SAWIRRO: Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Madoobe & Cabdi Xaashi?

Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Senator Abdi Hashi Abdullahi.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa looga hadlay xaaladda ee guud ee dalka, gaar ahaan deegaannada maamulka Jubbaland.

War kooban oo lagu daabacay barta Facebook Aqalka Sare ee BJFS ayaa lagu yiri “Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Senator Abdi Hashi Abdullahi oo hoygiisa kulan kula qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa ka wadahadlay qodobo dhawr ah oo ay ugu horreeyaan xaaladda ee guud ee dalka, gaar ahaan deegaannada maamulka Jubbaland.”

Axmed Madoobe ayaa maalmo ku sugan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo uu uga qeybgalay Shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda DFS iyo Dawlad Gobaleedyada.

Xaashi iyo Madoobe ayaa waday dhow ahaa sannado, iyagoo isla jaanqaaday intii uu xukun hayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo dagaal siyaasadeed ay wada galeen labadan masuul.

PUNTLAND TIMES 

1 Comment

  1. Ahmed Madiobe waa oday Soomaaliyeed oo dhaqan yaqaan ah. Qolada Hawiye waxba ma weydiiyaan odayga markaa neefta ayuu ka yara sii daynayaa oo garanaya qolka uu ku xidhan yahay. Labaduba waa Somali galbeed bay kasoo jeedaan oo ku dhasheen waa Somali asal

Comments are closed.