DEG-DEG+DAAWO: Mucaaradka Somaliland “Muuse & Xukuumaddiisa uma aqoonsanin mid sharci ah”

Xisbiyada mucaaradka ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay in aysan Somaliland ka jirin dawlad sharci ah, ayna u aqoonsadeen Muuse Biixi Cabdi ‘Madaxweynihii muddo-xileedkiisu dhamaaday iyo Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye’.

Go’aano goor-dhaweyd ay soo saareen xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI & UCID, ayay ku sheegeen in aysan wax sharciyad ah heysan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Golihiisa Wasiirada, waxaana ay intaa ku dareen in Baarlamaanka Somaliland, Maxkamaddaha iyo dawladdaha hoose ay yihiin cida kali ah ee heysata sharciyad.

Waddani iyo Ucid ayaa ugu baaqay Ciidanka qalabka sida ee Somaliland inay u hoggaansamaan Dastuurka Somaliland, ayna ka fogaadaan wax kasta oo ka baxsan.

Sidoo kale, Beesha Caalamka iyo Shirkadaha caalamiga ah ayay uga digeen inay heshiisyo la galaan maamulka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambeyn, Shacabka Somaliland ayay ugu baaqeen inay is dajiyaan, iyagoo sheegay inay wadi doonaan abaabul bulsho, ayna wax kasta oo soo kordha la wadaagi doonaan shacabka.

Maanta oo ah 13-November, ayay ku ekeyd mudada xil heynta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa, waxaana guuldareystay dadaalo la doonayay in heshiis la xariira doorashada Madaxtooyada ay ku gaaraan Madaxweyne Biixi iyo madaxda xisbiyada mucaaradka.

Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, oo ah Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa la wadaagay go’aanada saxaafadda.

PUNTLAND TIMES 

15 Comments

  1. Nabad qiimaheeda cidaan u baahan ayaa ogayn.Waxaan Reer Waqooyi kula talin lahaa ha iska burburina nabadaa yar.
    Maxaad rabtaan in banaanka Hargeisa Geel ku qalataan?

  2. Idoorku Waligiba Wuxu isku Heystey Iskuna Heystaa BRITISH Bal ineey shageyso Demogratiga nagu wareriyeen
    Inu shageeyo iyo ineey isku misaan sidii horeyba iskugu miseyn ee MARYO OLOOL EEY SADEXDA HABROOD TIMAHA ISJID JIDEEYN

  3. Garxejis oo maamulkii Muuse Handaraab kala noqday kalsoonidii iyo Muuse Handaraab oo yiri loo joojinmaayo waayo tayadaa xun.
    Saleebaan Gaal mar labaad talo ha keeno.

  4. Garxejis oo maamulkii Muuse Handaraab kala noqday kalsoonidii iyo Muuse Handaraab oo yiri loo joojinmaayo waayo tayadoodaa xun.
    Saleebaan Gaal mar labaad talo ha keeno.

  5. Marka uu qoys kasta inta maro midabo badan meel ka taagto uu isu maleeyo in uu dwlad yahay foolxumo ayeey ku dambeeysaa!

  6. Issa(ID) Dawladda federaaliga ah waa inay kalsoonida Gobolka
    waqooyi galbeed kala noqotaa, sababo badan awgood,muuse biixina
    sharci ahaan u laasho maamulkiisa, wixii dhacana masuul uga
    dhigto maadaama uu diiday doorasho waqtigeeda ku dhacdo oo hufan,
    Isla markana uu dadkii ku xasuuqay mudaharadkii dhacay,xabsigana
    ku guray Aqoonyahanadi, indhee-garatadii iyo mucaaradkii,asagoo
    hab digtatoori ah,rabo inuu awooda shacabka ku maquuniyo.beesha
    caalamkane waa inay muuse u aqoonsato (QAS-WADE) GOBOLEED wbt

  7. Cadawga Somaliland dhuusadii baa ka dhamaatey waar yahuuu Jamhuuriyadda barakeysan ee Somaliland wax ba yeeli meysaan.
    Viva Somaliland

  8. Ibrahim,
    Waar annagu in wax la yeelaba doonimaynno, bedelkeeda waxaan jeclaan lahayn in arrinka is afgarad lagu dhammeeyo. Runtuna waxaa weeye kulli fidnah cindal Muuse Biixi. Dee doorashadii ayuu qaban waayey.

  9. Issa(ID)
    Qaldaanoow hadaad biixi ku darsado,xaashaa dhedig lama gurano,
    hadaad diidaane,oo idin buufiyo wixii baxsad ah, waa noo magan
    ee xaashaa,inta u dhaxeysa xeeshaad la timaadaana rag baanu u
    nahay,oo caydu raga waa ku ceeb,dunarkuse waa ku ciil baxaan,wbt

  10. Zoomaaliland showing its true face, Iidoor 3da magaalo ay ku heshii la’ yihiin …. shacabkiina beentay 30+ u sheegayeen waxay ku soo dhamaatay in ay yihiin maamul goboleed la.m8d ah hirshabele.iyo galmudug

  11. Zoomaaliland showing its true face, Iidoor 3da magaalo ay ku heshii la’ yihiin …. shacabkiina beentay 30+ u sheegayeen waxay ku soo dhamaatay in ay yihiin maamul goboleed la mid ah hirshabele.iyo galmudug

  12. habar joonis dhulka fitanka kada somalidi itoopianka ahaa somalidii asliga ahaa dhulkii iyo shaqooyinkii ka qaaday muse biixi waa nin wadaka dhisaaya horomar rabana iskaashi somali dhexdeeda la raba joojya dhibta hadii maanta hargeeyasa burburto puntland burburka waa soo gaarin walaalayaalo nabad ayeey ina deeeqda muslim ayaynu nahay intaas sano is dileeynay haduu dhiig wax taraayo anagu reer puntland kheey baanu ini la jeclnahay iyo deris waanaag

    • @ash
      Waxan ku weydiiyey somaliland wanaag iyo nabad waad la jeceshihiin!!!!
      maxaad kuwa aad isku wadanka tihiin ee koonfurta iyo muqdisho ula jeclaan weydey nabadaad sheegayso??? war iyaga somaliland la jeclaysta burburka iyagay suurta gal tahay inay barxada garoowe idiinku yimaadaane kkkkkkkk

  13. Miiska wadahal ka iyo nabad wax kafiican lawaa somali cashar ka barta. Shaydaamadii shababo intaysan idin soogarin. Muuse handaraab kiina iska deysta xal kale hada weysaan.

Comments are closed.