SAWIRRO: Maxay tahay farriinta Amiirka Qatar u soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee Dowladda Qatar ay u soo magacaabatay dalkeenna Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi.

Danjire Al-nuceymi ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal, taas oo uu ka siday Amiirka dalkiisa Mudane Tamiim Binu Xamad.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi, xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

PUNTLAND TIMES

13 Comments

  1. Qatar waxey rabtaa partnership and mutual relationship with Somalia,halka Imaaraadka rabaan bililiqo.
    Laakiin su’aasha ayaa ah Qatar ma helidoontaa dad aamin siyaasadeed iyo aragti partnership iyo mutual relationship awooda ka ma jiraa maamulka Mogadishu?
    Imaaraadka waxey sida Eeyada rabbaystaan maamulka Mogadishu ka jiro iyo kuwa badan oo Maamul goboleedyada ah.

  2. Aaqil ally m @

    su’aasha aah Qatar ma helidoontaa dad aamin siyaasadeed iyo aragti partnership iyo mutual relationship
    Jawaabta waa MAYA ee hadaba qatar si danteeda gaarka u gaarto Waxay kula dhaqmi doontaa xukuumada dhimatay ee xassan sheekh
    DAD DHINTAY DHARKA AYAA LAGA SIIBTAA KKKKK

  3. @@@SACIID,
    Waad mahadsantahay.
    Qiimeeyntaada ah”
    DAD DHINTAY DHARKA AYAA LAGA SIIBTAA” waa sax waana waaqici.Imaaraadka marabaan in ay si sharafleh noo aasaan oo xitaa meedkeena qusul,jinaaso iyo qiblada u jeedinayaan!
    Allow Sahal umuuraha.

  4. Qadar waxaay casuuntay dhammaan Madaxda muslimiinta marka laga reebo Culusoow! Isna wuxuu eersaday sidii liidatey ee uu u dhami jiray markii uu Hotel Jasiira ka Qaaylin jiray ee uu Mucaaradka sheegan jiray!!

    Kooxdii Farmaajo waxaay ahaayeen koox ilbax ah oo Dunida sida loola macaamila xariifiin ku ahaa min Madaxweyne illaa iyo Agaasime oo Dunida ka soo shaqeeyey!
    Culusoowna waxaa hagaya, Fiqi iyo Mahad Salaad oo xoogaa Carabi Suudaani ah oo aay Suudaantii lahayd xitaa ka xishooto in aay shirarka Caalemiga ahi kaga hadasho la tagaya shirarka dunida! Kkk

    Hadda ogsoonaw Suudaaniyiinta marka aay shirar Caalemiga ahi joogaan waxaay ku hadlaan luuqadaha kale sida Ingiriiska iwm!

  5. Nin daad qaaday xunbo cuskay. Ma waxaad kuso dhamaateen in aad faraxad ka raadi saan Qatar Hassan Shiekh Maxamud maysan martiqaadin? In kastoon ogahay xadhiidh ka qatar iyo Somalia in uu wanaagsan yahay. Hadana Jawaabtu haduu xumaan laha waxaan idin odhan la adeera yaalow qaata qadartoo. Jeebka danbe kurita bal aynu eegno waxa ay udhinto xukunka Xassan shiekh Maxamud.

    • Haraadigii Mujrimkii Afweyne Qatar ayaa wax weyn la ah waa Garwood ayaga oo dhan sanadkii 2 Million ayaa la siin jiray gaajada gaajadu dhashay.

  6. Issa(ID)
    Waxaan waxba ahayn,qofki bubuniya isaga ku qiimo dhaca,Formajo,
    wuxuu ahaaba cid ku eedeyn meyno, oo waa ninkii da’diisa iyo
    Muqalkisa la dagalamayay,5(sano) Qasaca ku haystay Mama zeynab
    Macalin, wuxuu ahaa nin (NASIIB) keenay(NACAS-NIMANE) Kicisay,
    dur iyo dareen wuxuu ka tegayne laga dawowaym wbt

  7. Culusow gurguurte, waxa uuna wali fahmin waxay tahay,Adduunyadu maanta sidii hore maa aha,”internet” aalad khatar ah oo Adduunyadii oo dhan ka dhigtay tuulo ama xaafad yar ayaa shaqaynasa,Tv l aga tag Idaacad iskaba daa,sidaa baa la isu wada daawanayaa, marka nin tuug ah oo tuugnimo iyo wax is daba marin lagu soo doortay,cidda ixtiraamaysaa waa tee?waddan waliba oo uu booqday waa lagu bahdilay,waayo waxay og yihiin sida uu ku noqday madaxweyne,kuwii uu saaxiibada ku sheegi jiray,Kenya iyo Imaaraad waxa ay shalay ku suubiyeen waa wada og nahay, qofkaan xanuunsan miyaanu lahayn dad ka naxa oo wax u sheega?waxa kali ah oo uu illaa hadda ku mashquulsan yahay waa kaliya intii Farmaajo suubiyey kala daadi,waa qof shakhsiyad xun oo akhasu naas cuqdadaysan.

  8. @Issa

    Ishaad ka ridday sxb 5tii sano ee farmaajo baahane tariikhda Somalia halaga jaro saan qabo. Hassan maalinki ladoortay waan naxay balse hadda waxaa ii cadaatay masuul khaladaadki hore rabba inuu saxo inuu yahay waaya arag wax kabartay xilliga. Guul baan u rajaynayaa madaxweyneha iyo somalia. Blt

  9. Kkk!

    Ninka marka uu arko qof Mareexaan ah oo Madax meel ka ah aay dhibeeyso oo wax kasta oo xunba uu Ninkaa Mareexaan kala xun yahay isagaay jirtaa sida, Ninka Majeerteenka meeshan ku metela ee magaca Issa (ID) wato! Kkk

    Laakiin Anigu Farmaajo si gooni ahi ogama hadline, waxaan sheegay in aay raggii dowladaasi maamulayey ka xariifsanaayeen oo aay dhammaantood ka aqoon iyo sida dunidu loola macaamilo kaga sarreeyeen, Culusoow iyo kooxdiisa Carabi Suudaaniga meelaha kaga tuugsato! Kkk

    Ninka Daaroodka ah ee Yuulka necbaa ee markii aay Culusoow is qabteen ka codeenayey, Yuulka oo aan ogahay sida uu magaca DAAROOD ula sarreeyey, haddana Farmaajo isla sidii u neceb, Nimankaasi isku muuqif in aay ahaayeen kuma uusan nicine, in aay Mareexaan ahaayeen buu ku nacay oo uu isku qaanad u geliyey, Issana cudurkaa ayaa hayo, Ilaah baana ka saari karo! Kkk

  10. Aad baan ugu farax sanahay in Soomaali isku meel u wada jeesteen oo si tartiib tartiib ah loo fahmayo faraqa u dhaxeeya Farmaajo iyo Xasan Shiikh. Ilama aha in laga soo kaban doono meesha uu Farmaajo dhigay Soomaali sanado badan, sababtoo ah, qabiilkii laga soo kabanayay waad u jeedaan social mediyaha heerka uu maanta gaaray, Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa ka masuul ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*