DAAWO: Magaalo Soomaaliyeed oo ay Oromadu doonayso in ay qaadato, muhiimad nooce ah leedahayse.

Magaalada Gura-dhaamoole, ee gobalka Liiban oo kamid ah magaalooyinka muhiimka ah ee dawlad deegaanka Soomaalida ayaa dhowaanahan si weyn looga hadal hayaa DDS, kaddib duullaano iyo weeraro ay kusoo qaadeen maleeshiyaadka Qoomiyadda Oromada.

Oromada ayaa dooneysa in magaaladan istiraatiiji ah ay ka qabsato Soomaalida, taas oo si weyn uga soo horjeedaan, ayna difaacanayaan dad Soomaalida ah ee degan magaaladan.

PUNTLAND TIMES

24 Comments

  1. kkk waa arin wanaagsan ka qaata waa jaajuusiin abey axmed waa kuwa soomaliya ku sooduula ka did na calanka itoobiya ka taago bal fiiri ceelbarde, yeed iyo caato ma itoobiya leh maxay calanka itoobiya ugu taagaan

  2. Meesha lagu soo duulayaa waa deegaan direed. Mana aha meeshii ugu horeeysay ee dir laga qaato, meeday candhayto, caddayto, garba ciise iyo qaar kaloo badan. Dhibta dirta koonfureed haysataa waxaa weeye Soomaalidii oo isnacday oo aan isu hiilin. Dad hawiye iyo isaaq ayay ugu xigaan ayaguna waa kuwa soo kala dilaya oo reer reerka u kala saaraya, hiilna inay cid u galaan haba sheegin, run sheegna waa ceeb sheeg. Qaar ayaa runtaasi dhibi doontaa oo daarood cay kala dul dhici doona, aniguna daaroodba maahi. Laakiin runtu waa middaas aan sheegay.

  3. To:all
    Baabile 2005 tirakoobkii laga qaaday waxuu sheegaya in ay kunoolayd 78000 oo ruux in ka badan boqol kiiba sagaashan dadkaasu Somali beey ahaayeen. Google garee Ethiopian census 2005 baabile. Beesha Karanle Hawiye ayaa dagaan ahaan iskaleh waxaa saqaystay talisyadii daba qoodhiga ahaa ee Somaliyeed.siday Harar ,Diridhaba, Iyo dagaanada kaleba u sadaqaysteen.Suaashu waa dhul Soomaaliyeed sadaqo magalaa? Jawaabtu waa maya

  4. Beesha Garre oo Magaaladan iska leh oo kaashaneeysa Beesha Mareexaan ee deriska la ah oo aay iska kaashadaan gardarrada Oromada waay ku filan tahay in aay Dhulkeeda difaacato.
    Laakiin haddii aay arrintu tahay Gardarro garab og oo uu Abii Axmed ka dambeeyo, waay ka mug weyntahay sida lagu sheegayo!

  5. @Gurey iyo A.A.Xade,
    Waan idin salaamey.

    Gurey
    Dabadhilif iyo dabaqoodhi weligood waa jireen, cadowna weligiis ma haweysan dhul Soomaaliyeed. Waayo Soomaalidaa midaysnayd oo laga biqi jiray, haddana Soomaali waa ilko doofaar sahabsan. Soomaalidii oo dhan ayaa wada dabaqoodhi noqotay. Marka qabiil Soomaaliyeed la laynayo qabiilada kale ee Soomaaliyeed wey ku farxan oo waxay yiraahdaan eeg waxa reer hebel haysta.

    A.A.Xade,
    Abii kuma dhiiradeen inuu Oromo soo diro ee wuxuu arkay dulliga Soomaali ku habsaday inayna isu hiilinayn. Reerkasta oo Soomaaliyeedna dhibtu wey soo gaari doontaa gooray noqotaba.
    Waxaan arkay hawiye badan oo ku doodaya Oromadu waxay la dhasheen hawiye oo walaalaheen, canfartuna sidoo kale waa walaalahayo ee yaan wax laga sheegin. Haddaba walaalihii canfar iyo Oromo saw iyagaan dhulkii hawiye iyo direedba wada qaadanaya, maxay walaaltinimadii u xeerin waayeen.
    Khiyaaliga iyo qabiil nacaybka Soomaali ha dayso oo ha midoobaan. Oo weliba hadalada Soomaali kala dilaya beesha Hawiye ha joojiyaan kuwaas ay ka mid yihiin daarood Soomaali maaha oromaa iga xigta iwm.
    Anigoo aan daaroodba ahayn ayey i dhibaysaaye maxaa u malayn qofka daarood ah.
    Xataa waxaan arkay ciise ku doodaya canfari Soomaali wey nooga sokaysaa.
    Ani ahaan Soomaali waa Soomaali oo cid iga xigtaa ma jirto, qawmiyadina waa luuqad ee dhalasho maaha.

  6. Daaroodow soomaalinimo muujiya oo xiniinyo isu yeela oo meeshaas Daarood baa soomaalida halkaas u taliya ciidanna u ah ee difaaca dadka iyo dhulka soomaaliyeed illeen idinkaa xukunka hayee.
    Midda kale maxaa Iley ku kalifay inu dhul iyo dad soomaaliyeed u saxiixo Canfarta?
    Maantana waa Oromo mar hadii Canfar qaaday Candhuufo Cadayte iyo meel kale oo aan magaceeda ilaabay.
    MADAXWEYNAHA OROMIA iyo Tigray hadii surka la jarayo danta labadaas ayay u halgamaan iyo sharafka dadkooda lkn hogaanka DDSI iyo waziirada federaalku waa habranayaan.
    Dhul Dir iyo Hawiye waxa cuqdad iyo isku furasho sidii sadexdii dibi u bixinaya Daarood.
    Ceebtaas iyo taariikhdaas rikoodhka ayay geleysaa aakhirkana sacii ugu nacasaysnaa baad noqon doontaa ee markiisa kaysu soo qaawiyay badheedh marki garbihiisii maalinba mid isku furtay.

  7. 91kii markii aay Soomaaliya ka holcayeen dagaaladii aay USC majaraha u haaysey ayeey Qabiilka Gaalada ah ee BOORAN oo Oromo ka tirsan waxaay weerar ku qaadeen, Mareexaanka Gobolka Nageeyla inta aanan Gobolka Liibaan laga Jarin deegaanka ku ahaa.

    Waxaa cajiib ahaa, Mareexaankii oo uu Oromadii dagaal xumi ka dhex socda ayaa waxaa dagaalkii ku soo biiray oo Oromadii Gaalada ahayd u soo hiiliyey, Dagoodiga oo Hawiye ah oo uu sumeeyey, dagaalkii USCda!
    Sidoo kale waxaa cajiib ahayd, in uu Garre oo aay qaaday Soomaalinimo iyo Muslimnimo iyaguna aay Mareexaan u soo hiilliyeen oo aay BOORAN dhabarka kaga dhufteen! Halka uu Mareexaanka Gedo oo gobolka Liibaan oo Nageeyla kamid ahaa deris la ah uu isna Dagaalka ku biiray oo uu Dagoodiga dhabarka kaga dhuftay! Kkk

    Dagaalkaas oo ku dhamaaday, in gobolkii Nageeyla laga jaro, Gobolka Liibaan oo aay wada degaan, Garre, Mareexaan iyo Dagoodiga. Kaas oo aay kamid tahay, Magaaladan aay haddeer Oroma damaacineeyso!

    Arrinyana waxaay salka ku haaysaa, in Soomaalida laga durjiyo jidka isku xiro, Nairobi iyo Addis ee Mooyaale iyo Magaaladan oo gobolka Liibaan ka tirsan maro! Waana arrimo aay heshiis ku yihiin, Kenya iyo Itoobiya. Taasi oo shabbahdo, Dagaalka aay Canfarta ku qaaday Ciisaha ee Soomaalida looga riixayo, jidka Tareenka ee isku xiro, Jabuuti iyo Itoobiya! Maryooleey Dhurwaayana way cunayaan, iyana way is cuneeysaan, Mooryaana waa u Madax! Kkk

    • Issa(ID)
      Formaajo iyo xasan waxay ahaayeen, laba nin oo aarsi iyo
      dagaal wada,dawladnimane aan u jeedin,wax la hadlana
      waayay,waxayna naga khasaariyeen 1O(Sano) oo nolol ahaan
      aan isbedel dhaqan, dhaqaale,& siyaasadba ku gaari lahayn,
      waxaana bartilmamed u ahaa (FEDERAALI-DIID)&(DASTUUR-DIID)
      Waxayna masuul ka ahaayeen dagaaladii 1O sano ka dhacay
      dalka ee kala ahaa,Suuj,Garmal,Garacad,Tuke-raq,Paydhabo,
      Dh/marweeb,Bosaaso,&,Xamar oo joogto ah,waxayna doonayaan
      Centeralisim & Dictatoriyad, Siyasugu qaadiyad,mabda,iyo
      Wasaniyad ma leh,waa xoogsade laaluush ku nool ah,oo dad
      iyo degaan aan ka wakiil ahayn, taas oo ah UBUCDA dhibatada
      dalkeena,Soomaaliyeey maanta waa (ADUUN),berine waa(AAKHIRO)
      Ha loo xulo dad daacad ah, wbt

  8. Salax
    Waar saalaxow weligeedba lama arag nin Saalax la yiraahdo oo fariid ah. Ma Daarood ayaad la aadday eeddii.
    Ma ogtahay guddoomiyaha xisbiga Itoobiya xukuma ee Barwaaqo ee Axmed ka midyahay inuu yahay nin Dir ah oo Ciise ah. Ma ogtahay in wasiirka Maaliyadda ee Itoobiya inuu yahay Dir. Ma ogtahay ragga dawladda federaalka Itoobiya ugu sarreeya marka Abii Axmed laga reebo inay Dir yihiin. Sidee dhul direed loo qaadan karaa ayadoo taasi jirto.
    Daaroodka Mustafe cagjar ayaa ugu sareeya oo Xukuma Soomaalida Itoobiya oo keliya isaguna daaroodka waa sheegtaaye waa Amxaar.
    Imminka xukunkii Soomaaliyeed meelkasta waxaa haya Dir iyo Hawiye ee dalka difaaca markii daaroodku waddanka xukumi jiray dalka way difaaci jireene sida isu dhaama dir iyo hawiyow.
    Annaga Soomaalida kale ah ayaa u qaadayna Daarood iyo irir kii gar leh. Waqtigan irir ayaa laga rabaa inuu Soomaaliya iyo Soomaaliba difaaco waayo ayagaa xukunka haya.

  9. To: A
    Xado gare, dagoodi iyo mareexaan kilns dhinac ha ula cararine yaa baxshay Harar, yaa baxshay diridhaba nuskeed. 2009 ila 2014 dagaaladii Oromada iyo beeaha Hawiye dhaxmarayey sow hiil loma waayin iskabadaa hiil sow Oromo loo masaxiixin baabile. Waa runtaa kale qayb sinaanteena ayey kutimid. Laakin eeda u wayn waxaa iskaleh maamulka DSS. Oo sagaba cadaalo daro kudhisan kuna dhisnaa.

  10. To: All
    Daka Soomaaliyeed uma saxiixin dhulkooda cidna Maamulka Soomaaliyeed ayaa dhulka siiyey Oromada.

  11. To: jim belo
    Waa runtaa imikadan la joogo laakin markii dhulka labixinayey Cabdi Ileey ayaa ugu tunwaynaa. Eedu meela ina gayn meeyso. Waa in aan dhamaanteen uguntano dhaqan galinta tirakoobkii 2005 dhaqan galintaso waxay inso celin kartaa dhulbadan. Waa in aan kadhiidina maqnaashaha Harar iyo kalajabinta Diridhabe. Remember Harar is spiritual home of Somali people.

  12. Jim-belo

    Dhulkee difaacnaa ee iyo dalkee ma dal baynu wadaagnaa?
    Waxaynu guubaabinaynaa waa soomaalidaas Itoobiya la degan arinkuye?
    Hawiye maxaa naga dhexeeya annaga?
    Dhulka la qaatay heshiis laba maamul goboleed dhex maray oo dawlada dhexe ee itoobiyana tasdiiqisay ayaa u sabab ahaa cidda saxiixdayna waa nin Ogaadeen ah oo DAAROOD AH.
    DIR IYO ABIY MIDNA MARKAAS MA JOOGIN TALADA.
    Midna waa dhab oo Ismaaciil C Geelle oo dawlad ah ayaa ka aamusay gumaadka Ciisaha maxaaba soomaali lagu eedaynayaa.
    Canfartii Jabuuti waa dabaal degeen xataa qabsashada dhulkaas aawadeed.
    Eedda cid baa leh.
    Hadaanu u hadli karno waxanu u hadlaynaa bes Isaaqa iyo Dhulbahantaha iyo Samaroonta Itoobiya naga dega maxaa cid kale naga galay?
    Somalia iyaba waa la haystaa maxaa Itoobiya lagaga daali?
    _________________________________________
    #Xade
    Caawa war baad la timi aananba maqal!!!
    1991 baa Oromo iyo Jaarso nala qabatay Hawiye oo weerar nagu ekeeyeen kkkkkk
    Sheekadaas maba maqale soo dhamaystir allaa naga og warkaagee!!!!

  13. Issa(ID) Doodiina oo idil si feevan ayeey u dhaxday cajiib.
    Waxaan ku farxay sida aad uga warqabtaan, dadkiina,iyo dalkina,
    mar hadaad haysaan,u diida abed inuu duugoobo,oo la dhalan-rogo,
    mar aan tegay (HAADAAMO) oo 1OO Km u jirta (ADDIS-ABABA) in uu
    Hayle salaase bedelay magaceeda lana mataaneeyay magaalo ku taal
    Israail oo la yiraa(NASRETTI) hadane waa caasimada Oromada bal
    xaluufka nolasheena ku dhacay, waxaan wax ka bilaabi karnaa inaan
    datada gelino,buug ka qorno,waayeelka inta nool wareysano,qurbaha
    dhalaanka afka barno,Waxaan si gaar ah idinka codsanayaa inaanu
    Hadba ka doodno, sida ugu fudud ee dib loogu nooleyn karo, dalkeena
    anagoo wax walba ka hormarineyna, wbt

  14. All, Gurey, Salax iyo Xade.

    Marka runta laga hadlo oo eedda iyo isku tuur-tuurka masuuliyadda laga soo tago, Soomaali haddaynu nahay waxaynu ku soconnaa waddo aynaan mahadin doonin waayo siyaasigii Soomaaliyeed hankiisii wuxuu noqday maxaan cunaa. Shacabkii Soomaaliyeedna qabkiisii wuxuu noqday annagaa reer hebel ka fiican iyo hadal wedkiis galay oo qabyaalad daciifa xambaarsan.
    Weligay kuma fekerin in Soomaalidu sidaan noqondoonto amaba ay suurtogalba tahay in Soomaaliya sidaan u burburidoonto. Waxaan xusuustaa 1976 kii anagoo ciyaala oo malcaamad dhiganna oo loox intaan madaxa saarno leh: Cali Caarif ha dhaco; Faransiis ha dhaco iyo Jabuuti ha xorowdo. Sanadkii xigay ee 1977 kiina Amxaaro iyo Itoobiya ayaan habaari jirnay cid habaara na tirina ma jirine annagaa jawaab ka bixinaynay hadaladdii aannu dadka waaweyn ka maqalnay. Maantana shanjirka iyo lixjirka na le’eg wuxuu ku hadaaqayaa reer hebel ha dhaco iyo reer hebel ayaan nacay.
    Waa yaabe, miyayna jiilka soo socdaa ka sii liidan ka hadda jooga. Haddii taasi dhacdo dhul Soomaaliyeed ma jiri doonaa muddo dhow. Arrinku wuxuu marayaa weysha gawrac dibigu ha ku quustee ama ninkii qayrkii loo xiirayow ku quuso adiguna.

    Gunaanadkii, wacyi gelinta iyo guubaabaduba waa inoo dan ee qofkastow dhinacaaga ka miis.

    Kaftan yar.
    Hawiyana ma necbi ee waxaan ka waayey siyaasi indhihiisu arkaan Muqdisho meel ka durugsan. Taas ayaan u guubaabinayaa.

    Dadkana markaad hoggaamiye tahay lama yiraahdo ii hoggaansama ee waxaa lala yimaadaa mabda’ ay kugu raacaan.

    Gureyow, Soomaali inay Xasan Sheekh taageerto way rabtaaye sidee baa looga dhaadhacsiinayaa inuu Soomaali oo dhan madaxweyne u yahay. Markuu safar gelayo wuxuu kaxaysanayaa afar ilmo adeertiis ahe sideebaa loo fahamsiinayaa shaqada wasiirada loo idmaday.

    Farmaajihi ka horeeyey Xasan wuxuu samaystay koox Soomaali oo dhan ka kooban oo aaminsan mabda’ iyo xisbi ay ku qanceen. Weliba raggii ugu cadcaddaa nabad iyo nolol oo la kari waayey waxay ahaayeen Hawiye. Ma lihi wuu saxnaa iyo wuu khaldanaa ee waxaan u jeedaa inuu qabiillo isku dhafa ku qanciyey wuxuu aaminsanaa. Xasan ma ku qancin karaa hawiye oo keliya wuxuu doonayo?
    Haddaan hoggaanku saxmin dadkuna ma toosaan. Si Soomaali mida loo helo waa in hoggaankeed la helaa, taasaana igu kalifaysa inaan hoggaanka ummadda farta ku fiiqo ee mucaaradad igama aha.

    Waxaan rajaynayaa in Gurey oo nin hadal edebsan yaqaan ahi igu waafaqi doono.

    • Abbaarihii 15 gu’ ka hor yaan Jabuuti tagay [Cali Caarif ha dhoco-daadii baan ku soo xusuustaye]. Waxaan u tagay waxay ahayd inay markaa iigu muuqatay inay ahayd dhul Soomaaliyeed oo maamul dawladeed ka jiray. Waagaas dhul Soomaaliyi joogto aad baan u xiisaynayay, oo ma arag ku dhawaad soddon gu’. Reer Jabuuti intii ayan qaadan gobanima-ku-sheeggan maqaar-saarka ah waxaannu uga ololayn jirnay Xamar, oo Cali Caarif ha dhacadaa uga qaylin jirnay dugsiyadii annu dhigan jirnay.
      Si kastaba ha ahaatee, waxa dhigaalkan igu dhaliyay an idiin sheego: dhowr maalmood markaan magaalada Jabuuti joogay, anoo sugayay dal-ku-gal ii xeraysnaa, yaan dareemay culayska lacageed ee kirada hoteelladu igu hayeen. Markaasaan go’aansaday inaan soo seexdo magaalada Cali-Sabiix oo abbaarihii hal-saac-iyo-bar u jirta magaalada Jabuuti. Waan tagay Cali-Sabiix, waxaana seexday meel an ka fogayn boosteejada baabuurta. aroortii yaan makhaayad boosteejada ka soo horjeedda u raadsaday quraac. Anoo meeshii fadhiya oo canjeelo cunaya yaan arkay iyadoo ninkii makhaayadda lahaa iga horjoogo nin ii soo fak-fakanaya, oo ku qaylinaya WAA DILAYAA iyo MAXAY DHULKAYAGA KA SOO DOONTEEN! (laba middood baa la igu maagay baan is iri: inay qabiil hebel igu sunteen, ama inay reer koofureed oo dhan colaadinayeen).
      Ninkii makhaayadda lahaa baa igu hagoogtay oo yiri MAKHAAYADDAYDUU KU JIRAA, OO ANUU MARTI IYO MAGANBA II YAHAY EE HAYSKU KEEN DILIN. Sidaasaan Cali-Sabiix uga soo badbaaday.
      Markaan magaalada Jabuuti ku soo noqday, waxaan isla markiiba u tagay danjirih
      ii maamulkii Tigreega ee Itoobiya. Waxaan u sheegay wixii meesha iga qabsaday, waxaanan ka baryay inuu ii fududeeyo inaan meesha uga boxo sida ugu dagdagsiinyo badan.
      Isla markiiba fiise ayuu i siiyay, waxaanan ku noqday Itoobiya oo an joogay afar bilood.
      JABUUTI ARAGTIDII AN KA QABI JIRAY, IYO SIDAY IILA DHAQANTAY, YAAN IS QABADSIIN KARI WAAYAY!
      Waayo-aragnimo la’aaneey ba’.

    • @ Jim Belo.

      Soomalida aad ka hadleyso ee aad isleedahay isla doon doon Awoowe beri hore ayaa lakala dilay weliba si badheedh ah oo weliba lawada arkayey, waxa nasiib daro ah in Odayaashii berigaa joogay ee waxa soo socda iyo waxa dhacayey iyo Qabiilada sida kibirka ah loo dulminayey iyo awood dowlad ku sheega ahayn ee sida foosha xun ee qabyaalad Daahir Yaa Shamis ahayd, Eexda iyo boobka ku dhisnayd inaan ragiinii xiligaa joogey ama usoo joogeyba aad indhahaaga ka laliseen kana aamusteen,, maanta cidhibteedii iyo waxay dhashayna waa taa lawada arkayo somalidu wixii ka horeeyey Inqilaabkii Askartii Gaajoneysey sidan way dhaantay laakiin askartii qabsatay si ula kac ah oo badheedha ayay u kala dishay somalidii awalba kala fadhiday ee qabiil qabiil ukala Oodanayd,,

      Waxba yaan lagu meeraysan hadal aan nuxur lahayn waayo Xanuunku marka oo qofka hayo Dawadii lagu dabiibi lahaa ayaa markiiba la doonaa, hadii somalinimada iminka lala OOYAYO berigii lagu kibrayey umada Dowlad ku sheegna lagu xasuuqayey umada masaakiinta ah ee wxba galabsan arinku maanta si kale ayuu ahaan lahaa laakiin nasiib daro Sacab iyo mushxarad ayaa lala daba socday kuwii Daalimiinta ahaa ee magac dowlad ku sheeg umada dhibayey waaayo qabiil ahaan ayaa lagu taageerayey oo waxaaba loo arkayey Dowlad Qabiil gaara leeyahay waanay dhacday oo qabiil gaara ayay kusoo ururtay oo manaafacsadey wuxii umada kawada dhameeyey,,

      Maanta kuwii daalimiinta ahaa ee somalinimada kala dilay ayaa laga fadhi la’yahay oo meelaha kaga hadaaqa somali Somali imo iyo bla bla bla, waa cajiib,

      Waa dhagar qabe isu haysta nabadoon iyo samatalis kkkkkkkkkkkkk,

      Gunaanad.

      Xalka somalidu Waa iyadoo 5ta Dal ee ay kala degen yihiin cidwalba Mandate,
      Marka la gaadho waqtigeeda iyo waayaheeda somali is jecel markaa waxay ku heshiin karaan ay samaritan,,

      Cadow somalida debeda kasoo weerara maxaa lagaga daalayaa iyaga dhexdoodii ayaaba isku duulay oo isku baab’ay,

      Tusaale yar,,

      Markii rajiimkii Daalimiinta ahaa ee Afweyne ay magaalooyinka hargeysa iyo burco iyo meelo kalaba ay cir iyo dhul ka duqayneysey,maatada la xasuuqayey, Barack iyo dhib aduun umadaa loo geysanayey somalida kale sida filmka loo daawado ayay u daawanayeen qaarkoodna kuba faraxsanaayeen,
      Waxa sidaa samaynayey waa qabiil magac dowlad huwanaa maxaa markaa codow debeda kaaga yimi uu kuu dhaama??????

      Runta halaysu sheego sheeko raqiista iyo maaweeladuna waxba tari mayso,,

      Halka ay u bugto una dhimatay qof walba waa ogyahay kuwii umada dhibaateeyey ee dhiigyacabiinta ahaa waa joogaan weliba Geesiyaal ayaa loogu yeedhaa maadaama uu qabiil noqday,,

      Sheekada somalidu waa Ninwalowba Xaafadaada iyo xerada geelaaga ku dhaqo cidna haw joojin,

      Back to old days and who cares SOMALINO and Bla bla bla,

      Time will tell

      Alah khayr haka dhigo, runtana hala sheego,

        • Qofka bartan ku soo galay RUBSHEEG, yaan rabaa inaan ka war-celiyo hadalkiisa qaar. Dagaankaaga iyo dadkaaga u dhibku gaaray oo ad ka xanuusatay, waa ila fiican tahay aniga. Cidda dhibka gaysatay, inkastoo adan afka ku ballaarin (nin ad afwayne cay uga dhigtay marka laga reebo), ma kala hubo inaad ula jeedday koofur oo dhan, ama reer gaar ah.
          An ku hormaro saraakiishii ciidamada qalabka siday ee af-gambiyay maamulkii curdanka ahaa ee baryahaas socod-baradka ahaa. Inta an ka ogahay, waa in u bilowday abaabulka af-gambigu, isla markii doorashada madaxwaynenimada looga guulaystay Aadan Cabdulee Cismaan. Abaabulkaasna waxaa hor boodayay sarkaal gabadhiisa qabay oo Gabayre la dhihi jiray. Maalintii ay ciidamadu af-gambiga rideenna ciidamadii Xamar qabsaday ee madaxda soo xirxirayayna isagaa madax u ahaa. iska daa madaxdii dowladda iyo baarlamaanka-e, Gabayre wuxuu guryahooda kasoo xirxiray saraakiishii ciidanka ee an ku jirin guddigii af-gambiga riday. Tusaale ahaan, isagaa Cabdullaahi Yuusuf ugu galay gurigiisa oo kasoo xiray. Gabadhii u dhalay Gabayre, oo Aadan Cabdulle u yahay awoowaha, oo ku faanaysa yaa ku jirta Youtube-ka.
          Gobanimada markii la helay, madaxwaynihii wuxuu qaatay taliskii ciidanka millatariga, oo wuxuu u dhiibtay nin ay xigto ahaayeen; sidoo kale, taliskii ciidanka biliiska waxaa isa siiyay baraaym-ministarkii, oo wuxuu u dhiibtay nin ay xigto ahaayeen. Labadaa nin ee madaxda looga kala dhigay millatariga iyo biliiska, marka la fiiriyo habka kala sarraynta garaaddaha, waxaa labadoodaba mudnaanta ka lahaa Siyaad Barre, waa se la duudsiyay. Saas oo kale, yaa Gabayre iyo kooxdiisii, si kumeengaar ah ugu dhiibeen S. Barre madaxnimada kooxdii af-gambiga, si ay markay arrintu xasisho uga qaataan. Gabayre iyo kooxdiisii halkay ku dambeeyeen waa laga dharagsan yahay (dhowr malyan oo qof godob laga galo, inaan lagu hodmin bay tani hoosta ka xarriiqaysaa).
          Kooxdii Af-gambiga samaysay waa ku wada jirtay Soomaali. Hadalka an lahayn cago u isku taago ee la leeyahay waxaa taliskii millatariga ka hodmay hal reer ah, inuu gardarro yahay waxaa caddaynaya dagaanka Siyaad Barre dadkiisu dago, siduu ahaa markuu taliskaasu burburay. Taa waxaa dheer, in reer gaar ahi dheefsan waxaa muujinaya, markii dagaalladii Xamar ka socday sii dhammaanayeen, ee Ciidankii Caydiid magaalada soo galay, waxaa ergadii taliska millatariga ka socotay, ee ku mintidaysay sii jiritaanka taliska ciidammada, madax u ahaa Cumar Carte iyo reer wuqooyi kale. Si baryo ah waxay Caydiid u waydiisanayeen in Siyaad Barre sii joogo meesha (ka fiiri Youtube-ka). Maalmihii jidadka Xamar qaylada muddaaharaadku ahayd QOORSHEEL QOORTA GOOYA, intuu Cumar Carte tago FARDOOLEY, fardaha biliiska soo kaxaysto, yaa isaga iyo jaallayaashiis ku tartami jireen meel Boocley la dhihi jiray oo banooniga lagu cayaari jiray, oo ku tiil dhabarka Afisyoone.
          Anugu laba kooxoodba hadalkooda ma qabto:
          1. Dawladnimadii Soomaali oo dhan ka dhexaysay, ee ay af-gambiga ku boobeen ciidamadii loo qortay inay ilaaliyaan, kuwa yiri annagoo qabiil hebel ah yaannu qaybtayada gooni u raadsanaynaa (annagoo kaashanayna Mingiste).
          2. Kuwa inta jaallayaashii Siyaad Barre ee iyaga ku qabiilka ahaa marsada dhabarka, kadibna eedda dusha ka saara Siyaad barre kaligi.
          ….
          (Waxaan raacin doonaa meelaha gacan-ku-dhiiglayaasha looga yaqaan geesiyada iyo dadka ay dakanada ugu wayni ku maqan tahay)

      • issa(ID)
        Saaxiib dhiiga & dhalashadu waa ma guuraan dadkaas dhiban
        ee soomaaliyeed,waxaad u quuri la’dahay inaad afka keliya
        ka taageerto,adoo u aaneynayo nin askari ah oo qori dal ku
        qabsaday,kuna maamulay aduuna dad kuugu roonaa oo kuu dhisay
        dekadda Berbera caalamiga ah,iyo Airporka caalamiga ee hargeysa
        dadkuu ka dhashay isbetaal ma leh, oo idinkoo dhan (jazaariin)
        baad tihiin runtii,hadane adoo gadoodsan ayaan Xildhiban,wasiir,
        saraakiil,ganacsi, caadi ku wada nahay,anagoo u tegi karin Biixi
        Tan kale dhiigii wiilashaa qoyan ,doorashana waa diiday waana
        u sacabo tunteen waa(ASKARI) kale yaad u duday, hadaad hadashane
        wuu ku duqeyn,Sxb askari caqligiisu(Garabka) saaran yahay hanagu
        nicin, walaalo aan kala maarmin baan nahay,cadogane hanoo jabin,

  15. Jim-belo
    Xasan Sheikh soomaali maxay u taageeraysaa?
    Ma madaxweyne Soomaali oo dhan baa?
    Xasan Sheikh soomaali madaxweyne uma aha ee qayb shanta soomaaliyeed ah buu u yahay(Somalia).
    Markay sidaas tahay dan soomaali oo idil ma hayo ee danta cidda uu madaxweynaha u yahay buu metelaa.
    Somalia iyo Xasan Sheikh iyo waxaas aad ka hadlayso iyo soomaali guud wax isku shuqul ah maaha.
    Xasan Sheikh arintiisa hadaad ka hadlayso maaha arrin soomaali u taalla ee waa arrin reer Somalia u taalla.
    Soomaali mid ah oo la helayaa ma jirto oo aad ku riyootay Somalia ayaa Soomaali weyn u talin karta iyadoo teedii ku fashilantay.
    Hogaamiye Somalia oo faashil ah karinna samato bixinta dhulka uu madaxweynaha u yahay keliya qadiyad soomaalinimo waxba kama gooyo,lagumana fakari karo inu xataa hankaas yeelan karoba.
    Xasan Shiikh kuye!!!!!
    Xageed noola noqotay?

  16. Issa(ID)
    Formaajo iyo xasan waxay ahaayeen, laba nin oo aarsi iyo
    dagaal wada,dawladnimane aan u jeedin,wax la hadlana
    waayay,waxayna naga khasaariyeen 1O(Sano) oo nolol ahaan
    aan isbedel dhaqan, dhaqaale,& siyaasadba ku gaari lahayn,
    waxaana bartilmamed u ahaa (FEDERAALI-DIID)&(DASTUUR-DIID)
    Waxayna masuul ka ahaayeen dagaaladii 1O sano ka dhacay
    dalka ee kala ahaa,Suuj,Garmal,Garacad,Tuke-raq,Paydhabo,
    Dh/marweeb,Bosaaso,&,Xamar oo joogto ah,waxayna doonayaan
    Centeralisim & Dictatoriyad, Siyasugu qaadiyad,mabda,iyo
    Wasaniyad ma leh,waa xoogsade laaluush ku nool ah,oo dad
    iyo degaan aan ka wakiil ahayn, taas oo ah UBUCDA dhibatada
    dalkeena,Soomaaliyeey maanta waa (ADUUN),berine waa(AAKHIRO)
    Ha loo xulo dad daacad ah, wbt

Comments are closed.