SAWIRRO: Safiirka cusub ee Qatar oo laga guddoomay nuqul kamid ah waraaqaha aqoonsiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Omar Jama – Huruse ayaa maanta nuqul kamid ah waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka cusub ee Dawladda Qatar u soo dirsatay Soomaaliya, Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi.

Wasiir Abshir Cumar ayaa u rajeeyay danjiraha Qatar ee Soomaaliya inuu ku guuleysto xoojinta xiriirka labada dal.

“Waxaan nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Qatar u fadhin doona dalkeena Soomaaliya, H.E. Dr Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi. Waxaan u rajeyn Safiirka cusub inuu ku guuleysto xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dawladood ee walaalaha ah.”

PUNTLAND TIMES

4 Comments

  1. Qatar oo Somalia u soo dirsatay weji cusub ay kula macaamili lahayd caado qaatayaasha qarankii Somalia suuqa aduunka geeyay !!!

  2. Issa(ID)
    Sidaan horay u sheegay, shirkii u danbeeyay ee yeesheen
    (GOLAHA TALADA DALKA) waxaa lagu go’aamiyay in sida uu
    qabo dastuurka puntland, la macamili karto Dalalka calamka,
    Isla markaana sami qaybsiga dib loo saxo, lana diro,ama la
    dabeeyn(recharge) matalayaasha daarood ee dawladda, waxaan
    sugeybaa Madaxweyne Dani,in uu Mw xasan tuso oo taab-siiyo
    federaaliga micnihiisa qasabne ugu dhigo ku dhaqankiisa guud,
    Xasan waa xujoobay, wbt

  3. Qatarey lagaa ma xiga Somalia

    hadii Xassan gurguurte cadowgii waddanka ee diiday in ay Somalia ka xurowdo ciidan xooga ku jooga somalia ee AMISOM isla cadowgaas ayuu gacantiisa qandaraas uu kula soo saxiixday Nairobi in lasoo geliyo daroogadii kenya waddankeena , isla caddawgii Somalia ee Emirates u ogolaaday in ay soo degsadaan puntland ciidanki iyo hubkii ugu horeeyay ee lagu xukumi lahaa reer puntland modo 30 sano ah , kkkkk

    Talloo maxay soo wadaa ??

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*