DAAWO: Xasan Sheekh ” Waxaan soo waayay Madaxweyne ahaan jid aan aheyn difaaca Qaranimadeena”

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka dalka, kaas si wadajir ah uga furmay xarunta KMG ah ee Golaha Shacabka BJFS ee Villa Hargeysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka jeediyay Xildhibaanada labada aqal hortooda khudbaddiisa Dastuuriga ah, isagoo diirada saaray guulaha laga gaaray halganka dalka looga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab, marxaladaha amni, dhaqaale, siyaasadeed iyo Beni-aadannimo ee ku gadaaman dalkeenna.

“Maanta Dalkeena iyo dadkeennuba waxay ku sugan yihiin meel aan ka noqosho laheyn, meel guuldarradu aanay boos uga bannaaneyn. Waxaan go’aansannay inaan u guntanno dagaalka dalka looga sifaynayo khawaarijta. Waan soo waayay jid aan ahayn in aan difaacno karaamadeenna , islaanimadeena iyo qaranimadeena” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh, ayaa intaa ku daray “Geba-gabada halganka maanta socda wuxuu dhali doonaa Aabayaasha Soomaaliyada cusub iyo geesiyaal ay Taariikhda xusi doonto, Sidaas darteed hoggaamiyeyaasha maanta waa inagee, yaanay fursadan ina seegin.”

PUNTLAND TIMES 

13 Comments

  1. Guulaha Xasan Shiikh sheegay aaway?
    Wadanka xeebahiisa,Dekedaha,airports,xuduudaha,hawada,diplomatic fronts,dhaqaalaha,security protection of his government all are under foreigners,dhamaan shisheeyaa gacanta ku haya!
    Hadda Imaaraadka ayaaba rabaa in xoog ku qaato wixii soo haray markii loo loogey!
    Xasan Shiikh guushiisa ma hub isugu dhiibita dadka abaarta diiratay baa?
    He is out of touch or he thinks everyone else is foolish,well the two houses are indeed as foolish.

    • Mr gaalo u gurguurte Xasan Sheekh oo aan ku qanacsanayn qaabka uu u socdo dagaalkii uu ku iclaamiyay Al Shabaab.

      Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si ka duwan sidii hore uga hadlay dagaalka uu ku iclaamiyay wilaayaatka Islaamiga ah ee Shareecada Islaamka lagu maamulo.
      Kadib 3 bilood oo uu gobollada dhaca bartamaha Soomaaliya ka socday duullaan cirka iyo dhulka ah ayuu Xasan Gurguurte muujiyay wax u eg quus.

      isagoo ka hor hadlayay xildhibaannada baarlamaanka labadiisa gole ayuu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagaxisada, Xasan kama muuqan xamaasaddii hore wax lamid ah ee wuxuu umuuqday nin daallan oo aan ladhacsanayn dib udhaca ku yimid dagaalkii uu isagu iclaamiyay.

      “Maanta dalkeena iyo dadkeennuba waxay ku sugan yihiin meel aan ka noqosho laheyn, meel guuldarradu aanay boos uga bannaaneyn, Waxaan go’aansannay inaan u guntanno dagaalka dalka looga sifaynayo khawaarijta.ayuu yiri Xasan Sheekh.

      Bilo ka hor ayuu madaxweynuhu ku goodinayay in ay soo afjarayaan oo ay dhabarka ka jebinayaan Al Shabaab,Xasan Sheekh wuxuu sheegi jiray in ay ucaddahay wadada guusha ee ay Jihaadiyiinta ku burburinayaan balse hadalkiisi shalay wuxuu ka muuqday laba labayn huggaam ku jiro.

      Hadalka hoggaamiyaha dowladda Federaalka ayaa yimid maalmo kadib markii ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Macaawisleyda oo ay taageerayaan diyaaradaha Mareykanka ay dib ugasoo gurteen dhul ballaaran oo katirsan gobollada Hiiraan, Galguduud iyo Sh/dhexe.

      Kaartada dagaal ee Al Shabaab ay ku wajahayso isbahaysiga Shareeca ladirirka ah ayaa larumeysanyahay in ay naafeysay dagaalkii uu iclaamiyay Xasan Sheekh.

      Falanaqeeyaasha ayaa aaminsan in dagaalka oo waqtigiisu sii dheeraado ay dhabar jab weyn ku noqon doonto DF-ka iyo xulufadeeda shisheeye halka Jihaadiyiinta oo uusan waqti ku socan ay guul ku xaqiijin karaan.

  2. Issa(ID
    Madaxweyne xasan khudbadiisa dastuuriga ahayd waxay shaaca
    ka qaaday, qorshihii boobsiiska,talo la’aanta,iyo degdeg ahaa
    ee uu dalka hawlihiisa ku bilaabay,taas oo dhinac ka rartay
    mamulkisa, mucaarad badam u sameysay,inta badan madaxweynaha
    siyasadisa arrimaha Gudaha iyo Dibadda ma leh jaangooyo iyo
    qorshe maalmeed taxane ah oo la hubo,kalsooni badane kama
    heli doono Madaxda Dawlad Goboledka,inta uu Mucaradkoda wato,
    Sidaa awgeed waxaan talo ahaan u soo jeedineynaa inuu raaco
    oo uu u fuliyo qodob qodob hishiiskii fadhigii u danbeeyay
    ee (Golaha Talada Dalka)waa xalka siyasada dalkii federaaliya,
    Fiiro gaar ah, Madaxweynuhu waa inuu Biixi ku qasbo doorasho,
    Mucaaradkame u garaabo oo sifo walba u caawiyo, wbt

    • Issa(ID)
      Waxaan ka afeefanayaa oo weli socda,arimihii burcad-nimada
      ahaa ee dhaca,lahaanshaha bage-ka,iyo maqaalka waa farsamo
      sanbi ah wax walba waa (All rights reserved)
      waa ninkii 5 magac lahaa oo wax qasi jiray(War hooy joog)wbt

      • Issa(ID)
        Burhaan 5(Shantii) Magac iyo koopigii, waxaad ku darsatay
        Nagac lixaad oo ah(Geelle Faarax) oo aad qortay 15.mov.22
        1O.49 pm, oo aad igu cayday, hadane maqaal walba TOPIC-ga
        ayaad sawir ku badaleysa(Cabdalla shideeye cusub) lagu
        ogaa saaxiib,madashi way tashan, wbt(Cay danbe Mabnuuc)wbt

        • Issa
          Haddii aan rabo in aan ku caayo magaceyga ayaan kugu ceynaa. Adiga oo kale ma ihi fuley xaar weyn reer baadiya ah.

      • kkk xasan tuug qabiilkaada aad ka dhalatay dhulalkii ay dadka soomaaliya lahaayeen ayey dhacaayaan oo raali ugu tahay adigana xoolihii umadaadhacday aaway qarankaa difaacaysid

  3. Waxaan soo waayey Madaxweyne ahaan jid aanan ahayn difaaca Qarankeena!! Kkk
    War Culusoow markii hore ma jid kale oo “Toobiye” ah ayaad raadisay? Kaas oo ah, kan Qabyaalada ee aad ku caan baxday!

    Rarka si dhab ahi loo hadlo, adiga iyo Muuqdishaba dhibaatada Soomaliya haaysato ayaad kamid tihiin!

    Fallaartii Cirka loo gano, ugu dambeyn waa tii dhulka ku soo dhaxdo!

    Habeenkii Culusoow la doortay nin dhalin yaro ah oo Dadka Garoowe ku nool ah oo Doorashada wax laga weeydiiyey wuxuu yiri!

    Cuqubo aan galay iyo Karbaash Rabbaani ahi in uu nagu socdo waxaan ku gartay, Culusoowgii aan naqaaney ayaan haddana Madaxweyne u dooranay!

    Hadalka wiilkaasi ku cibro Qaadasho ayuu mudnaa!!!!

  4. When we criticize leaders of the Somali government, let be criticizes constructively, not destructively siding in favour of the group

    • @@@Ahmed Hersi,
      Please give us an example of constructive criticism?
      In what aspects and situation? YACNI shibarayahaw heesa hees wanaagsan heesa,ma sidaa ayaa rabtaa?
      Adoo laguu talinayo waa taliyaa ma oran kartaa?

  5. Xasan Garguurte,aan Tallo ku siiyo adiga iyo Soomaaliya Maryooleeyda kale Jidka kaliya oo aan ku badbaadi karno waa ku dhaqanka shareecada Islamka, haddii aad diidaan Adduunkan dhibkan ku jira, Aakhirane Cadaan.

  6. Issa(ID)
    Soomaalidu waxay tiraa (MAJO DHOOQO,MIDBA MAR BAA LA SIIBAA)
    Aragtida Ansixinta xeerarkan,waxaan qabaa waqtigan inaysan ku
    habooneeyn maadaama dalku dagaal hubanti la’aan galay, dadka
    dagaalku u dhaxeeyana yihiin shacab iyo Argagixiso (Salada’ah)
    Oo si walba u tababaran, sidaa awgeed waxaa haboon in la ,
    (1) In la xadiddo kaalinta shacabka,
    (2) In la hawl geliyo ciidanka,
    (3) In dagaalku meel walba isku mar laga bilaano,si
    aysan argagixisadu fursado guur-guur ah u helin,
    (4) in ciidanka saad,hub,dawo,iyo ta’kilo loo qorsheeyo,laguna
    dhiiri-heliyo (JIIDAHA DAGAALKA) oo lala cunteeyo,
    (5) In sharciyada la xiriira Ciidanka la adkeeyo sir,anshax,
    Ama-qaadasho guud ee xiliga dagaalka(Wake uo)(Stand by) wbt

Comments are closed.