SAWIRRO: Madaxweyne Deni oo kormeeray safaaradda Somalia ee dalka Zambia

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta booqday Safaarada Soomaaliya ee Dalka Zambia, halkaasi oo ay kusoo dhoweysay Safiir Marwo Xaawo Xasan Maxamed iyo Masuuliyiinta kale ee Safaarada.

Madaxweynaha ayaa qeyb qeyb u booqday Dhismaha Safaarada, xafiisyada kala duwan iyo qeybta loogu talagalay deegaanka Safiirka oo ay dhismihiisa iska kaashanayaan Safaarada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia.

Madaxweynaha Puntland, ayaa Safiirkeenna Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, uga mahadceliyay soo dhoweynta heerkeedu sareeyo iyo maamuuska, wuxuuna boggaadiyey shaqada Safaaradu u hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Waxaa Madaxweynaha ku weheliyay booqashada , Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Mudane Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia Mudane Maxamuud Maxamed Hiiraan iyo Saraakiil Madaxtooyo.

PUNTLAND TIMES 

9 Comments

    • Issa(ID) kkk (Beri 13 nov 22) (Dirira ama dubaha biixi yeela)
      Qaldaanoow hadaad biixi ku darsado,xaashaa dhedig lama gurano,
      hadaad diidaane,oo idin buufiyo wixii baxsad ah, waa noo magan
      ee xaashaa,inta u dhaxeysa xeeshaad la timaadaana rag baanu u
      nahay,oo caydu raga waa ku ceeb,dunarkuse waa ku ciil baxaan,wbt

  1. Madaxweyne Deni oo Kormeeray!!!
    Waar waxaan maxaa ka khaldan?
    Waa hogaamiye goboleed ma ahan Federal leader or minister ,xagay ka timid howsha kormeerka?
    Ma faanbaa mise caqliga sidaa ah.
    Yacni, maba la fahmi karro ummadan aan ka dhalanay.

  2. Kkkkkkkkkkkkk Waxaan arkayay ambassador tarsan oo ay kaduubeen video isagoo leh
    Beesha majeerteen ee cismaan maxamuud waa zinzibaariyiin
    Hada deni Zambia iyo zinzibaar waa iskugu mid
    Magaalada qardho layiraahdo yaa video kasoo duuba

    • Issa(ID)
      Siyaasad walba waxay leedahay waqti(Terminated time) sidaa ayeey
      tii (FORNAAJO U FUUNTOWDAY),waxaan arkay inti dhadhanka ku raacay
      ee wax garan karay wey dhuunteen,laakiin intii uu horay u duleyay,
      weli waa u raran yihiin,kuli cilaan iyo cadar bey leeyihiin waa
      wada (XABIIBA IYO MALYUUN),Ceeb danaha puntland cid wax laga weydin
      ma jirto,madaxdii loo doortay ayaa taladeeda leh, wbt

  3. horta nimanyoho ninkii damca somalia wax u qabo amaan mahelo madaxda waaridiin toodu hooyooyin koodu xataa ka baxsan maayaan m/w xasan shikh intaas ordaya waxay leeyihin cancer buuqaba madax buro kagataal habaar ceey ayaa la daba socdaa qaar baa waxeey leeyihin sirdoonkii imaaraadka ayaa feer kaladaalay.Warya somali maryoolay calamkii waa isbedelay xasan iyo deni dhaqaala ayeey yaqaanin waxay raadinaaya abaaraha iyo gaajada sidi loogabixi laha shirkado maalgashi beey raadin somalida iyo carab iyo ajaanib wixii maalgashaan wellcome afrika maanta losoo kala ordaaya hadaan maanta faaiideeysan oo indhaha kala furin waa lagu dhaafin.ASIA indhayarta waxaa ilbixiyay reer galbeed mantana reer galbeedkii ayaa baryaay.dadka somalidu dhaqamad yurub iyo asia mayaqaanini laakiin tiktik youtuba istogran wixii fitan waa u fudu yahayn.Turki ayaan tegay makhaayad baan damcay inaanu wax ka cuno wanaloo diiday waayo markaan iri ninkii wuxuu igu jawaabay kastamka naga cararaaya miiska lafa aad cunta ayaa dhigtaan taas waa dhaqan Dogs(EEY) mida kale xamaamka biyo ma raacisaan waan qeeylisaan teleefoonada makala joojisaan yaab waxaan xasuustay WeryeZolo ka sheekeey naag turki ah oo samalidu xamaaka irida istaagta u tiraada falash samee tirtina biyaha aad meesha ku qubtay.Melkasta marka hore waala soodhoweey lakiin marka dame somalida waa la nacaa.Madaxda intaan lacaayin horta wax usheega kuwa lafaha cunaan miska tuumiya

    • @Noh

      Nacaybka aad Soomaali u qabto weynaa. Waxaan ku iri, fahmay hadalkaaga ah in kuwa hogaanka noo haya la ixtiraamo laakiiin waa maxay cayda aad Soomaalida utirisay? Meesha wax lagu cuno always needs to be cleaned no matter what and that is why they hire waitresses to do that, therefore waa arin adiga kuu gaar ah. Viva Turkey.

Comments are closed.