SAWIRRO: Siciid Deni oo la kulmay Ganacsatada Soomaaliyeed ee Zambia

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay magaalada Lusaka kaga qeybgalay xaflad casho oo ay ku maamuuseen Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Zambia.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa uga mahadceliyay Ganacsatada maamuuska iyo Cashada soo dhoweynta ah, Iyadoo hadaljeedinta rasmiga ah ee Madaxweynaha ay tahay Kulanka xafladda weyn ee soo dhoweynta ah oo maalmaha soo socda dhici doonta.

Waxaa Munaasabadda ka qeybgalay Safiirka Soomaaliya ee Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Zambia.

PUNTLAND TIMES 

6 Comments

  1. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee “ZAMBIA” ku nool waa mid kamid ah Jaaliyadaha ugu sharafta badan, Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadda ku dhaqan!

    1994kii ayaan Zambia iyo Lusaka oo Caasimada ah Safar aan Namibia ugu soconay ku marnay annagoo ah, 2 dhalinyaro ah.
    Runtii si wanaagsan bay noola dhaqmeen, dadkii joogay xarun weyn oo aay Shirkadda OOHAN ku lahayd Lusaka iyo dad ganacsiyo ku lahaa, Magaalo uu ku dhamaay, “Train” aan “Tanzania” ka soo raacnay oo aan u maleeynayo in KIBIRI la dhihi jiray!

    FG. Dad wanaagsan haddii uu waddan shisheeye ku hor maro, Jaaliyad wanaagsan baa ka dhisanta, “ZAMBIA” ayaana daliil u ah!

  2. Issa(ID)
    Madaxweyne Hambalyo,caawa inta aad ku dhex jrto waa miidii & maankii,
    puntlanda Zambiya waxaa xog ahaan degan jaalliyad maamuus,magac,iyo
    micno weyn uga fadhido shacabka Zambia , jaalliyadani waxay gacanta
    ku haysaa dhaqaalaha iyo ganacsiga dalkaas, waa dad aqoon macnawi ah
    u leh siyaasada ganacsiga & dhqaalaha,kaana caawin kara dib u dhiska,
    Puntland (Meeshii tegay waxna kama tarin, waa bar kuma taal) raga si
    (ula hadal, sine wax ugu sheeg)oo(si gaar ah ula faq,fariina ku ogow)
    Madaxweyne (Guryo samo iyo soo noqosho wacan) wnt

  3. A.A.Xade, Magaca Shirkadu waa OHAN. Magaaladuna waa KapiriMposhi, waa Central province of Zambia degmo ka mid ah.Tazara Railway ayaa halkaa ku eg.sxb Dalmar ayaadba tahay hadii aad Ugali Zamba ku qadeysay.kkkk.
    Wasalam.

  4. Zanzibaari zambian la kulmay igga dheh kkkkkkkkkkkkk.

    Ileen Zanzibaariyiinta iyo zambiyiinta waxbaa ka dhexeeya anigga horayba umaba ogeeneee kkkkkkkkkkk.

    Dani dubbur weyne haduu cadeeyay inuu zanzibaari yahay, war iledn ninka horey bilaash zanzibaarnimo looguma eedeeyn oo run beey eheeyd inuu zanzibaari yahay kkkkkkkkkk.

    Alloow Alle, Wallee warbaa jirra.

    Hawiye-mida.

  5. Dalmar.

    Saaxiib meelo badan waayuhu way I mariyeen! Kkk

    Zambia Waxaan kula yaabay waxaay leedahay, Daqsi/Diqsi/Duqsi haddii uu ku qaniino aad Saacado xoogaa yara daroogoobeyso! Kkk

    Waxaa kale aan la yaabnay, markii aan goor galab ah oo uu Roob da’ay aan aragnay, Ciyaal cayrsanaya Magaalada “Lusaka” dhedeeda, cayayaan yar yar oo Roobkii Da’ay ku soo baxay oo buubuubayo oo inta aay qabtaan cunaya oo ku Casariyeeynaya oo Afka 2diisa can dhecaankiisa ka daadinaya! Kkk

    Waxaay ahayd bishii 9aad 94kii, arrintaas oo aan runtii la baabnay oo aan ku yaqyaqsoonnay! Kkk

    Nin aanan dhul marin daayo ma leh!

  6. NOVEMBER 12, 2022 AT 11:54 PM
    Issa(ID)
    Siyaasad walba waxay leedahay waqti(Terminated time) sidaa ayeey
    tii (FORNAAJO U FUUNTOWDAY),waxaan arkay inti dhadhanka ku raacay
    ee wax garan karay wey dhuunteen,laakiin intii uu horay u duleyay,
    weli waa u raran yihiin,kuli cilaan iyo cadar bey leeyihiin waa
    wada (XABIIBA IYO MALYUUN),Ceeb danaha puntland cid wax laga weydin
    ma jirto,madaxdii loo doortay ayaa taladeeda leh, wbt

Comments are closed.