AKHRISO: Mareykanka oo kordhiyay Lacagta la dul-dhigay Hoggaamiyayaasha Al-Shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay lacagta abaal-marinta ah ee ay ku bixineyo xog hoggaamin karta aqoonsiga iyo halka ay ku sugan yihiin madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab iyo carqaladeynta hanaankeeda maaliyadeed.

“Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, oo ay maamusho Waaxda Nabadsugidda Diblomaasiyadda, ayaa kordhinaysa oo illaa $10 milyan gaarsiineysa abaal-marinta la siinayo ciddii keenta xog horseedda aqoonsiga ama halka ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Al-Shabaab ee kala ah; Axmed Diiriye, Mahad Karate, iyo Jehad Mostafa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee loo soo gaabiyo RFJ ayaa sidoo kale yaboohaya illaa $10 milyan oo lagu bixinayo xog horseedi karta carqaladeynta hanaanka maaliyadda kooxda Al-Shabaab. Ku dhawaaqistan ayaa noqonaysa markii ugu horreysay oo ay Waaxda Arrimaha Dibedda ay abaal-marin ku yaboohdo xogta shabakadaha dhaqaalaha ee Al-Shabaab.

Axmed Diiriye oo ahaa amiirka Al-Shabaab tan iyo bishii September 2014 ayaa liiska argagixisada caalamiga ee Mareykanka (SDGT) lagu daray April 21, 2015.

Mahad Karate ayaa isna liiska lagu daray isla April 21, 2015. Mahad Karate waa amiir ku-xigeenka ama amiir ku-xigeenka dadban ee Al-Shabaab, wuxuuna weli hoggaamiyaa qaar ka mid ah howlgallada Al-Shabaab.

Karate ayaa sidoo kale haya qaar ka mid ah mas’uuliyadda talis ee Amniyaat, oo ah garabka sirdoonka Al-Shabaab oo mas’uul ka ah weeraro ismiidaamin ah iyo dilal ka dhacay Soomaaliya, Kenya iyo dalal kale oo gobolka ka mid ah.

Jehad Mostafa waa muwaadin Mareykan ah oo horey u deganaa gobolka California. Mostafa wuxuu tababare militari kasoo noqday xerooyinka tababarka Al-Shabaab. Sidoo kale waa hoggaamiyaha ajaaniibta Al-Shabaab, hoggaamiyaha garabka warbaahinta Al-Shabaab, iyo dhex-dhexaadiyaha Al-Shabaab iyo ururada kale ee argagixiso.

Bishii December 2019, maxkamad federaal oo Mareykan ah ayaa Mostafa kusoo oogtay dacwado ay ka mid yihiin inuu ka shaqeeyey taageero siinta qalab ee argagixisada iyo Al-Shabaab. FBI-da Mareykanka ayaa qiimeysay in Mostafa uu yahay aragagixiyaha ugu darajada sarreeya ee haysta dhalasho Mareykan ah ee dibedda ka dagaalamaya.

“Al-Shabaab waxa ay weli ku tiirsan tahay shabakadaha maalgelinta iyo fududaynta si ay usii waddo hawlgalladeeda, oo ay u qorsheyso weeraro argagixiso oo caalami ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Wasaaradda arrimaha dibadda waxay abaal-marin ku bixineysaa xogaha horseedaya aqoonsiga iyo carqaladaynta ilaha muhiimka ah ee dhaqaale ee Al-Shabaab, oo ay ku jiraan ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee gudaha, deeqaha dhaqaale ee ay bixiyaan deeq-bixiyayaasha iyo fududeeyayaasha maaliyadeed, kala wareejinta maaliyadeed ee ay sameeyaan hay’adaha maaliaydeed, ganacsi kasta ama maalgashi kasta oo ay leedahay ama ay maamusho Al-Shabaab ama maal-geliyayaasheeda, dhaqdhaqaaqa caalamiga ah ee shirkadaha ku xiran Al-Shabaab, iyo hawlgallada afduubka madax-furasho, qorshayaasha maaliyadeed ee sharci darrada ah, iyo wareejinta maalgelinta iyo agabka ay al-Shabaab siiso argagixsada iyo maleeshiyada saaxiibada ah iyo kuwa la shaqeeya.”

VOA

PUNTLAND TIMES 

2 Comments

  1. Waxaa layiri haddii geeljire geeliisii ka tago oo midkale raaco waxa keliya ee usoo kordhaa waa hashaana magaceed.
    Haddaba bulshada Soomaaliyeed oo iska ahayd dad reer guuraa ah waxa ay dimuquraadiyadda reergalbeedka ka dheefaan waa madaxweynahaana magacii? Waa Cabdillaahi Yuusuf.

    Waa Shariif, waa Xasan Sheekh iyo waa Farmaajo. Beryahan dambe waxa se soo korodhay arrin kale oo ku cusboonayd saaxadda siyaasadda; xataa haddii ay jirtey sidaan oo kale ma ahayn. Malleeshiyo Macawisleey la yiraa ayaa la bilaabey si ay ugula dagaallamaan Islaamiyiinta, macawisleey magac keliya ma aha ee waa qabiil ay madaxdoodii isku raaceen la collaytanka Islaamiyiinta. Dabcan Islaamiyiintu in badan bay ka warwareegeen la dagaallanka beel Soomaaliyeed balse ugu dambayn dagaalka waa lagu qasbay.

    Macaawisleyda oo Mareykanku taageero dhaqaale iyo mid hubeed uu siinayo mashruuceeda waxaa iska diiday inta badan beelaha Soomaaliyeed balse waxaa qaatay dhowr jufo oo deggan deegaanno dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Haddaba sidee urur jabhad ahi ula falgali karaan dagaal beeleedyada misana guul uga gaari karaan? Taasi waa su’aal taagan. Waxa kale oo jira in dad caammo ah amma dhallinyaro u badani ay la caaddifad yihiin Islaamiyiinta, kuwaasina sidee u dhaqmi karaan marxaladdan lagu jiro? Iyana waa su’aal taagan. Weydiimahaas ayaa keenay in la qalinka lagu duugo qormadan oo ay meel mar noqoto insha Allah.

    Nin aanu saaxiib nahay baan maalin la wadaagey fikirkayga ku saabsan in qabiil xadgudbey la edbin karo asse aan la caayi karin dabadeed waxa uu igu raacey fikirkii isaga oo waliba ii soo qaatey maahmaahda Soomaaliyeed ee aan qoraalkan ciwaanka uga dhigey.

    Nebiga CSW ayaa maalin ku yiri saxaabadiisii “Cikrima ayaa idiin iman doona ee aabbihii haku caayina.” Sida oo kale nebigu waxa uu dareensanaa sida ay qofka u dhaawici karto in xumaanta aabbihii la sheegsheego isla markaana hibadiisa iyo waxqabadkiisuba u lumi karo. Bal qabiil dhanna maxaad u maleyn! .

    Qiso kale ayaa jirta; berigii nebiga tolkii ay raaci diideen ayaa uu naftiisa kula shawrey bal in uu dhankaas iyo Daa’if u kaco. Waxa uu rajaynayey in ay dacwaddiisa dhegaystaan reer Daa’if ka dibna jaal u noqdaan; taas runtii aad buu ugu hungoobey oo waxma-garatadoodii ayaa ay ku direen. Nebiga SCW maalintaa si xun oo foolxun ayaa loola dhaqmey, dhaawacyo nafeed iyo mid jidheedna waa la gaarsiiyey.

    Haddaba nebigeenna oo xaalku sidaa ku yahay arrintuna ku culus tahay ayaa loo soo direy malaggii buuraha. Malaggii waxa uu nebiga ka codsadey in uu amro haddii uu rabona uu buurahaas ku dhirbaaxo karo reer Daa’if, laakiin nebigu waa ka diidey, waxa uuna ku yiri hadal macnihiisu ahaa “waxa aan rejaynayaa in dhabarkooda ay ka soo baxaan kuwa diinta Ilaahay u gargaara”.

    Ugu dambayn waxa la arkaa in Ilaahay nasri keeno oo guushaas wax badan lagu illaawo, sidii maalintii uu nebigu furtey Maka. Waxa jirtey in dadkiisii dhibaatada u geysan jirey wakhtigii uu tamarta darnaa uu weydiiyey “Maxaad iga maleysanaysaan?” dabadeedna ay yiraahdeen wanaag, isna uu sidii ku cafiyey dhammaantood illaa rag tirsan mooyee. Maantana waa halkii uun, nebigana ku dayasho fiican baa inoogu sugan.

Comments are closed.