RW Xamze, oo war kulul kasoo saaray qaraxyadii ka dhacay Beledweyne

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dad aan waxba galabsan lagu laayey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray in Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adaha kale ee dowladdu gurmad deg-deg ah u fidiyaan dhaawacyada ka dhashay qaraxa.

“Falkaan wuxuu caddeyn u yahay sida ay weli ugu ooman yihiin kooxaha nabadiidku daadinta dhiigga dadka Shacabka ah, waana mid ay rabaan in ay ku niyad jabiyaan dadka u istaagay dagaalkooda, dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee maalin walba ay daadinayaan ma’ahaan mid looga hari doono” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamse ayaa bulshada Soomaaliyeed waxa uu mar kale ugu baaqay inay xoojiyaan dagaalka lagu ciribtiraayo kooxahan xagjirka ah ee banneystay nafta, maalka iyo sharafka ummadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada dadkii naftooda ku weeyey weerarkii maanta ka dhacay Beledweyne, waxuuna Allah uga baryey caafimaad deg-deg ah in uu siiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi.

PUNTLAND TIMES 

6 Comments

    • Dameer Hassan ninkii daba joogo mahmaah qaldan ka filo
      Xamze wuxuu inoo aqrinayaa sheekadii ahayd
      HOOYADAY AYAA DAMEER U IL JIBIYAY ,kkk
      adeer baroordiiq looma baahna

  1. Issa(ID)
    Xamze siyaasada waxaan u galay baad tiri(JANNO) markaan raad
    kaagii guray,waxaan ogaaday in lagu mmarin habaabiyay oo lagu
    yiri (TABLIIQ)lagaana tuuray,Jiirtii(QABNO) oo lau weydariyay
    Guri-xeel,sino-dhaqo,ceel=dheere,iyo dhuusa-mareeb kaabigane
    laguu saaray (Ceel-buur)Xasuuq(Muursade) loo aaday,markii si
    walba loogu galgashay(Xawaadle) iyo intii la degto, marka war
    Xamze(JANNO) doon oo (Baydhabo) iyo Masaakiint khayr ka doon,
    TABLIIGA dalka lagu qabsanayo ka har ee janno doon Allaha kuu
    Sahlee, (Aakhiro moog) wbt

  2. Aniga iyo dhamaan haddaan kun iyo million jeer canbaareeyno wax ay soo kordhinayso majirto.
    Xaqiiqda waa dagaal aan dhamaad la hayn iyo kacdoon laab la kac ah aan qeexneyn. Oo barito gal gabiil baal ah u furmi doono.
    Anigoo ka xun kana walwalsan dilalka noocuudoona ha ahaadee (Qarax iyo raas iyo drone waa isku mid)
    Waxaa fiican in runta la sheego oo been abuur khiyaali ah la joojiyo.
    Bal eega hadalka Xamse ee hoos.

    “Falkaan wuxuu caddeyn u yahay sida ay weli ugu ooman yihiin kooxaha nabadiidku daadinta dhiigga dadka Shacabka ah.

    Bal dhagaysta hadalkii GM Jeeyte;
    Wuxuu yiri anigaa la beegsaday waxaana la yiri meesha waa xero ciidan oo loo yaqaan lama galaay.siday u galeen Ashb ka?

  3. @Ally m

    Waryaa ally Beenta jooji, dadka la laayay waa hawiye kuwa laayayna waa kufaarta aad taageertaan ee shabaab, marka saaxiib adoo faraxsan nuruggo been ah ha muujin, yacni dhibtan hawiye haleeshay waa farxadaada iyo farxada jebertiyiintoo dil ee beenta iyo murugada bugta ah ee aad muujineeyso jooji.

    Annagu waa inoo murugo idinkuna waa idiin farxad maanta, balse berri sheekadu waa ay isbadali doontaa oo waxaa balan ah haduu EEBE ka raali noqdo in adinka iyo shabaabul kaafiriin wal malcuuniin oohintiina lakala joojin waayo oo kadibna dhiigiina aan dhibic dhibic u kala firdhino oo hilibkiinana aan mukulaalaha iyo wixii kaloo baqtiga cunna aan u kala qeeybino, ee nagga war sugg oo naga warsuga dhamaantiin oo sidoo kalena beenta iyo beerlaxawsiga aad waddaan ee bugta ahna joojiya.

    Bye.

Comments are closed.