SAWIRRO: Wararkii ugu dambeeyay ee khasaaraha Qaraxyada Beledweyne & masuuliyiin dhintay

illaa 10 qof ayaa ku geeryooday qaraxyo waa weyn oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan.

Qaraxyada oo ahaa labo Gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala beegsaday xerada Laba Galaay ee magaalada Beledweyne.

Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ah masuuliyiinta katirsan maamulka Hirshabeelle, sida Wasiirkii Caafimaadka Hirshabeelle Dr. Zekariye Maxamed Axmed (Hurre) iyo Guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo Maaliyadda gobalka Hiiraan.

Sidoo kale, Saraakiil ciidan iyo xubo kale oo kamid ah maamulka ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxyadan.

Ururka Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyada, iyagoo sheegay inay ku burburiyeen xafiisyadii maamulka Hirshabeelle, gobalka Hiiraan iyo kan Beledweyne.

Ma jiro wax war oo kasoo baxay Maamulka Hirshabeelle iyo DFS oo ku aadan qaraxyada maanta gilgilay magaalada Beledweyne.

PUNTLAND TIMES 

4 Comments

  1. War aaway kuwii halkan ku balqami jiray. Maxay arrintan lagu hoobtay uga hadli waayeen mise kuligood dhabaab shaydaan bay ahaayeen. Cajab

  2. Dad waxaa ugu cod dheer nacaska, oo mid ku caqli ah oo ka feer ciya markuu arkana ku sii dhiiran oo moodin ummad dhan iyo deegaan in uu afkood ku hadlo… Shacabka reer Baladweyne horaa xasuuq loogu hayay, horaa qaraxyo halyay loogaga dilay, horaana waayeelkooda loo dhibaateeyay- qolo uu Shabab helay iyo xaalkooda unbayna ku jireen, in badan.

    Maanteyna horseed ayay ka yihiin iska caabinta.

    Markii dhib gaaro, kan ku jeesjeesaya… Ama siyaasadeynaya oo Gurguurta la’aadin- codkii iyo aragtidii waa Dameer faaq yiri. Gobol iyo heyb la qabtana lama arko.

  3. Issa(ID)
    Inaa Lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun(Intii Dhimatay)Allaha
    (Aun) inta dhaawacane Allaha u boogo dhayo,weligiin geesiyo,
    aan gadaal dayin baa laydinku yiqiin, Abti Cali jeyte gulufka
    jooji,tabta dagaalka ku bedel,(Gaar-haye, wax gaada)oo Dhego-
    dheer noqo, wbt

Comments are closed.