SAWIRRO: Shir looga hadlayo Amniga Puntland oo ka dhacay Garoowe

Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa maanta Shir-guddoomiyey kulan looga hadlayay xaalada guud ee Amniga Puntland.

Shirka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliyayaasha Ciidamada Daraawiishta, Booliska iyo Asluubta Puntland.

Masuuliyiinta Amniga Puntland ayaa diirada saaray dhacdooyinka amni ee u dambeeyey, oo ka dhacay Puntland, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo siddii loo dardargelin lahaa dib-dhiska Ciidamada Puntland.

Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxaha argagixisada ah ee ku sugan buuraleyda goballada Bari iyo Sanaag, shirka ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan uu xilka la wareegay Taliyaha cusub ee Ciidanka Daraawiishta Puntland.

PUNTLAND TIMES 

3 Comments

  1. nimankaan waa niman askar u eeg oo heeybad ka muuqato oo balwo laheeyn inshaa ALLah waxaan rajeen inaad mandooryaha jaadka iya khamriga xoog saartaan waayo haduu
    qurunkaasu bato askartu ma feejgoonaan kara waskhda jaadka laga helo ayaa askarta lasii ninkii wax ilaalinlaha haduu helo dolar iyo jaad wax kasta induuhu ka qarsan saas ayuu dadku iyo dhulku beeylah ku noqon nin lagu seexdo ha seexan boowe cidkasta ayaa ku damcin hadaad amnigaaga ka seexatid.Hadaba ogaada amxaaro waa soo guurtay jigjiga iyo tog wojaale ayay soo degeen halkaas wershedo khamri ka fureen jaadka iyo dhilooyin amxaaro eedis qaba ayaa sii fiican u hergalay wixii khudaar ayaaga somalia soo gelya xamar cambihi iyo moskii goor dhow wuu joogsan war dakeena waa loo qayilaye waa ogyihiin somali qabiil iyo balwo diinta iyo wadaninimada looga saari karaa n ashabaaban diintuu ku nacsiin ileeyn dadka kuu qayilay buu la shaqeeysta kuwaan cilmaanika oo imakoodii noqday doolar wada noolaansha iyo wadaninimada ku nacsiin

  2. Issa(ID)
    Puntland fronto cusub oo dagaal ah, ayaa lagu furay si loo xadido,
    Wazaan ku talin lahaa in,sharciga xeerka ciqaabta dib u eegis lagu
    sameeyo,lana kordhiyo ciqaabta xabsiga,ganaaxa lacagta,iyo hanti
    la wareega(Guri)&(Gaadiid)kii lagu qabto, arrintan hadaan laga
    hor-tegin waxay suulineysaa ,diinta,dhaqanka,iyo asluubta bulshada,
    yaan la fududeysan,hala adkeeyo appealka iyo cafimta danbiyadaas,
    waa (Dhaqan-doorin) cad oo aan la dhayalsan karin wbt

    • Sidaan warka ku maqley garowe amaankedu waa sugan yahay oo wax baqdin ahi kama jirto maxaa yeelay ciidanka qaranka jamhuuriyads somaliland ayaa diirada ku haya oo kulaalaya. Dhanka iyo gaalkacyo uun ayaa laga sheekaysanayaa.

Comments are closed.