DEG-DEG+AKHRISO: Aadan Madoobe oo soo saaray habraaca doorashada kuraasta BFS ee banaan

Sida ay goor hore ee maanta baahisay Puntlandtimes, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur ayaa soo saaray habraaca loo marayo doorashada kuraasta banaan ee Golaha shacabka.

Waraaq kasoo baxday kulan ay yeesheen maanta Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS, ayaa lagu sheegay in la go’aan habraaca loo marayo doorashada kuraastan.

Habraaca Aaden Madoobe ku saxiixan yahay, ayaa awood siinaya Xaafiiska Ra’iisul WasaarahaXFS oo ka wakiil ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre magacaabi doonaa guddi u soo gudbiso Villa Soomaaliya.

PUNTLAND TIMES