DAAWO: Maxaad kala socotaa Markabka kusoo caariyay Dekedda Boosaaso?

Markab laga leeyahay dalka Sacuudi Carabiya ayaa kusoo caariyay meel ku dhow dekedda magaalada Boosaaso ee caasimadda ganacsiga Puntland.

Sida wararku sheegayaan markabkan ayaa qaadi ka qaadi lahaa dekedda Boosaaso xoolo loo iibgeynayo dalalka khaliijka. Waxaana ku timid cilad farsamo, kaddib markii ay shaqeyn weyday shukaanta markabka.

Wasiirka Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda Puntland, Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in Markab markii hore ay ku timid cilad, taas oo la xaliyay galabta, balse markii uu soo geli lahaa Dekedda uu ka leexday Channel-kii uu soo ku socon lahaa.

Shir jaraa’id oo uu caawa ku qabtay xafiiskiisa Boosaaso, ayuu Wasiir Axmed Saalax ku sheegay in markabku uu u soo baxay dhanka bannaanka Dekedda oo biyuhu ku yar yihiin, ayna rajeynayaan in marka biyuhu soo bataan saacadaha soo socda uu kasoo, kuna soo xirto Dekedda.

Ma aha markii ugu horreysay oo markab uu ku caariyo Dekedda Boosaaso, iyadoo loo aaneynayo in ay ciid ka buuxsantay Channel-lada ay dekedda kasoo galaan maraakiibta iyo gudaha dekedda.

Dekedda Boosaaso ayaa muddo dheer helin dayactir, waxaana sannadkii 2017kii lagu wareejiyay shirkadda DP World si ay ugu sameyso dayactir iyo dib-u-dhis, kaddib heshiis ku dhemaray Dubai maamulka Shirkadda iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas, balse ilaa hada ma dhaqaaqin heshiiskaas.

PUNTLAND TIMES