Kumuu ahaa Janaraal Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole)?. W/Q: Fahad Yaasiin

FARXAANOOW; NAFTAADII DALKAAD U HIBEYSAY, GEERIDAADIINA QULUUBTII DADKAY MIDEYSAY

Kumuu ahaa Janaraal Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole)?

Wiil dhalinyara ah oo gaaban, oo misana caata ah, oo hadana bar-yar, bashaash ah, sida magaciisa ka muuqato aad Farxaan u ah,fariid-nimana u dhashay, fiiro dheer, hadal yar, misana qorshe dajisan kara, qarankiisa iyo madaxdiisana daacad u ah, dhiigiisa iyo
dhididkiisana u huray dalkiisa, godkii Jannadana u galay (Insha’allaah) isagoo difaacaya sharafta iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed.

Magaciisa siduu u faafay, siduu u jin yaraa, iyo da’iisa siday u yarayd, intaas kaliya sabab uma noqon karin darajada uu gaaray ee wuxuu maqaam sare ku mutaystay daacadnimada, hawlkarnimada, wadaniyadda iyo qaran jacaylka qalbigiisa ku
abuurnayd.

Wuxuu kamid ahaa dhawr dhalinyaro ah, aan ku bartay shaqada amniga iyagoo ah saraakiil dhexe, wuxuuna aad u jeclaa inuu mar walba waxbarto oo uu aqoon ciidan kororsado, wuxuu qayb ka ahaa ciidankii laga wareejiyey Nabadsugidda ee loo wareejiyey Booliska.

Ma uusan iska dhigin Sarkaal xil raadinaya ee wuxuu la xarooday askar tababar loo xaraynayey oo lagu aasaasay ciidankii Haramacad, wuxuuna galay
dufcad tababar ku qaadatay Xamar iyo Turkiya.

Wuxuu soo laabatay isagoo helay aqoon Boolis, iyo tababarka hawlgallada gaarka ah, waxaana loo magacaabay Taliyaha ciidanka gaarka u tababaran ee Haramcad. Wuxuu lahaa sifo ay aad ugu yar tahay hoggaannada ciidanka, taasoo ah inuu saaxiib dhaw la ahaa ciidanka uu madaxda u yahay iyo inuu
daacad u ahaa qarankiisa.

Dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray, intaba si daacad ah ayuu u gudanayey shaqada qaran, waana sababta dawladdii timaadaba ay u aamintay, oo uu
mustaqbalkiisa mar walba horumar u gaarayey.
Saddex qolo ayaa mudan inaan uga tacsiyeeyo geerida xanuunka badan ee ku timid
walaalkeen Halyeey Jeneraal Farxaan Maxamuud (Qaroole).

Qolada koowaad waa qoyskiisa oo ay ugu horreeyaan waalidkiisa, xaaskiisa iyo
caruurtiisa. Waxaana leeyahay, geeridu waa xaq ee samir iyo iimaan Allaha idin ka siiyo,
marxuumkana Jannadii Alle ha geeyo, ilmihiisa iyo qoyskiisana Allaha dhawro oo
barakeeyo, waalidkiisana waxaan si gaar u leeyahay qadarta ilaahay raalli ku noqda, rabigii abuuray ee koonka keenay baa haddana naga ceshaday

Qolada labaad waa Madaxweynaha iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, waxaan leeyahay Mudane Madaxweyne waxaan kula
qaybsanaynaa xanuunka iyo tacsida geerida ku timid Jeneral Farxaan Qaroole, oo maanta Shahiiday isagoo gudanaya waajibka qaran ee aad fartay oo ah la dagaallanka Argagixisada.

Madaxweyne samir iyo Iimaan Allaha kaa siiyo, waxaana kuu rajaynayaa inaad ku guulaysato horumarinta tayada ciidanka iyo nabadayta qarankeena. Sidoo kale, ciidanka Booliska ee uu kamid ahaa Jeneraal Farxaan, waxaan kusii adkaynayaa in geerida Shahiidka qaranka Farxaan, ay ku dhaliso dhiiranaan iyo dhiigga iyo dhididka in loo huro dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Qolada Sadexaad waa Shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan leeyahay, ogaada in dalkii ay u kaceen dhallinyaro waddaniyiin ah, leh xirfad iyo tababar ciidan oo sare, qarankoodana daacad u ah, kana mid ah qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida. Sidaas darteed, boqollaal Farxaan oo kale ah oo booskiisa buuxiya, shacabkoodana difaaca
waan leenahay, waxaana ilaahay ka baryeynaa in madaxda qaranka uu haleeshiiyo in ay soo saaraan awoodda iyo tayada dhallinyarada kor u qaadi kara rajada iyo niyada shacabka Soomaaliyeed.

Walaalkay Farxaanoow, waan ogahay inaysan ku soo gaaraynin fariintan, laakiin waan ku khasbanahay inaan kuu soo diro. Farxaanoow, inaad jid xaq ah ku dhimatay, inaad dalkan daacad u ahayd, inaad sarkaal qaran ahayd ood ka saraysay siyaasadda waxaan
ku gartay, madaxdii umadda Soomaaliyeed oo dhan, khilaaf kasta oo dhexdooda yaalay, intey gees isaga dhigeen.

Waxaa mideeyey iney kuu wada duceeyeen, kuwada
amaaneen, iyagoo kuwada jecelna aad Shahiiday. Naftaadii dalkaad u hibaysay, geeridaadiina dadkay midaysay. Rabigay Jannada guri hakaaga yeelo, danbigaaga aduun xasanaad hakuugu baddalo, annagana gadaashaa Eebe nama fitneeyo.

Fahad Yasin
La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka

PUNTLAND TIMES 

21 Comments

  1. Fahad yaasiin in wax laga qoro ma mudna, waa ninka farmaajo cikuumadiisii jaahwareerka geliyey, mana aha nin fahansan macnaha masuuliyadu leedahay,

  2. Fahad waa halyey geesi ah. Jaajuusiin MOORYAAN ah buu ka shaqeyn iyo calooshooda u shaqeystayaasha xerada XALANE degan. Fahad Yaasiinow dalkaa kuu baahan. ALLAH HA KU XAFIDO.

  3. Issa(ID)
    Dawladda faderaaliga ah ee Soomaaliya madaxdeeda waxay si isku
    mid ah,siyaasada arimaha gudaha ugu xuseen in Gobolka Waqooyi
    yahay saldhiga Al-shabaab laga maamulo,sahayda laga siiyo,oo
    lagu baabi”iyo shacabkii koonfureed,laga soo bilaabo dawladii
    Cabdulaahi yusuf ilaa midan xasan sheekh, oo u adkeysan weyday
    dhawaaqa dadkooda la gumaadayo, laguna beer-laxawsanayo waxaan
    nahay (Irir-samaal,shirqoolada reer waqooyi waxaa ka shifay,
    (1)markii ay daalinkii (Ina Godane) ku tilmaameen shahiid,tacsi
    iyo Alla batine u dhigeen,(2) makii(Buur madow) lahaa Moqdisha
    waxaa ka taliya 2(Laba)dawladood,&(3) Wadaad ku sheegii la yiri
    waa baxsaday ee ku biiray Al-Shabaab oo bedelay(Ina godane)
    dhaxal ahaan, arrimahaas ayaa ku dhaliyay shacabka inay hubka
    qaataan, hadii loo baahdane HARGEYSA Xoreeyaan,Nine ma mooga
    xantoobada isaaqa ah ee xaaraanta ku haysta shucuubta midnimada
    raba ee soomaaliyeed 1,dhul-bahante,2,warsangeli,3,godabirsay,
    4,ciise,5,sama-roon,6,gabooye,7,fiqi shine,iyo tiro kale,ayadoo
    Isaaqu noqonayo wax ka yar15(Boqolkiiba)balankenu waa magalada
    nala hadleysa(Halkani waa raadiyo HARGEYSOO Hirarka gaaban idin
    kala hadleysee soo (HIRASHO WANAAGSAN),,waayo-joog,,,,(Why not)

  4. Issa(ID)
    Xamze siyaasada waxaan u galay baad tiri(JANNO) markaan raad
    kaagii guray,waxaan ogaaday in lagu mmarin habaabiyay oo lagu
    yiri (TABLIIQ)lagaana tuuray,Jiirtii(QABNO) oo lau weydariyay
    Guri-xeel,sino-dhaqo,ceel=dheere,iyo dhuusa-mareeb kaabigane
    laguu saaray (Ceel-buur)Xasuuq(Muursade) loo aaday,markii si
    walba loogu galgashay(Xawaadle) iyo intii la degto, marka war
    Xamze(JANNO) doon oo (Baydhabo) iyo Masaakiint khayr ka doon,
    TABLIIGA dalka lagu qabsanayo ka har ee janno doon Allaha kuu
    Sahlee, (Aakhiro moog) wbt

  5. Issa(ID)
    Ethiopia diiwaanadeeda waxaa ku xusan raadkii hore,wax isbedel
    ah ma jiro,waa inuu ogol ahaado wixii loo yeeriyo,waxaana lala
    gelayaa hishiis uu isku dhiibo, loomana jixjixayo,waxaana lala
    socodsiinayaa amar ah inuu bedelo siyaasadiisa Arrimaha dibadda
    iyo xulufeysiga MASAR,iyo Arimaha gudaha ee Konfur Galbeed iyo
    Juba-land gaar ahaan GEDO,Culusow caruur iyo cawaan baa Ambiyay
    Siyaasadu waa hibo ilaahi ah,iyo dhaxal awoowe , Allow alle wbt
    wuxuu moog yahay webi shabeele iyo juba, intuu nile daafacayo,

  6. Issa (ID)
    Congratulations Adan Ducaale Barre for your appointment as a Ministery of Kenyan Defence Force. As our former policy will stay in the same position, while we fight together against Al Shabab.
    Good Job!

  7. Issa(ID)
    Mudane Aadan Bare ,hambalyo sida aad ugu guuleysatay dorashadii,
    Dalka Kenya ka dhacday,& sida laguugu soo xulay inaad noqoto bundo
    xiriirisa dalalka walaalaha ah ee Kenya iyo Soomaaliya, adoo si
    walba ula tacaalaya dabar-goynta Al-shabaab oo ah caqabada hot
    taagan bulaalida iskaashiga amniga,ganacsiga iyo is dhexgalka
    labada shacab ee walaalaha ah,anagoo sii ambaqaadeyna kulana
    kaashaneyna, waxaa rajeyneynaa inaad sii(Fasho beertii)mabada,
    ee uu (Aun) yuusuf xaaji oo magool iyo ubax leh maanta,abaarne
    ku soo fool leedahay,dulin iyo subaacne u dheer yahay,taas oo
    (Godin lagu falo), (Gar loo dego), iyo (Gaashaan lagu ilaasho)
    Kaaga baahan,kuuna baahan, Gacal baad tehee Guukeysi wbt

  8. Issa(ID)
    Puntland fronto cusub oo dagaal ah, ayaa lagu furay si loo xadido,
    Wazaan ku talin lahaa in,sharciga xeerka ciqaabta dib u eegis lagu
    sameeyo,lana kordhiyo ciqaabta xabsiga,ganaaxa lacagta,iyo hanti
    la wareega(Guri)&(Gaadiid)kii lagu qabto, arrintan hadaan laga
    hor-tegin waxay suulineysaa ,diinta,dhaqanka,iyo asluubta bulshada,
    yaan la fududeysan,hala adkeeyo appealka iyo cafimta danbiyadaas,
    waa (Dhaqan-doorin) cad oo aan la dhayalsan karin wbt

  9. SEPTEMBER 29, 2022 AT 3:35 PM
    Issa(ID
    (Hambalyo),(Mabruur),(felice),(Happy) Wasiirka Arrimaha Gudaga
    Dawladda Puntland ee Soomaaliya, Macalin Dr,Abdi Farah Siciid
    (Juxa), Waa nin loo habar-wacdo, waa geesi hiil iyo hooba leh,
    Waa waayo-arag guntimo furka siyaasadeed ku xeel-dheer. waa
    Macalin taxliiliya xujo walba, waa wadaad u tusbax-qaata, oo
    ku tufa, una xirsi xira xaajo walba,waa Nabad-doon aan sine
    loo doorin karin,waa taliye amarkiise danbe la qaato, waa
    macalin xisaabta ku raadiya(X+Y=O)(xaq+yaqiin=Olole doorasho
    Waa guul u soo hooyatay puntland iyo geesigeeda Dr,saciid dani
    Hambalyo, ka naxow nafta waa, wbt

  10. Issa(ID)
    Sharciga Caalamiga ah,iyo mabda Dawliga ah,ayaa jideeyay,
    soo dhaweynta Calanka iyo astaanta soo martiday dalkaas,
    ee ma aha shqsiyada ruuxa koorka qaba ee yimid, waxaan wada
    sugeynaa haduu beeniyo falaadkii hore iyo carabkii kotkiisa
    ka booleeyay siyaasada geeska afrika, wbt

  11. ISSA(ID
    Juxa waxaa gacanta loo geliyay fayl(Dhudhun)ka dheer,sibraarne
    ka dhumuc weyn, oo ay ku dhan yihiin liiska deegaanada & Dadka
    puntland oo koobay (Gar-cad)iyo (Geel-jire)iyo deeganada inta
    insigu dego(Dooxo & Caduun)iyo inta jinka puntland dego oo
    buur iyo boholo ah(Halalow iuo Hala-booqad)lana diiwan-gelin
    doono,Sawir iyo Aqoonsine lagu il tiri doono,inta ku dhaqan
    puntland oo wax doorata, Guul wbt

  12. Issa(ID)
    War yaabnayee ma yaabteen waa arrin ugub ah in ragii shan,
    shan kun loo af duubo,Turkiya/Libiya,Qadar/Eriteriya, oo aan
    war iyo wacaal laga hayn, tan kale waxaa dhaqan xumo ah oo
    diinta islaamka ka hor-imaaneysa in dhediga keli la dhofsho
    (Xoolaha dhedigooda) lama dhiibo,lama dhoofsho,lamana iibsho,
    hadeysan ahayn(MAQUUNO) dhqan baxa,gabow,iyo naafo,dhaqayo,
    Xasanow dumarkeenu maquuno ma leh,waa(Hooyo)(Habar-yyar)(Eedo)
    (Aayo)(Ina Abti)(Inadeer)(Ina-habreed)(Dangalo)(Domaashi) &
    (Daleelo) kale kaa diidnay taas (Mudaharaad bt

  13. Issa(ID)
    Sida aan qabo ma dhameysan karo waqtigiisa,siimana joogi karo,
    sababtoo ah dawladnimadu waa(1) shacab (Nabad & Nolol) haysta,
    (2) ciidan tababaran oo hubku iyaga gaar u yahay,(3) wixii lagu
    hishiiyo oo la dhaqan geliyo(4)dawladaha inusan mucarad u abaabulin,
    (5)Inuu madaxweyne u noqdo 5(Shanta) Nin ee dalka haysata.
    M/w xasan asagoo awalba(Allow sahal)ahaa,waxaa lacag nagu baray
    waqtiga iyo nasiibla,markan waa(last chance to fit the position)
    ogow in dalku yahay federaali(la wada leeyahay,lana kala leeyahay)
    OGAADA SOOMAALIYEEY….?
    (1)Shacab la hubeeyay waa abaabul dagaal(Ahli)ah
    (2)Dadkaagii kala qaybi adoo Madaxweyne u ah(yaab)
    (3)Khayraadkiisii boob sharci daro adoo madaxweyne u ah,
    (4)Hantidii dibada u tiil baadi goob oo qarso adoo madaxweyne
    (5)Doorasgadii (Coalation) ka ahayd inkir oo isku dir ku bedel,
    Alla Kariim
    Dagaalkii Waa fashilmay(Ceel-buur)markii Xil,dhegay iyo
    taliye odowaa is qabteen (Macawisley)waa shabaab Vs shab

  14. Issa(ID)
    wada hadal dheer,canaan,dareem qab,raali-gelin iyo baryo,
    waxaa lagu wada hishiiyay,in nabada labada dal la ilaaliyo,
    iyo Xasiloonida (Geeska Afrika)waxaa hishiiski mugdi geliyay
    matkuu culusow codsaday HUB, Abiya asagoo yaaban ayuu ugu
    af celiyay OK,, oo ah (Diplomatic phrase)with no means,,adba
    (Ilowsho dhawaa ma umulbaa) wbt

  15. ISSA(ID)
    Raxnadii(Alla)roob,saxan-saxo,iyo dimoqoraadiyad dabeylo wadata
    ayaa hareeyay deegaanadda puntland,ayadoo dhawaan laga dusi-dono
    Abaarti, loona dareeri doono doorashadii,(One man one vote) oo
    Madal lagu daah-fuayo (18.octobar 2O22), laguna casuumay ruux
    walba oo dulmane ah,oo dimoqoraadiyad doonaya,Kor-joogto, iyo
    Daneeyayaal oo dhan (Sukeeye)iyo(Shisheeye), waa tilaabo ku
    dayasho mudan oo hooyadii federaaliga horay u qaaday,ayna sii
    wadi doonto Balanteenu waa(Garowe all sonali politic gate way)
    Guul iyo garasho waayeel,wbt

  16. Issa(ID)
    Waxaa la yiraa(Geel dhugato dhaantay,socotane war dhaantay)
    Doorashadu waqtigeedey ku dhacaysaa,fursadaane muddo dheer
    oo wiil dhashaa ku hano-qaado ayaan sugeynay ,sidaa awgeed
    sii socotada warka dhaantay, maqli meyno, waxan dorashada u
    dhiibnay,kuna dhaliili karnaa 2(laba)Aar oo aqoon iyo aragtiba
    isku dhigma, oo ku abtirsada isir dhiifoon,oo talo & tilmaanba
    loogu tago,waxaa doorashada naga xiga (Geeri) &(Gaadmo)cadow,
    waa inta (Qadarka Alla) ah, wbt

  17. Issa(ID)
    Siyaasada iyo deplomasiyadu waxay ka bilaabataa sida lagugu
    qariyo, war saxafadedka aad saxixdo,waa faylka lays weydarsado
    Aakhika arag qodobada lagu suul-daaray(Qoslaaye)Q,1aad (Masar)
    baa lagu baabiyay Qod 5aad inuusa golayaasha la imaan arin kale,
    Qod,6aad inuu mahad celiyo ciidanka sii joogi doona ee itoobiya,
    Qod,7-1O waa faro gelin toos ah,Ethiopia waa(African queen) oo
    heshay caamo iyo caluuq siyaasadeed,siyaasada soomaliya waxaa
    horkacaya (Balcad iyo baadi-cade) wb

  18. Issa(ID)
    Waayeel dadoow,inaan waalanahay, Duni weersatoo,weligeed
    jirtoo,wacadkii Alla weydaarataan , weydiinayaa?(Aun)
    Xadraawi Aasaasihii Midnimo diidka (SNM), ayaa riyo ku
    cabiray dhaqanka dadkiisa oo ah qaad wale, marqaanka khamri
    ku jabiya, oo markuu soo naaxo halkiisii ka bilaabo, oo
    noloshiiba moog, maanta ay 32 sano go’doon yihiin, iskuna
    maaweelinaya dimoqoraadiyad iyo axsaab badan, ayeey la gashay
    kororsi 2 sano oo soomaali diideen, asagoo ku meel-marsaday
    markuu ku qubeystay dhiigii wiilasha,wixii la hadlane xabad
    ugu jawaabay,Mucaaradkiina marwooyin ka dhigay,Guurti iyo
    Gar- cad wixii joogayne Gambo u xiray(Biixi) wiil hoog dheh,
    Gobolka waqooyi galbeed waa in federaaligu u magacabo 2 sano,
    ka dib Horgale ina Canbaashi ama koore, wbt

Comments are closed.