GORFEYN: Qorshaha Imaaraatka Carabta ee kordhinta joogitaankooda Puntland

Dawladda Imaaraadka Carabta qyaa bilowday qorshe xooggan oo ay ku kordhinayso joogitaanka deegaannada Puntland, kaddib ogalaanshiyo ay ka heleen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Imaaraadka ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ku daabulayay magaalada Boosaaso hub culus, gaadiid dagaal iyo ciidammo calooshood u shaqeystayaal ah, kuwaas saldhig weyn ka sameysanaya goballada Bari, Gardafu iyo buuraleyda Sanaag.

In ka badan 30 duulimaad oo ah diyaaradaha Imaaraadka Carabta ayaa ka degay Boosaaso, halka ay Dekedda Boosaaso ku xirteen maraakiib sida gadiid dagaal iyo guryaha guurguura ee ka sameysan “Kunteenarada”.

Haddaba, Muxuu yahay Qorshaha Imaaraatka Carabta ee kordhinta joogitaankooda Puntland, Qorshahooda cusub iyo Qeylo-dhaanta bulshada ka imaanaysa ?

PUNTLAND TIMES 

4 Comments

  1. Imaaraadka wuxuu aaminsanyahay in ummada Soomaaliyeed howada kasii baxayso oo shuruudihii burbur qoowmiyad dhamaan buuxisay,sida in ummaddii la kala ququbay,la baday aqoon la’aan,dadkiina laga dhaadhiciyay Islaam baa tihiin laakiin waxaa fiican in aad sida kalaabyada kubadda cagta kooxkoox noqotaan.Dadka kala dhaxlaan foowda iyo hadaflaan kaas oo aakhirka horseeda in qowmiyadaa lasoo duldego oo laga qaato dhulkooda.
    Imaaraadka wuxuu rabaa gumeysi cusub oo is ballaarin ah.
    Waxaa jira qaacido dhahayso,Hadduu wadan yaryahay ee Qanni yahay wuxuu yeeshaa hami wayn oo dhul ballaarsi si difaaca sahal u noqdo iyo jiritaankana u raago,wadanka wuu isballaariyaa
    Ciidamo caalooshood u shaqaystana uu abuurtaa.
    Tusaale waa sida :Kubad Rigoore laguu dhigtay ama kubad meel fog laga soo laaday! Yacni adigaba qiyaas.

    Nasiib darro se tii maryooley ahayd garaaho fog ma leeyahay?

  2. Nasiibdarro Soomaali min Berbera ilaa Kismaayo iyadaa Imaaraat kal hororsanaysa. Imaaraat waxaa ka go’an inaan dekadaha Somalia horumar sameyn si aanay suuqa uga saarin kuweeda luuqa ku jira amase baylahda u ah in Iran go’doomiso.
    •Reer Puntland labo arrimood midna yaanay yeelin: in ciidan shisheeye oo Imaaraat ka amarqaata oo leh awood ay wax ku muquuniyaan aan loo oggolaan ciidda Puntland. Tan labaad, in haddii ay ciidan Soomaali ah qoranayaan aan oggolaan kuwo ka yimid meel aan Puntland ahayn.

  3. Issa(ID)
    Siyaasad walba waxay leedahay waqti(Terminated time) sidaa ayeey
    tii (FORNAAJO U FUUNTOWDAY),waxaan arkay inti dhadhanka ku raacay
    ee wax garan karay wey dhuunteen,laakiin intii uu horay u duleyay,
    weli waa u raran yihiin,kuli cilaan iyo cadar bey leeyihiin waa
    wada (XABIIBA IYO MALYUUN),Ceeb danaha puntland cid wax laga weydin
    ma jirto,madaxdii loo doortay ayaa taladeeda leh, wbt

Comments are closed.