UPDATE: Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar lagu qaaday saldhiga Burtinle

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku geeryooday, mid kalena waa ku dhaawacmay weerar maleeshiyaad beeleed hubeysan ay ku qaadeen saldhiga Booliska degmada Burtinle ee gobalka Nugaal.

Maleeshiyaadka weerarka ku qaaday saldhiga Burtinle ayaa la sheegay inay ka careys-naayeen dad ku beel ah, oo xukun ay ku riday Maxkamad, sidoo kalena loo gudbin lahaa xabsiga dhexe ee caasimadda Puntland ee Garoowe.

Booliska saldhigga degmada iyo maleeshiyaadka ayaa iska hor imaad kooban dhexmaray, taas oo saacado xaalad kacsan ah ka abuurtay magaalada Burtinle.

Askariga dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Badgal Ciise.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska qeybta Booliska gobalka Nugaal iyo maamulka degmada Burtinle, oo ku aadan weerarka lagu qaaday saldhigga Burtinle.

PUNTLAND TIMES 

18 Comments

    • Somalida waa wada mujaahid waa wada xaq u dirir
      Waa ay isla wada quman yihiin
      Anigu Yaa bayay hadaba yaa qaldan !!

    • Calaqle, Khamriile, DOROOGIISTE sharciga gacantooda Ku qaata Soomaali baa laga helaa

  1. Magacii la doona Haa la sheegto waxa ka socdaa Somalia waa naar la shaqeysanaayo

    «إذا التَقَى المسلمانِ بسَيْفَيْهِمَا فالقاتلُ والمقْتُولُ في النَّارِ». قلت: يا رسول الله، هذا القاتلُ فما بالُ المقتولِ؟ قال: «إنه كان حريصًا على قَتْلِ صَاحِبِهِ». – [متفق عليه]

    “When two Muslims meet to fight each other with their swords, both the killer and the killed are doomed to Hell.” I said: “O Messenger of Allah, that is the case with the killer, but what about the one killed?” He replied: “Indeed, he was keen to kill his companion.”

  2. Issa(ID)
    Puntland fronto cusub oo dagaal ah, ayaa lagu furay si loo xadido,
    Wazaan ku talin lahaa in,sharciga xeerka ciqaabta dib u eegis lagu
    sameeyo,lana kordhiyo ciqaabta xabsiga,ganaaxa lacagta,iyo hanti
    la wareega(Guri)&(Gaadiid)kii lagu qabto, arrintan hadaan laga
    hor-tegin waxay suulineysaa ,diinta,dhaqanka,iyo asluubta bulshada,
    yaan la fududeysan,hala adkeeyo appealka iyo cafimta danbiyadaas,
    waa (Dhaqan-doorin) cad oo aan la dhayalsan karin waa in de deg loo
    xukumo lana wareejiyo sida ku cad sharciga ,Xabsiyada waaweeyn ,

  3. Ma dadkaa xaq diid ah mise nidaamka ayaa dulmi ah oo dadka xaqdarro ku xukumaya?
    Kollay hadii cadaaladi jirto waa lagu qancaa sida caadiga ah.
    Puntland iyo maliishiyo beeleed maxaa kala haysta??

  4. Issa (ID)
    Qofka muslinka ah waa inuu sheegaa xaqa,Alla wax kana qarsona,
    Askariga dhintay waa shahiid,gacan ka xaqdaram baa dishay,asago
    daafacaya in xaqa laysku xukumo,waxa dilayna waa khamriile,iyo
    xashiishle furasho raba,Ountland waxaa lagu furay dagaal dhaqan,
    dhaqaale,hido, isir,diin,iyo dhalan-rog guud waa in gacan-bir ah
    lagu maquuniyo oo aan loo arxamin, kuwa ku wiirsanayo waa xogmoog
    dhaqan-celin u baahan oo ban-joog ah, wbt

  5. @ Mr cm
    yeykaa hoos bixin
    Cibaadadii iyo Cadaaladii allah ayaan diidnay mid kale laguma qanci karo nin waliba dhankuu doono ayuu u raran .

  6. ilama dhiiha dhiiha ilama caqli caruureed ilmo AABAHOOD DHIIG QABA xaaraan laGU DHALAY LAGU KORIYEE WANAAG XAGEE U GA IMAN HASUGI WAAYIN DHIB IYO ABAARO MACALUUL AAN DHAMAADLAHEEY WAXAAN SUGNABA WAA CIQAAB GACNAHEENA KU KASBANAY UMADA TUUGA IYO DAYUUSKA U HIIILIN XAGEE LIIBAAN LAGA GAARIN WAR REER MUDUGOW DHIIGA MUSLINKA KADAAYA

  7. Beentaa maaha lkn kollay dastuurka dawladaha muslimka oo dhan baa leh, waana ka xukun duwanyahay marka diinta qodob qodob loo waafajiyo,laguna qotomiyo dhaqanka iyo qiyamka bulshada lkn dhibtu waa soomaalidu maaha dad sharci,wax badanna waa hagaagi lahaayeen waxa u qoran hadday si dhab ah u fulinayaan.

    @Muslimka xurta ah
    mise xorta ah?
    Xor ah la garay lkn xur ah bal noo macnee zxb kk?
    Alshabaabna ha nagu noqon anaba gaalo ma nihine malaha tashkiil baa golaha laguugu soo dirayee kkk
    Welcome zxb waa kaftane

  8. Beel dhan sidee isugu raaci kartaa weerarka saldhig?
    Niman dambi loo yeelay oo cadaalad waayay baa keentay.
    Soomaaliya dadku qoriga ma qaadeen hadaan lagu khasbi lahayn oo la dulmin la iska xukumin.
    Ha la xasuusnaado.

  9. Wadaadadii ka hadlay in kitaabka alle la dafiro aayaadkiisa dilkoodii laga aamusay
    Cuqubadaas ayaa ina haysa waxba yaan meel kale laga doonin cuqubada soomaali haysata siiba maqarrul alwadan Alcaasimah oo ah meesha waxaas laga maamulay.
    Wax ka dambeeyayna waa jirtaa.
    Alle waxa kala weyn dunidan oo suusha dhiiga qof muslim ah oo xaq darro lagu dilo.
    DHIIGA MUSLIMKA HALA JOOJIYO EE LA QUBAYO.

  10. @cm

    War saaxiib cm ninka kula hadlayay ee muslimka xurta aka wahaabiga xurta la yiraa waa un afuufa iyo nuurka aka jaajuumoow waana isku hal qof.

    Ifahan saaxiib, qofka kula hadlayay ee magaca muslimka xurta ah watay waa nin halkan magacyo badan kusoo gala si uu isku taageero dad badana isugu ekeeysiiyo,magacyaduu isticmalo ee beenta ahna waxaa ka mid ah @afuufa @nuurka @jaajumoow @wahaabiga xirta iyo kuwo kaleba waana wahaabi shaabaab ah oo kufaarta shabaabul malcuunin wal mulxidiin taageera waana libaan jeexoow cabdiga halkan ee kooxda shabaabul kaafiriin borobogaandada halkaan ugu fidiya.

    Marka saaxiib @cm aad isagga fiiri ninkaa waa un hal qof oo is taageeraya oo is badinaya si uu saameeyn isugu yeelo kooxda kufaarta ah ee shabaabna fikirkooda halkan ugu gado.

    Saaxiib @cm kaas la hadal ma leh ee iska fiiri yuusan ku sirrinee.

    Bye.

  11. @afuufa

    Kkkkkkkkkkkkk @afuufa @jaanjiimow @ wahaabiga xiran @nuurka, war waan ogahay oon hubaa in waxaan oo magacyo aad kaligaa leedahay ood is badineeysidee si aad dad badan isugu ekeeysiisid oo iska taageertidee maad isku xishootid oo meeshan lagugu fahmay ee aad ku ceebeeysan tahay isagga baxdid.

    Shit afuufa af-qurun aka nuurka aka jaajiimow aka wahaabiga xabisan waxaan ku leeyahay get out here fastly wallahi hadii kale wax fiican baad heli doontaa.

  12. Calaqle, Khamriile, DOROOGIISTE sharciga gacantooda Ku qaata Soomaali baa laga helaa

  13. Soomaali siday rabto oo kaliya yay isu maamuli. Diin iyo Shuuciyad midna ma rabto. Waxay rabtaa oo dhaqan u ah hoggaan ay iyagu doorteen. Giriiggu wuxuu habkaa is-maamul u yaqaan DIMOQORAADIYAD. Soofiyat Yuniyan ku maamul waa shuuciyad; Ina Cabdille Xassanna ka diide maamul diimeed. U malayn maayo inay maanta u hoggaansamayaan alshabaab iyo digo-carbeed.

Comments are closed.