Dood adag oo ka taagan doorashada kuraasta banaan ee Golaha Shacabka BJFS

Guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ayaa maanta ka dooday buuxinta Kuraasta golaha baarlamaanka 11-aad ee banaan, waxaana ay isku hayaan soo saarida qaraar guddiga ka yimaada.

Gudoomiyaha golaha shacabka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ku doodaya in qabashada doorashada Kuraasta banaan ee golaha baarlamaanka ay tahay, in lagu soo doorto deegaan doorashadooda ayna doortaan 101 qof, iyadoo ay shaqadaas qabanayaan Maamul gobaleedka iyo Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo leh korjoogteyn, waana soo jeedin katimi Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Aaden Madoobe ayaa ku doodaya in la kala diro guddiga doorashooyinka Madaxa banaan ee ay hogaamiso Xaliimo Yareey, iyadoo ay qorshahan gadaal kariixayso Villa Soomaaliya.

Dood kale ayaa garab socota oo ah, in qaraarka Kuraastaas doorashadooda loo daayo guddiga Madaxa banaan ee doorashada ee ay Xaliimo Yareey hogaamiso.

PUNTLAND TIMES