SAWIRRO: Madaxweyne Deni oo taageero ka helay Soomaalida joogta Zambia

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qeybgalay Xaflad weyn oo soo dhoweyn ah oo ay u sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed Dalka Zambia, taasi oo ay kasoo qeybgaleen Boqolaal qof.

Madaxweynaha ayaa hadaljeedintiisa caawa warbixin ku siiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambia, wuxuuna la wadaagay Guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Puntland iyo Shaqooyinka ka socda, sida Amniga , Dhismaha Ciidanka, Kaabayaasha dhaqaalaha, Garoomada , Dekadaha, Dhismaha Wadooyinka, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Nidaamka Dimuqraadiyadda.

Wuxuu Madaxweynuhu la wadaagay Bulshada in Dowladda Puntland ay ka go’antahay in talada dadka lagu celiyo oo ay soo doortaan dadka ku metelaya Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka, qorshahaasi oo saddex Degmo laga qabtay hadana la dhameystirayo in 37 degmo laga qabto iyadoo diiwaangelinta codeyayaasha Bishan bilowman doonto.

Dhammaan Dadkii Kulanka ka hadlay Masuuliyiin, Jaaliyadda, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwanee Bulshada ayaa soo dhoweyn iyo garab istaag ugu muujiyey Madaxweynaha iyo Dowladda Puntland, Waxqabadka dhinac walba ah, horumarka iyo Doorashooyinka hal qof iyo hal cod.

Waxaa Madaxweynaha ku weheliyay munaasabadda, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia Maxamuud Maxamed Hiiraan iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Zambia.

PUNTLAND TIMES 

7 Comments

  1. Issa(ID)
    Madaxweyne DANI waxad qabatay sheegid uma baahna waa lawada arkaa,
    Intaad damacsan tahayne waqa intii lagu taamayay,ee Daniyow dadkii
    ku raac dadaalka badi, CALANKEENA JAAHIISA,JAWAAWIIRTA CIIDANKEENA
    JIDKA MAANTA LAGU JOOGO,MARKA AAN JALEECABA WAAN JIIRA BURURAA(wbt)

      • @@@ Burhaan
        ODAYGU WAA REER BAADIYE,GEEL JIRE AH, KKKKKK
        OO LA HUBO INUU KAL-YAR OO KULUL TOOS,KKKKKKKKKK))
        ULA DHACAYO HABARTII LOO GEEYO,EE MAAD,KKKMMKKKK))
        HOOYO U GEYSID DHIQLAHA HA KA DILEE,KKKKKKKKK

        • dooli lagaroone waxaad u egtahay qof daalan oo laga dhameystay ,ileyn lagaroonayaasha way isku hiiliyaan. Uf qoomu Luudh

  2. Issa(ID)
    Ninka sita magaca dooli waa khaain ku soo kordhay madasha,waana
    mid abaabula ,cayda,isku dirka, iyo koobiga qoraalada,Burhaane
    si caadi ah ayuu mudo kaftan(Reer baadiye) igu dhihi jiray ane
    wax uma arag, hadda wixii dooli iyo burhaan sameeyeen, waxaan
    garteeda dhigay madasha,wixii maanta ka danbeeya waa in lays
    amaan geliyo CAY da’deedii waan ka tegay,oday baan ahay, waxaan
    Waxaab qirayaa in qof intaa iska dhigay(1) Eribal franfar,
    (2) Khalid (3) Farxaan (4)Dooli (5) Burhaan, qofkani waa mid
    waalan,oo cayda u soo gala meesha ila arka Saqaxiibayaal wbt

Comments are closed.