Aadan Madoobe oo tuuray Xoghayihii Golaha Shacabka BJFS, Yaa lagu bedelay?

Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabir), ayaa loo magacaabay inuu noqday Xoghayaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS, kaddib kulan ay yeesheen Guddiga joogtada ah ee Golaha.

Cabdiraxmaan Jaabir ayaa horey u soo noqday Wasiiru Dawlihii hore ee Waxbarashada Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya iyo Xildhibaan kamid ah Golaha Shacabka BJFS oo laga soo doortay deegaannada Puntland.

Xoghayihii hore ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux, oo muddo xilka hayay ayaa maanta is casilay kaddib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Cabdirkariim Buux, ayaa muddo khilaafkoodu taagnaa, waxaana jira warar sheegaya in Mudane Madoobe uu cabsi ka qabo in loo soo maro Buux.

Aadan Madoobe ayaa go’aamiyey in Xoghayihii joogtada ahaa ee Golaha Shacabka Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux, karkaarka la weydaariyo, xilka laga ceyriyo, kahor furitaanka kalfadhiga golaha shacabka ee soo wajahan, si uu iskaga mooso/gaashaanto duufaano siyaasadeed oo yimaada.

PUNTLAND TIMES 

4 Comments

  1. Hore u sheegay/ Aadan Madoode in tuubadiisa cid buuxin kartaa aysan jirin baarlamaankuna uu noqondoono gole warlord. Mooshimo iyo xildhibaan badan oo dhinta/caararana waa la arki doonaa. Kooram buuxsama iyo sharci baasiya warkiisaba daa. Guri ba’ay yaa kuleh. HA BIQLEYSO

  2. Adan Madoobe.
    Ma aha shaqsi,noqon jaro ,gudoomiye gole la soo xulay, ama
    ( Baarlamaan ).
    Waxa Keenay waa nidaamka 4. 5 ka ah ee guracan.
    Xildhibaanada ka soo magacaabo,intiisa badan,ma aha dad ku haboon,in ay noqdaan xildhibaan,waayo waxaa soo xulay inta badan
    99% madaxda maamul goboleedyada,inta 1% kale Waxaa soo xulay
    nabadon ama kabo qabiil.
    Faroole,Fartaag iyo Muse yalaxow iyo qaar kale oo badan,waxay ahayd in dadka Soomaaliyeed,aysan ku arag masraxa golaha la soo xulay.
    Marja ka yaab ma laha,in wax walba laga filan karo,gole dad noocaasi ah ay ka buuxaan.
    Soomaaliya Wuxuushta argagixisada al shabaab in laga ciribtiro ayaa ah,mid ugo muhiim san shacabka Soomaaliyeed.
    Guul gobanimo.

Comments are closed.