SAWIRRO: Xasan Sheekh oo caawa ku hoyanaya degmo u dhow Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ku hoyanaya degmada Cadale ee gobalka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu gaaray gelinkii dambe ee maanta.

War kasoo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu u tagay Cadale dhiiragelin Ciidanka Dawladda iyo dableyda deegaanka oo dagaal kula jira argagixisada Al-Shabaab.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhiirri-gelinaya Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacbiga u istaagay xoreynta deegaannada ay haystaan khawaarijta Alshabaab ayaa lagu soo dhaweeyay degmada Cadale ee Hirshabelle.”

“Madaxweynaha oo kulammo xog-wareysi ah la qaatay bulshada iyo wax-garadka Cadale ayaa xusay rajada shacabka Soomaaliyeed ay maanta qabaan ee la xiriirta in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab oo sanaddo badan dib u dhigtay nolasha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed.”

Deegaanno hoostaga degmada Cadale ayaa dhowaanahan waxaa ka dhacayay dagaal beeleedyo u dhexeeya Beesha Madaxweyne Xasan Sheekh, wararka ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweynaha uu salka ku hayo qaboojin dagaal beeleedyada oo muddo kusoo noqnoqanayay deegaanka.

PUNTLAND TIMES 

7 Comments

  1. Macawiisleey, Diracleey, Gareysleey, Cambuurleey, Baatileey, Shabaab, Ciidan dhamaantood waa isku mid ,waa kuwaan dowlad sheegta oo marba Shaar soo xiranaya.

    • hogaamiyaha xisbiga xaraash qaran xassan sheekh iyo keenistii daroogada Miirooga dalka Somalia oo khalkhal ka abuurey gobolka

      Markii Xasan Gurguurte ku guuleystey doorashada DF waxa uu dowladda Kenya la saxiixday heshiiskii soo celinta Miirooga oo hore Farmaajo u joojiyey.
      Siyaasiyiin iyo ganacsato kala duwan ayaa kooto loogu xirey Miirooga Kenya. Ganacsade lagu magacaabo Maxamed Jabbuutaawi oo shirkaddiisu ka shaqayn jirtey gobolka Sool ayaa cabasho weyn ka muujiyey jaadka laga soo daabuli doono Kenya taas oo uu sheegay in ay caqabad weyn ku tahay ganacsigiisa. Jabbuutaawi ayaa la arkayey isaga oo ay ku hareeraysan yihiin koox hubaysani.

      Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Cabdi Xaashi uu Xasan Sheekh ka codsadey in la siiyo saami jaadka Miirooga ah markaas oo Xasan u sheegay in aan maamulkiisu awood ahaan ka talin Laascaanood. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sida wararku sheegeen Hargeysa u soo dirsadey wiil uu dhaley oo lagu magacaabo Kooshin kaas oo Muuse Biixi iyo aabbihii isku xirey.

      Wararka ayaa sheegaya in Muuse Biixi iyo Cabdi Xaashi ku heshiiyeen in ay shirkad sameeyaan ka dibna qoondo gaar ah la siiyo Muuse Biixi. Hay’adda Duulista ee maamulka Somaliland ayaa Shirkadda lagu magacaabo Urban Company u xirtey jaadka Miirooga ee Kenya in uu soo galo Sool balse ka dib hadalkii Maxamed Jabbuutaawi uu warfdiyeenka kula hadley waxa la hakiyey Miiroogii la geyn lahaa gobolka Sool.

      Dadka Soomaaliyeed oo la halgamaya duruuf nololeed oo adag ayaa siyaasiyiintooduna adeegsanayaan tab walba oo ay ku heli karaan xoolo. Jaadka/Qaadka ayaa bahda caafimaadku ku tilmaameen in aanu waxba kaga duwanayn khamriga iyo mukhaadaraadka kale ee lagu halaagsamo.

  2. @@@ Burhaan,

    Waxaa aa ka wado magacyadaa waan fahmay laakiin Elmi Abdullahi sida caadiga halkan kuwo badan qofka wax ka sheegaan.

    yacni Elmi Abdullahi wuxuu awooday in uu dhaho Macawiislayda waa sidaa ama Baatilayda waa sidaa laakiin adiguu ku weeraray.

    Wallee dadkanagii inta badan waa sida Ido ama lax dhugto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*