NISA xabsiga dhigtay Mustafe Caanood oo taageeri jiray Al-Shabaab + AKHRISO XOGTA

Ciidamada Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa xabsiga u taxaabay Mustafe Cali Caanood, oo caan ku ahaa faafinta fikirka tagfiirka.

Howlgal ay Ciidanka NISA ka sameeyeen deegaanka ceelasha Biyaha oo ku dhow Muqdisho ayay kusoo qabteen ninka, oo baraha bulshada ku faafin jiray fikirka xagjirka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada Amnigu qabteen Mustafe Caanood, oo faafiyay fikirka khawaarijta, xilli uu doonayay inuu ka baxsado deegaanka Ceelasha biyaha.

Sidoo kale, Dawladda ayaa sheegtay in farriimaha Mustafe loogu talagalay marin habaabinta bulshada, iyadoo ballanqaaday in la horkeeni doono laamaha cadaaladda.

Hoos ka Akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

MUQDISHO 14 NOVEMBER 2022, Ciidamada Amniga ayaa soo xiray Mustafa Cali Caanood oo ah Shaqsi faafiya Fikirka Khawaarijta.

Iyada oo laga duulayo go’aanka dowladda ee la xiriira ciribtirka fikirka marin habaabinta ah ee kooxaha Khawaarijta ah ayaa Ciidamada Amnigu waxa ay xalay oo ku beegnayd 13-11-
2022 soo xireen Mustafa Cali Caanood oo ah shakhsi caadeystey fidinta fikirka Khawaarijta.

Hawlgalka lagu qabtay Mustafa ayaa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana laqabtay xilli uu isku dayay in uu ka baxsado Ciidamada Amniga.

Mustafa Caanood ayaa ah shakhsi caadaystay faafinta fikirka Khawaarijta, waxaana fariimihiisu ahaayeen kuwa loogu talo-galay in lagu marin habaabiyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Mustafa waxaa la horgeyn doonaa sharciga si loogu soo oogo dembiyada lagu eedeynayo.

Dawladda Soomaaliya waxeey mar kale ku celinaysaa in ay mamnuuc tahay nooc kasta oo ah faafinta iyo dhiirigalinta afkaaraha qalafsan ee Khawaarijta, afkaarahaas oo inta badan loo
adeegsadey in lagu laayoboqolaal shacab ah oo aan waxba galabsan.

Waxaa kale oo reeban nooc kasta oo ah la macaamil iyo gacansiinta Khawaarijta naf la caariga ah.

Dawladdu waxay uga mahad celinaysaa shacabka Soomaaliyeed doorkooda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

-DHAMAAD-

PUNTLAND TIMES 

6 Comments

    • Waxaa layiri haddii geeljire geeliisii ka tago oo midkale raaco waxa keliya ee usoo kordhaa waa hashaana magaceed.
      Haddaba bulshada Soomaaliyeed oo iska ahayd dad reer guuraa ah waxa ay dimuquraadiyadda reergalbeedka ka dheefaan waa madaxweynahaana magacii? Waa Cabdillaahi Yuusuf.

      Waa Shariif, waa Xasan Sheekh iyo waa Farmaajo. Beryahan dambe waxa se soo korodhay arrin kale oo ku cusboonayd saaxadda siyaasadda; xataa haddii ay jirtey sidaan oo kale ma ahayn. Malleeshiyo Macawisleey la yiraa ayaa la bilaabey si ay ugula dagaallamaan Islaamiyiinta, macawisleey magac keliya ma aha ee waa qabiil ay madaxdoodii isku raaceen la collaytanka Islaamiyiinta. Dabcan Islaamiyiintu in badan bay ka warwareegeen la dagaallanka beel Soomaaliyeed balse ugu dambayn dagaalka waa lagu qasbay.

      Macaawisleyda oo Mareykanku taageero dhaqaale iyo mid hubeed uu siinayo mashruuceeda waxaa iska diiday inta badan beelaha Soomaaliyeed balse waxaa qaatay dhowr jufo oo deggan deegaanno dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

      Haddaba sidee urur jabhad ahi ula falgali karaan dagaal beeleedyada misana guul uga gaari karaan? Taasi waa su’aal taagan. Waxa kale oo jira in dad caammo ah amma dhallinyaro u badani ay la caaddifad yihiin Islaamiyiinta, kuwaasina sidee u dhaqmi karaan marxaladdan lagu jiro? Iyana waa su’aal taagan. Weydiimahaas ayaa keenay in la qalinka lagu duugo qormadan oo ay meel mar noqoto insha Allah.

      Nin aanu saaxiib nahay baan maalin la wadaagey fikirkayga ku saabsan in qabiil xadgudbey la edbin karo asse aan la caayi karin dabadeed waxa uu igu raacey fikirkii isaga oo waliba ii soo qaatey maahmaahda Soomaaliyeed ee aan qoraalkan ciwaanka uga dhigey.

      Nebiga CSW ayaa maalin ku yiri saxaabadiisii “Cikrima ayaa idiin iman doona ee aabbihii haku caayina.” Sida oo kale nebigu waxa uu dareensanaa sida ay qofka u dhaawici karto in xumaanta aabbihii la sheegsheego isla markaana hibadiisa iyo waxqabadkiisuba u lumi karo. Bal qabiil dhanna maxaad u maleyn! .

      Qiso kale ayaa jirta; berigii nebiga tolkii ay raaci diideen ayaa uu naftiisa kula shawrey bal in uu dhankaas iyo Daa’if u kaco. Waxa uu rajaynayey in ay dacwaddiisa dhegaystaan reer Daa’if ka dibna jaal u noqdaan; taas runtii aad buu ugu hungoobey oo waxma-garatadoodii ayaa ay ku direen. Nebiga SCW maalintaa si xun oo foolxun ayaa loola dhaqmey, dhaawacyo nafeed iyo mid jidheedna waa la gaarsiiyey.

      Haddaba nebigeenna oo xaalku sidaa ku yahay arrintuna ku culus tahay ayaa loo soo direy malaggii buuraha. Malaggii waxa uu nebiga ka codsadey in uu amro haddii uu rabona uu buurahaas ku dhirbaaxo karo reer Daa’if, laakiin nebigu waa ka diidey, waxa uuna ku yiri hadal macnihiisu ahaa “waxa aan rejaynayaa in dhabarkooda ay ka soo baxaan kuwa diinta Ilaahay u gargaara”.

      Ugu dambayn waxa la arkaa in Ilaahay nasri keeno oo guushaas wax badan lagu illaawo, sidii maalintii uu nebigu furtey Maka. Waxa jirtey in dadkiisii dhibaatada u geysan jirey wakhtigii uu tamarta darnaa uu weydiiyey “Maxaad iga maleysanaysaan?” dabadeedna ay yiraahdeen wanaag, isna uu sidii ku cafiyey dhammaantood illaa rag tirsan mooyee. Maantana waa halkii uun, nebigana ku dayasho fiican baa inoogu sugan.

  1. Zizi Masar ayuu Xasan Shiikh koobigareenayaa.walle Somali waan in qof qof la isu difaaco.Xasan Shiikh muxuu rabaa fikirka boob iyo xatooyada in bulshada la baro?

  2. Nacallad hakugu dhacdo Muhaajir, addiga iyo khawaarijta kuffaarta ah. Nacnacda aad qortay kaama dhageeysaneeyno gacan ku dhiiglayahow. Meel kast oo aad joogta gacanta Ilaaheey iyo midda sharciga mar dhow weey soo qabban addiga iyo kufaarta aad kamid tahay ee argagixissada alshabaab.
    Dalmida
    God bless Somalia 🇸🇴

  3. @ Muhaajir

    Abwaan baa hadde ka hor yiri, “Nacasi in ay soo fuq weynaato meel aan fadhiba jirin, fahaney ma fahanteen”. 10 sano ayaad shacabka Soomaaliyed qarxinaysen oo hooyooyin iyo ciyaal iyo Dumar qarax kuwada disheen. Idinka oo sidaa ahaa, sidee naxariis uga rajeynaysaa shacabka Soomaaliyeed? Are you stupid or Fool?

Comments are closed.