DEG-DEG+DAAWO: Somaliland oo ku hanjabtay burburinta ‘Degmada Boocame’

Maamulka Somaliland ayaa ku hanjabay in uu burburin doono degmada Boocame ee gobalka Sool, oo dhowaan ay kala wareegeen Puntland.

Abaanduulaha Qeybta 7-aad ee Ciidanka Somaliland, Ibraahim Ashkir ka hadlayay gudaha Boocame ayaa sheegay in Puntland ay keentay Boocame dhaqaale la doonayo in lagu furfuro Ciidanka Somaliland ee qabsaday magaalada, taas oo uu horkacayo Wasiirka Duulista Hawada Puntland.

Somaliland ayuu sheegay in aysan marna aqbali doonin in doorashooyin qof iyo codka ah ee degmooyinka ay ku qabato Puntland, isagoo sheegay inay la dhici doonaan magaalada hubka culus, ayna dhulka la simi doonaan haday taas dhacdo.

Ciidammo dhowaan ay Puntland kusoo bandhigtay duleedka Boocame, ayuu sheegay Abaanduule Ibraahim inay u joogaan Somaliland si ay u dhabar jabiyaan Ciidanka Puntland ee ku wajahan Boocame.

Puntland ayaa abaabul dagaal ka wada duleedka magaalada Boocame, waxaana dhowaan gaaray saraakiil uu horkacayo Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland, kaas oo Somaliland ku eedeeyay taageerada argagixisada.

PUNTLAND TIMESΒ 

4 Comments

  1. Jamac siyaad ma dhulbahanta lo soo diray inay duleeyaan oo kaalay maxaa u diiday sida qolada warsangeli oo yiri waxaanu nahay saldano fac weeyeen magac iyo maamuus leh sharafta warsagele cidkale qabiil sheeganaaya uma dowladeeyaan qabiilada dhaqanka yuhuuda leh yaqaan maracinta gaalada sax ma’ah j/siyaad in loogu sheego khamriga waa xoor geel ilaa lugu baabiyay jamac siyaad war reerku ma noola wili ma’arg rag abasax saas u’ah oo sharftii reerkooda majin qaada dhala khamriya siistay dhaqan xumo iyo makhnuuda haka bara qabiil kula mida calan somalia dushaada babanaaya mj iyo idoor midana ha hoosteegin calankii bluuga ahaa ayaa hortaada ka bilig biligleh labada maaamuul dhulkooda dhisanaayaan dee adna kaaga dhiso waxa dhimanaaya labada dhinac waa dhulbahante haduu rabo idoor kiligiis yoocada ha tago maxaa ku soo raaciyay isagu caqalmka ayuu wax uga cuna j/s waa gunta dhulbahante ayaan maqli jiray
    o

  2. Soomaalidu waxay ku mahmaahda waa la doogine yaan la dacaroon ninkaani wuxu yiri waa wilashi dhabarka idinka toogan laha. Arintaan ah dhabarka laga tooganaya horay bay dhacday oo raag babarka laga toogtay oo aan la isweydiin. Waxana anigu markhati ka ahay in gobolka sool tarikh xumo ka dhacday labatankii saano ee ugu dameyey. War hooy yaan la doogine yaan la dacaroon.

  3. Adaa rabigaa rasaas ka baryee ku raaxeso renka kaaraha. From πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄somalia

Comments are closed.