Natiijo cayaareed oo dunida ka yaabisay – Argentina VS Sacuudi Carabiya

Natiijo cayaareed oo sanado badan ay taariikhda xusi doonto ayaa ka dhacday magaalada Lusail ee dalka Qatar, halkaasi oo uu ka socdo Koobka Kubadda Cagta Adduunka 2022.

Dalka Sacuudi Carabiya ayaa guul taariikhi ah ka gaaray dalka Argentina oo ay isku arkeen cayaar ka tirsaneyd Group C, ayaga oo kaga adkaaday 2-1.

Ma jirto cid fileysay in Sacuudiga ay ka adkaan doonaan Argentina iyo Lionel Messi, oo dad badan ay u arkaan cayaaryahankii ugu wanaagsanaa ee abid cayaara kubadda cagta, taa beddelkeed waxaa su’aasha ay ka taagneyd imisa gool ayaa laga dhalin doonaa Sacuudiga?

Daqiiqaddii 10-aad ee cayaartaba, waxaa durba xisaabta dhallinta billaabay Argentina, oo Lionel Messi uu u dhaliyey rigoore, waxaana kadib filashadu ay aheyd imisa gool ayey Argentina raacin doonaan.

Argentina kadib waxay dhaliyeen saddex gool, oo dhammaantood la diiday sababtoo ah waxay ahaayeen dhinac ka bax ama offside, waxaana qeybtii hore ee cayaarta ay ku idlaatay 1-0 oo Argentina ay ku hoggaaminayeen.

Hase yeeshee, qeybtii labaad ee cayaarta ayaa dunida waxay aragtay wax maalmo, toddobaadyo, bilo iyo sanado badan laha sheekeyn doono. Sacuudi Carabiya ayaa dhalisay laba gool oo deg deg ah, daqiiqaddii 49-aad iyo 53-aad, oo ay kala saxiixeen Saleh Al-Shehri iyo Salem Al-Dawsari.

Argentina ayaa kadib billaabay weerar badan, balse Sacuudiga ayaa si qurux badan u difaacatamay, waxaana kabtan Messi iyo kooxdiisa ku adkaatay inay mar labaad taabtaan shabaqa Sacuudiga oo ay dhaafaan goolhaye Mohammed Al Owais.

Argentina ayaa kubadda haysatay inta badan cayaarta ama 69%, halka Sacuudigu haysteen kaliya 31%, balse waxba waa ku tari waayeen.

Sacuudigu waxay gaareen guul taariikhi ah, Argentina waxay calaamad su’aal weyn saareen haddii ay sax aheyd saadaasha dad badan oo aheyd inay sanadkan hanan doonaan koobka.

VOA

PUNTLAND TIMES

6 Comments

  1. Xaalada Argentina πŸ‡¦πŸ‡· iyo Saudi Arabia waxay ka mid tahay dhacdooyinka aaqirzamankii aduunka waayo

    Yaa is lahaa siyaad bare gadaashii ayaa adoontii ay somalida ay adoonsan jireen 200 kahor ayaa maanta villa Somalia madaxweynihii qaranka dhafoorka qori uga haaya kk
    Waa xaal adoon la yaab malahan (waa tilkal ayaam )

  2. Yaa is lahaa Haraadigii Mujrimkii Afweyne Ilkayar, dhulmahante, leelkase, awrtable iyo warsangali nacalatullah ayaa inta xamar 2017 Qooto Qooto ku imaan doona πŸ˜…πŸ˜…πŸ˜‚πŸ˜…πŸ˜…πŸ˜…

  3. Mr Faarax
    Waxaad tahay jaahil aan hadana akhlaaq iyo dadnimo lahayn.
    Waxaad aaminsan tahay adoonsi iyo in dadka ilaahay Kala sareeyo, waxaan cabsida ilaahay ahayn adoomahu kuma Kala sareeyaan, dad oo dhana waa adoon eebe.
    Ilaahaa u toobad keen intaysan kugu noqon “too late”.

  4. Soomaali maryoolay iyo qabyaalad yaa u garnaqi doona?
    Diin iyo caqli waxaa u noqday qabiil iyo eex.
    Dufku baxa wallee Soomaali ayaan caqli keenin.

  5. Ssma+jecle@
    Sxb adoonsiga hadaadan macnihiisa garaneyn ee miyaadan oganyn in asxaabihii diinta na soo gaarsiiyay qaar kamid ah la soo adoonsan jiray iyo nabiyada qaarkii la soo adoonsaday sida nabi yuusuf rcn iyo kuwa kale oo la mid ahaa ee adoonsiga wuu jiri jiray hadana wuu jiraa isagoo casri ah , aan kula kaftame adiga ma is ogtahay in aad addonsi dadban aad ku hoos nooshahay ?? Kkk

  6. Issa(ID
    Argentina iyo (Messi 1O) guuldarada ku dhacday waxay u dhiganraa tii
    (The burning Suttle with Jewish astronauts) January 2O15(Waa mucjiso)
    rabaani ah ,Calanka towxiidka leh ma guuldareysto, masha Alla (Wbt)

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*