Madaxweynaha Puntland oo war kasoo saaray geerida Guddoomiye Abees

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Muuse Xaaji Siciid Muumin (Abees) oo kamid ahaa aasaasayaashii Puntland.

AUN marxuum Muuse Abees oo soo noqday Guddoomiyaha gobalka Bari ayaa ku geeryooday dalka Mareykanka. War uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu Madaxweyne Siciid Deni alle uga baryay marxuumka inuu hoygiisa ka yeello jannatul Fardowsa, samir iyo imaana ka siiyo qoyska iyo ehalada uu ka baxay.

“Alle ha u naxariisto Muuse Xaaji Siciid Muumin (Abees) Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari kana mid ahaa Aasaasayaashii Puntland oo ku geeriyooday Dalka Maraykanka, wuxuu ahaa masuul xafiisyo kala duwan heer Soomaaliya iyo Puntland ugusoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa.

“Arrimaha Bulshada ayuu sidoo kale kusoo shaqeeyay, Sida Warbaahinta iyo maamulka Isbitaalka Guud ee Boosaaso, wuxuu ahaa shakhsi kaalin muhim ah Bulshada ugu jira, Waxaan Tacsi u dirayaa dhammaan eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday , Alle Marxuumka ha u danbi dhaafo oo janadii ha geeyo, Aamiin.”

PUNTLAND TIMES 

1 Comment

  1. Issa(ID)
    Inaa lilaahi wa inaa ileeyihi raajicuun,geeridu waa xaq,naf
    walbana waa la kulmeysaa, Shacabka puntland waxay tacsi iyo
    tiiraanyada la qaybsanayaan qoyskii uu ka baxay Maexuum Muuse
    xaaji siciid muumin(Abees), oo Marykanka ku xijaabtay, waxaanan
    I(laajey uga barye3eynaa Janatul fardowsa iyo danbi dhaaf,anagoo
    idilne samir iyo iimaan saadiq ah, Allaha naga siiyo Aaamin ,

    anaga oo idilne samir iyo iimaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*