DEG-DEG: Taliyihii hore ee Booliska Puntland oo la amray in la xiro

Sida ay ogaatay Puntlandtimes, Amar aan la shaacin oo kasoo baxday Maxkamada ciidamada Qalabka sida Puntland ee fadhigeedu yahay magaalada Garoowe, ayaa lagu faray Hay’addahaAmniga Puntland in lasoo qabto, isla markaana la horkeeno sharciga, Taliyihii hore ee Booliiska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) iyo saraakiil kale oo hub ku haysta Garoowe.

Amar hubka dhigis guud ah oo ka dhan ah siyaasiyiinta kasoo jeeda goofka Garoowe oo ay u tun wayn-yihiin kooxda Aaran-Jaan ayaa la faray saraakiisha daacada u ah Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Taliyaha hore ee Booliska Puntland Gen. Cabdi Yare oo wada hub urursi, ayaa xirtay qaar kamid ah wadooyinka xaafada Halgan ee magaalada Garoowe, halkaas oo uu ka dhigtay deegaan iyo difaac oo iskaga caabiyo damaca Siciid Deni.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna MadaxweynekuxigeenkaPuntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa waxaa horyaala xaalad culus, waana markii 2aad ee Siciid Deni oo ka maqan Puntland uu amar baxsho, Axmed Karaash-na uusan door hoggaamin qaadan.

PUNTLAND TIMES 

8 Comments

  1. Yaaaaaaaab !!!!!!!!
    Markuu joogo deni muxuu amarka u bixin waayaa???? Oo marka uu dalka ka maqan yahay amarka u soo saaraa????
    Hadhowna karaash loo odhanayaa amarkii ma aanad fulin!!!!!

  2. kkk yaa ku dhaco oo ciise maxamuud weerari karo ma ilmo diyaano ayey ka duwan yihiin oo diiday dulmiga saciid dani hada waxuu rabaa inow dhiiqo lugaha u galiyo karaash laakiin karaash waa nin caqli badan oo damaca dani fulinaynin

  3. Wallahi waa ka xumahay in Puntland haatan ku mashquulto sheeko iyo dagaal iyo wixii dad kale lagu yiqiin ee ahaa UnnuKaa leh,Garoowe ma heer unnukaa leh ayay gaadhay? Ma geel ayaa banaanka Garoowe lagu qalan doonaa?

    Howlo badan muhiim ah ayaa jira oo fiican in lagu mashquulo.Wado dhis iyo warshado dhis ayaa ku haboon in laga doodo.
    Waar shacabka karaameeysay e Puntland fadhlan kartidii iyo yoolkii yaan laga leexan.

    UNNUKAA LEH waa jaahilnimo Quraankaana Xaaraantimeyay.

  4. cisa riyoole meel fariiista horomarka garowe ka socda melkale kama socdo laba meelood ayaa dhaqaalaha puntland ka soo xeroon jiray bosaaso iyo garowe. bosaso niman layiraado cali saleeban ayaa looga cararay daachish iyo ashabaab ayeey ku biireen guri fooqa bosaso ka dhisa labaatan kun ayaa ku helin garowe dhul banaan 50kun ku helimeeysid hadaad nicmada arkii weeydaan garacd ayaa loo guurin labatankii saniba meel ha camiranto marakan waa in lacamira mudug kolay markii la camiro unukale ayaa ka dhicin somali nicmo ma xejisan karaan borthers yoolkeeno waa garacd kan hawa fiican kana dad wanaagsan

Comments are closed.