XOG: Dadaalo lagu heshiisiinayo Deni & Axmed Madoobe oo ka socda Muqdisho

Kulamo lagu heshiisiinayo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka soconaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Puntlandtimes, in Madaxweyne Deni iyo dhiggiisa Jubbaland, oo khilaaf xooggan soo kala dhexgalay tan iyo doorashadii Madaxweynaha DFS, hadda la wado dadaalo la isugu soo dhaweynayo.

Siciid Deni ayaa ku eedeeyay Axmed Madoobaha xukumaya sannadaha badan Kismaayo, inuu khiyaamay, kaddib markii uu si weyn u aaminay intii ay socotay doorashadii Madaxweynaha DFS, oo uu kamid ahaa musharrixiinta u tartamaysay.

Xildhibaanada laga soo doortay Jubbaland ayuu sheegay in uusan wax cod ah ka helin, halka uu Axmed Madoobe uu horey ugu ballanqaaday in dadka uu soo saaray ay codka isaga siin doonaan.

Lama oga in dadaalada la isugu soo dhaweynayo Madoobe iyo Deni, oo mar ahaa saaxiibada isugu dhow ee siyaasadda Soomaaliya ay guuleysan doonaan.

PUNTLAND TIMES 

7 Comments

  1. Labadii dulmi iyo khiyaamo ku heshiisa cawaaqibkoodu waxa uu ku danbaynayaa inay xaqa alle ku kala tagaan. Deni iyo axmed waxa keliya oo laga rabaa inay walaahowga iska dhaafaan oo shacabkooda u shaqeeyaan.

  2. Taariikhda waxaa loo bartaa, oo loo kaydiyaa, in laga leexdo dhabbeyaashii ay ku lug go’een facyadii hore.
    Siyaad Barre oo aabbe Siyaad loogu heesayo, taliskiisiina caaddaa marayo, yuu wuxuu cagta saaray jid u ku doonayay inuu gumaysiga uga dulqaado reer Jigjiga. Waxaa laga dhaxlay in lagu wayay hantidii, dad tiro badan, iyo dawladnimadii Soomaaliyeed.
    Dadkii ololka loogu bareeray si madaxbannaani loo gaarsiiyo, waxay noogu abaalgudeen tixdii Dhoodaan oo ahayd: UGAADEEN DAMIIN KAMA DHIGANE, YAW DIRSADAY HAWSHA.
    Maanta, iyadoo ay diillin cagaarani dhex taal Baraxley iyo Suusacley, ma garan maskaxda ku talisay in danaha reer Caluula laga dhex raadiyo reer Afmadow iyo Badhaadhe.

  3. Ogaadeen turub baray.
    Deniyoow ninka aad is haysiin waa nin ee gabar Majeerteen dhashay oo qiyaanada, garashada danahiisa iyo af macaanimada kaaga horeeya.
    Koombe Kablalax: War adeeroow iga xishoo Boqorkaadi baan ahay.
    Kuumade Kablalax: Hadii aad Boqorkeygi tahay maalintii aan magantaadi soo galay soo Ethiopia ma aadan ii dhiibin.
    Koombe: Ethiopia ma aanan kuu dhiibin ee nin walaalkaa Cabdi Muxumad (Ileey) ayaan kuu geeyay.
    Kuumade: Cabdi Iley waxaa ii dhaamay Tigreyga midda kale maxaad Soomaalinimada igu diiday oo aad tiri dadki aan dib u celiyay waxeey ahaayeen Ethiopian af Soomaali ku hadla.
    Koombe: Adeerow waqtiga iyo wacyiga waa is badalaa kow dheh mar eey noqoto waan kaa xaal marinaayee ee hadda Boqorkaadi aad Raysul Wasaaraha ka qaadatay u soo hooyo.
    Kuumade: Boqortinimada kuugumu haysti oo waa heshiis dhaqan middaan waa siyaasad hadii aan Boqortinimadi kuu daayey siyaasaddana in aad ku darsatid soo qalad kuugu ma aha.
    Koombe: Boowe mise abti war adigu dalka Soomaaliya maba joogin mar dhow iyo Federaalka aan sameeyay ayaad ku heshay gobolkii ugu barwaaqeysnaa haddana Raysul Wasaarihi ku darsatay. Maxaad noo reebtay wax kasto ma dhunjineysaa?
    Kuumade: Ina adeer waan ogahay saharaaga aad deggantahay oo dhulkaan in timaadid waan kuu ogolahay ee adigana siyaasadda in eey is baddashey oo aan la joogin 1960 la soco.
    Koombe: war nin adduunyo joogo maxaa wax kuu dhiman. War dhageyso iska hayso Raysul Wasaarahaada laakiin iga ballan qaad ninka Hawiyaha amarkiisa in aadan yeelin ee anigana ila socod sii wax kasto uu kuula yimaado aan u wado tashano meesha ogow waxaan u wada taagannahay qadiyadda Daarood ogow Koombe iyo Kuumadeba waa Boqoradii Kablalax Daarood.
    Kuumade: Waan ogahay in aan Kabalalax Daarood ahaa af Soomaali, af Ethiopian iyo af Sawaaxili ku hadlo karo.

    • Issa(ID) Maxamed
      Koombe iyo Kuumade ka hoos arag,Boqor cisman iyo sayid maxamed.
      wixii laysku markaday,iyo saadaashii siyaasada halkey degtay,
      Koombe wuxuu koobay talis xor ah,(Aun) Boqor Cismaan, Cali yusuf,
      A,A,(Sharmaarke)Abdulahi yusuf Ahmed, ilaa Dr,Siciid A, Dani,
      192O-2O22 waa Qarni 1OO Sano oo xoriyad,iyo maamyl ah, halka
      Kuumade weli uusan xoroobin, Axmed madoobe waxaa meesha ku haya
      puntland, taas oo ah in siyaasadu galad iyo hibo (ALLA) tahay,
      Waxaase su’aal ah (HALDOORKA) ku maqan (KISMANYO) yaa ka masuul ah.
      Tibaaxa ka dib khudbadii Axmed Madoobe, (Puntland) war baa uyaal,
      waa in xog la helo,(Turub waa barasho & bolo)been jar maya) wbt

  4. somali wax layiraado majirto wadanku wuxuu u xiranyahay shirkado ajaanib somoil magcii bedeshay isu bixisay coasta explaration waa shirkad dulaalaha waxaa la shaqeeya Imaaraat gordhow la wareegin dekeda kismaayo mesha larabo gas dabiciga laga qoto waa meshii kenya iyo somalia isku hayeei zonaha kismaayo ilaa brawe cidamo badan bay xamar ka qortay gaaraya 5kun waxaana lagu taba barin bosaaso marka labadaan habrood waxay ku diriraa nmesha ma taalo cidamadas bosaso lagu tababaryo hal qof oo reer jubaland iyo puntland kuma jiro masar,imaarat,qadar kenya ddw coastl exploratin waa dulaalo waxaa lo shaqeeyn mareeykan iyo xulufadiisa wadanka somalia layiraado mareekan baa leh wakiil waxaa u ah shirkada Hormuud cidamadeedu waa alshabaab doqmo doqmo dhaleen hadii shabaab lala diriraayo madxdii oo dhan xamar ayeey fadhiyaan marka deni iyo adan madobe shirkada hormuud bay sheerar ku leeyihin nin madax oo aan ku jirin majiro masakiinta somalida haraadku iyo gaajadu dishay ayaa qob moosa loo tuurin runta hadaa rabtid hawie daarood dir raxanweey wax layiraado majirto shirkado mafiya’ah iyo dowlado shisheeye ayaa wadankaan maamusha dhalintaas lalaynaayo maxeey galabsadeen ragii dirsaday xamar fadhitaan

  5. Xasan.

    Isha ayaad ka ridday!!!

    Siyaad Barre Ogaadeen reer Abti uu jecelnahay ayeey u ahaayeen, sida aad sheegtayna, in uu Xureeyo ayuu Soomaaliya u geliyey dagaal aay ugu dambeyn iyadii qadka oga baxday!
    Maxaay ugu Abaal gudeen?
    In aay dhabarka ka toogteen, markii aay arkeen in uu xaalku ku xun yahay.
    Hadaladii iyo gabayadii aay u tiriyeena Waxaa kamid ahaa, kaas aad sheegtay ee uu Dhoodaan tiriyey.
    Dowladda Afweyne Ogaadeen dammiin kama dhigane yaa u dirsaday hawshu?! Kkk
    Sidoo kale markii uu dadkoodii Itoobiya ka soo qaxay si fiican u soo dhaweeyey ee uu u dhiibay, xil kasta oo aanan kiisa ahayn waxaay ku dhaanteeyeen!
    * Gaalba Gaal iima dhaamee meeyey keeygii Godeey?! Kkk

    Yacni Mingistu waa Gaal Siyaadna waa Gaal kale, ee aawey Mingistaheeygii?! Kkk

    Nimanku waxaa dhaqankaa kalsooni darrada ahi u yeelay waa Sheegato majaraha u qabatay iyo Gumeeysi ka il helay!

    Tusaale dad baa iigu dhaartay in uu Axmed Madoobe asalkiisu yahay, Sheekhaal Aw Qudub ah, alka Cumar Jeesna la iigu sheegay, qolo aanan horay u Maqal!
    Xaalka Axmed Madoobe iyo Culusoowna waa, lafo Abeeso hoos bay ka xeriiraan, sidaa uu u ahaa kii Cumar Jees iyo Caaydiidba! Kkk

    Ninkii Daarood ah ee Ogaadeen Abaal gesho is lehoow Khaasatan reer Puntland, Siyaad Barre oo aay dhaleen wax ku qaado, kolleey intuu u qabtay u qaban meeyside! Kkk

  6. A.A.XADE
    sidaas haw fogaan waxan arkaa qalad weyn oo ay ku jiraan kooxdani,laakiin waa inaynaan xuduudka ka durkin,tan labaad @xasan isku daygii xoreynta somali galbeed,armay ahayd mid aan sidaasba looga fiirsan,oo ay laab la kac ku salaysnayd,armay ka qummanayd in sidii jabhad WSLF ahaan lagu taageeri lahaa sidii eretrea,halgankaasi guul buu ku dhammaan laha sIda eretrea,sababtoo ah sida innaga caalamku innoogu soo wada jeestay iyaga taasi kuma dhacdeen kabjabhad ahaan WSLF.

Comments are closed.