Booliska Puntland oo qabtay Rag dhoofinayay xayawaanka Caasha-Baridda (DAAWO)

Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay Rag isugu jira Soomaali iyo Ajnabi, oo watay xayawaanka loo yaqaan Caasha-Baridda oo aad u fara-badan, taas oo ay kasoo aruuriyeen miyiga Puntland.

Xayawaanka Caasha-Baridda oo lagu soo qariyay talaagad, ayaa Booliska Puntland ku qabteen kantaroolka caasimadda Puntland ee Garoowe.

Ciidamada ayaa Raggii watay xayawaanka oo ahaa labo nin oo ah Soomaali iyo Carab, u taxaabay xabsiga, iyadoo ay socoto baaristooda.

Xogaha ayaa sheegaya in la doonayay in xayawaankan laga dhoofiyo garoomada diyaaradaha Puntland, si loogu iibgeeyo dalka dibeddiisa.

Taliyaha Qaybta Booliska gobalka Nugaal, G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in Ragga waday xayawaankan ay horkeeni doonaan Maxkamadda, si loo mariyo ciqaabtooda.

Kal hore, Somaliland ayaa gacanta ku dhigtay nin carab ah oo doonayay inuu madaarka Hargeysa kala duulo talaagad ay ku jireen boqolaal xabo oo ah xayawaanka Caasha-Baridda, kaas oo sheegay in qaar kamid ah dalalka Asia uu u iibgeynayay, lagana siisto calaa xabo $100 dollar.

Deegaanada Puntland ayaa waxaa horey uga taagneyd xasarad la xariirta dhoofinta dhirta, gaar ahaan Geed-quwaaxa, oo loo iibgeeyo dalka dibeddiisa, waxaana Maxkamaddaha Puntland kasoo muuqday Rag loo heysto, qaarkoodna loo xiray kiiskan, kuwaas oo ay ku jiraan masuuliyiin xilal ka haya Puntland iyo kuwa horey u soo qabtay.

PUNTLAND TIMES 

6 Comments

  1. Wallahi maanta waxaan halkaan uga baaqayaa qofkasto oo damiir leh in uu istigtaago halgan xornimo iyo difaaca waxa ALLAH manaafacaadka noogu hibeyay,Noole iyo Manooleba.Waxa Imaaraadka keenay dhulka Somalia waa in bilikiqaystaan kheyraadka dadkana duleeystaan.

    Waxaan halkaan baaq khayri caadi ah Ashb iyo Daacish iyo inta kale ee hubaysan reer baadiye dad kaleba ururo gaar ah Sameeya madaxfujis ee Carabta iyo kuwa xariga u hayo yool ka dhigto.Yacni ninka qorroto guranaayo waa kan ugu liito aan agoodin wax kale waayo kuwa kale carabta ayaa wixii kale ee waaweeynaa xirtay.
    Imaaraadka waa juuj wamaa juuj.
    Waar iska dhiciya Carabta.
    Diin,Diidiin,qorroto,mas,lo’,geel,ari,kalluun,macdan,Bad iyo barri,Dumar jaariyad iyo raqaba ah iyo wiilal calooshood u shaqaysto iyo madax isku sheeg ee usoo qabto una looge ah.
    Dhalkaan hala difaaco.

    Wallahi hadii lagu dhawaaqo halgan cusub oo urur gumeysi diid ah sida ugu dhaqso badan ayaan ugu biiri.
    Waxaan banaanka ka joogey wixii dagaal ahaa e dalka Soo maray anigoo u arkay ayaandaro iyo khalad laakiin midka shisheeye Imaaraadka waa waajib.

    • CM inaad jirtaba yaa ku og, dadka aan somaliland aqoonta u lahayn u sheeg beenta aad la wareegaysid, somaliland waa meesha ugu gaajeysan meel soomaali ku nooshahay, shaxaad ku nool, afkanoolayaal, bal ii sheeg waxa somaliland qabsatay, wadadii kalabayr ilaa berbera waa dhisaya dp world, magaalada hargeysa waxaa maalin walba isku deldela hooyo ama aabe caruurtiisa masruuf u waayey. Dhalinyaradii reer somaliland waxay tuban yihiin muqdisho, reer puntland oo aad jaar tihiin waxay dhisanayaan dekedo, airports, laamiyo, beero, dhirayn. Qodid ceelal iwm, mushaarka boliska somaliland waxaa bixisa UN, raashinka ciidamada waxaa bixiya itoobiya bal ii sheeg waxa aad qabsaday mudo 30 sano ka badan aan ka ahayn jaad ama qaad cunid.. what a looser….

  2. Puntland uun baad weli ka hadlaysaa oo federaalka Xamar ka kafaalo qaaday mushaharka Policeka,halka maliishiyaadka kale intaas gadood iyo cabasho mushahar la’aan ah u xidhaan jidadka,bankiyada iwm.
    Maxaa ku damqay ma runta?
    Casha badhi ayaanu qabanay like Somaliland Republic
    Kkkk

  3. Waar Imaaraad, Qadar, Sucuudi, iyo Yaman, waa ASHARAAF. Haddaad afka ku taagto, waxay kugu dacwaynayaan MAXAMMAD, markaasaa afku ku qalloocanayaa. Lafahaaga u baq. Waa la arki doonaa, askarigii qabtay xoolaha ay dhoofsanayeen waxaa la go’i doona dhulka oo liqi doona.

Comments are closed.