Safiirka cusub ee M/Africa oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga, kana hadlay xaalada Somalia

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Amb. Mohammed El-Amine Souef,

Danjire Souef oo saxaafadda la hadlay kulanka albaabada u xirnaa ka dib ayaa aad ugu riyaaqay rajada laga qabo in wada shaqeyn dhow ay dhex marto ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya (ATMIS) iyo dowladda federaalka Soomaaliya (DFS) si loo soo celiyo amniga iyo xasiloonida dalka.

“Kulanku wuxuu ahaa mid miro dhal ah. Waxaan diiradda saarnay waajibaadka howlgalka iyo sida aan si dhow u wada shaqeyn karno. Waxaan ka wada hadalnay nooca taageerada aan Soomaaliya ku siin karno nabadda, amniga, iyo xasilloonida, iyo wadashaqeynta aan ka raadin karno maamullada Soomaaliya si aan u fulinno waajibaadkeena,” ayuu yiri danjire Souef.

Safiirka cusub ee Midowga Africa ayaa sheegay in uu xaqiijinayo in Midowga Afrika ay ka go’an tahay in ay la shaqeeyaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si loo ballaariyo awoodda dowlad goboleedyada iyo hay’adaha dowladnimada iyo soo celinta xasilloonida dalka oo dhan.

“Midowga Afrika wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu siiyo Soomaaliya si uu u taageero dalalka kale ee Afrika,” ayuu hadalkiisa ku daray danjire Souef.

Danjire Souef oo yimid Muqdisho 19kii bishan November, ayaa si uu si rasmi ah ula wareego xilkiisa SRCC iyo Madaxa ATMIS.

PUNTLAND TIMES

6 Comments

  1. Iyadoo ay weli ka socdaan gudaha xukuumada boobka qaranka Somalia lagu hayo ayaa maalinba maalinta ka dambaysa waxaa waddanka la keenayaa oo lagu quudinayaa goolo horleh oo baahan
    Hadaba sidee wax ujiraan ?

    Hantidhawrka DF oo sheegay in lacago Malaayiin dollar ah laga xaday Bankiga

    Warbixin uu soo saarey madaxa hantidhowrka DF ayuu ku sheegay in musuq baahsani ka dhexjiro haayadaha dawladda.
    Warbixintan ayaa tibaaxdey in hay’adaha dawliga ahi ay ahaayeen 67 ha’yadood halka miisaaniyad sannadeedkii loo qoondeeyay 2021 ay ahayd 666 Milyan. Warbixintan ayuu hantidhowrku diyaariyaa sannad kasta oo la joogo midkii ka horreeyay.

    Ka dib baaris hanti dhawrku sheegay in ay ku sameeyeen 29 haayadood iyo laba safaaradood waxaa soo baxey musuq iyo isu dheellitirnaan la’aan maaliyadeed.

    Waxa la helay 28Milyan oo ah dakhli ay dowladdu ka heshay khidmado heshiisyo shirkado caalami ah balse aan la helin dhukumentiyadii lagu kala saxiixday iyo qaabkii heshiisku u dhacay.

    Waxaa kale oo warbixintu sheegtay in DF ay qaadatey deyn dhan 96 Milyan oo doollar; 71,373,000 waxa laga qaatey IMF halka 21,992,000 laga qaatey Bangiga Dhexe.

    Lacagahan oo aan Baarlamaanka laga ansixin islamarkaana aan lagu wargelin hantidhowrka ayaa sida la tilmaamey sharciga baal marsaneyd.

    Waxaa kale oo xusid mudan lacago dulsaar heshiis laba geesood ah oo ay DF gashey, kuwaas oo qiimahoodu kor u dhaafey hal milyan oo doolar.

    Warbixinta hantidharka oo dhinacyo kala duwan taabatey ayaa lagu xusey lacagihii la lunsadey xilligii Karoonaha. 20.5Milyan ayaa 13milyan iyo dheeraad kamid ah lagu wareejiyey UNICEF, WHO iyo IOM kuwaas oo aan si habsami leh ugu qabannin adeegyadii caafimaad ee loogu talogaley.

    Wasaaradda Caafimaadka ayaa iyadana lagu hagaajiyey 1.348 milyan isla markaana uu hanti dhowrku sheegay in aaney u isticaamlin sidii loo qorsheeyay.

  2. Muhaajirow
    5000 Asmara joogta iyo 20,000 gorgor iyo haramcad ee turkey lagu soo taba baray samabixin waa somali ee adinka ayaa la,idinka sugayaa in aad waddanka xuraysaan oo aad wax ka qabataan xaalafinta xad dhaafka ah ee ka socata gayiga geeska africa .

    Allah akbar, allah akbar.

  3. Ninkan hanti dhawrka sheegto isaga ha la weeydiiyo meesha uu ka keenay lacagta uu ku iibsaday guriga qaaliga ah ee uu Imaaraadka ka iibsaday!

    Mooryaan Hanti dhawr ka dhigo, waa Dhurwaa Ari raacso! Kkk

  4. Sida websiteyada kale soo qoreen,Xasan Shiikh ayaa idaacad cusub oo Tv ah daahfuray!
    Dhabcan wuxuu noqondoona TViga gaar ah ee Xasan Shiikh oo hadlaya isla hadlaya isna dhagaysanayo!
    Waa Dictator nimo meeshii ugu sareeysay.
    War maa jeeb galaa!

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*