Rasuulka SCW wuxuu yiri: haddii laba Muslim dagaalamaan kan wax dilay iyo kan la dilayba Naar ayay galayaan, Rasuulka SCW ayaa Asxaabta weydiyeen waxay yiraahdeen kan wax dilay waaba garanee, kan la dilay sidee Naar ku galaa, Rasuulka SCW wuxuu yiri asaguna wuxuu u dagaalmay inuu kan kale dilo,.
    Allah ka cabsada Soomaaliyeey ,dagaaladan joojiya, kuna kala baxa Kitaabka Quranka iyo Sunada Rasuulka SCW

  2. To:ciyaal Bermuda
    Shabaab waa khawaarij ee labo Muslim ah meesha kuma dagaalamayso. Ee Alle kacabso nin yahow.

  3. @gurey.
    Kuwo badan,oo waxaa jira.wuxuushta Argagixisada al shabaab ka jira,oo si yaabo badan,iso qariya.
    Wuxuushta argy al shabaab ma aha in xita ay noqdeen,argagixisnimada waa in aan xil loo dhiiban.Gobolka Jubada dhexe in ay gebi ahaan ba haystaan,waa shirqool cad waa in dowlad Federaalka ee Soomaaliya iyo dadka deeganka ay qaadan,guluf aan kala joogsi lahayn.
    Soomaaliya guul iyo gobanimo

Comments are closed.