DEG-DEG+AKHRISO: Qoorqoor oo magacaabay bedelka Wasiir FIQI

Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Galmudug, booskaas oo banaanaa muddo badan.

Wareegto kasoo baxday Madaxweyne Axmed Qoorqoor ayaa loogu magacaabay Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe).

Wasiir Gaboobe ayaa buuxin doona xafiiska Wasaaradda Amniga Galmudug oo uu horey isaga casilay Axmed Macalin Fiqi oo hadda ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

PUNTLAND TIMES 

1 Comment

  1. Issa(ID)
    Qoor-qoor(Hunu-hunu) hadal maaha, (Himbiriirsine) arag maaha,
    5(Shan) Bilood dalku kuma socon jaangooyo siyaasadeed oo si
    cad u qeexeysa kala lahaanshaha hawlaha,ayadoo kaalintii ay
    dawlad goboleedku maqan tahay,(!) dalku wuxuu galay Dagaal aan
    loo dhameyn(2)wuxuu Hawl-gab ka dhigay ciidankii,wuxuna hubkii
    gacanta u geliyay Shacab(Naxawusley)(3) Wuxuu hantiyay oo uu
    helay (Gurmad abaareed), oo aan ka arag(4)wuxuu baabi’iyay oo
    Wasaarado muhim ah,wuxuna unkay xubno(ERGO) la yiraa oo BOORSO
    wata oo (Shaki) badan abuuray(5)Waxaa si dadban loo maamushay
    hawlihii wasiirka koowaad,(6)Sharci dejintii ayaa fulin noqotay
    hab siyaasadeed oo dhalisday Geerida (Aun) 22 Wiil,oo ciidana,
    (7) siyaasadii dibada ayaa carab loo wakiishay(8) dalkii nidaam
    dawli ah ma leh,(9) Xasan awoodii dawlada wuxuu u dhibay xisbi
    aa doorasho gelin ee uu soocday dad(NUGUL) (1O) Siyaasadu waa
    (Dad & Dal) waana 5(Shantiina) shireysa ee xasan ka hadla oo
    wax aan growsano noo sheega wbt

Comments are closed.