UPDATE: Axmed Karaash oo ka horyimid amarkii DENI ee hub ka dhigista

Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka horyimid amar ka yimid Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo hada ku sugan dalka Zambia.

PuntlandTimes, ayaa saacado kahor baahisay in Siciid Deni uu amray qaar kamid ah saraakiisha Puntland ee daacada u ah in hub ka dhigis lagu sameeyo siyaasiyiin iyo saraakiisha diidan qorshayaashiisa doorashooyinka qof iyo codka ah, ee kasoo jeeda magaalada Garoowe.

Axmed Cilmi Karaash ayaa ku amray saraakiisha Amniga in aan la fulin karin amar ciidan oo uusan isagu wax ka ogeyn, inta uu hayo xilka Kusimaha Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Karaash ayaa amray in aan talaabana la qaadi karin, taas oo ka hor imaanaysa amarkii Siciid Cabdullaahi Deni kasoo bixiyey meel ka baxsan Soomaaliya.

Siyaasiyiinta iyo saraakiisha kasoo jeeda Garoowe ayaa maalmihii u dambeeyay hub iyo ciidan aruursi ka waday caasimadda Puntland, kaddib amarka ka yimid Madaxweyne Deniga.

Puntland ayaa hada wajahaysa walaac xooggan oo la xariira doorashooyinka 2024, iyadoo lagu eedeeyay Siciid Deni inuu qorsheynayo muddo kororsi.

PUNTLAND TIMES 

4 Comments

  1. Asc asxaabta waa intii ilmo irir ehee, anigga waxaan ahay ninkii @hiraab ahaa ee halkaan aad saaxiibada ku eheeydeen, maanta ama barrina waa maalintii iigu dambeeysay ee aan halkaan wax kusoo qorro, sababtuna waa safar isoo galay oo baadiyaha fogg ah.

    Asxaabeey waxaan ahay safar berrito ama saad dambe oo waxaana u socdaa gobolada dhexe siiba galgaduud oo aan doonayaa inaan awoowgeey oo halkaas kaligiis ku ah aan kusoo wehliyo, asxaabeey u maleey maayo inaan mardhow halkaan kusoo noqon doono waayo halkaasi waa baadiye aan internet leheeyn waxaana qorshuhu yahay inaan labba sanno soo joogo.

    Marka asxaabeey siiba @Gurey @Ducaale kaahiye @khalid iyo intii kaloo ilmo irir ahba oo ay asxaabteeyda ilmo xaaji isxaaq ku jiraan waxaan idin leeyahay nabad gelyo, waxaana rajeeynayaa inaan muddo ka dibb soo noqdo markaan safarkaas kasoo faaruqo kadibb, una maleeyn maayo inaan mardhow kasoo faaruqi doonee ugu yaraana sanad baan maqnaan doonaa.

    Asxaabeey waxaan idinku bogaadinayaa saaxiibtinimadiina iyo wanaagiinaba, waxaana idin leeyahay meel iska saara kuwa halkaan qurunka ku malmaluuqa ee daaroodka ah, aniggana waan idin macsalaameeynayaayee ogaada saaxiibayaal.

    Nabad gelyo.

    Irir-mida.

  2. Sidoo kale asxaabeey waa intiinii ilmo irir ehee waxaan rabay inaan idin ogeeysiiyo, hadii berri ka dib aad halkaan ku aragtaan qoraal magaceeyga watta anigga ma’ahanee ogaada anigga halkaan waan faarujiyay saaxiibayaal safr isoo galay oo aan sanado ku maqnaanayo dartiis.

    Marka asxaabeey waxaan idin leeyahay nabad gelyo hadeey u badato barri waan idinla joogaa laakiin saad dambe waa kama dambeeysta safarkeeyga oo baadiyaha galgaduud beey caano geel iyo qorri Ak-47 ah iiga balansan yihiin oo aan doonaya inaan halkaas kusoo leersado.

    Marka asxaabeey waa intiinii ilmo samaale ehee, waxaan markale idin leeyahay macsalaama.

    EEBE ha idin nabad geliyo asxaabeey.

    Irir-mida.

  3. Galgaduudba geel kuma noola orodo sagaaaradadii iska dabo awelba waalli ayaa magaalada ku keeenraye.
    Mar horaan ku gartay inaad Mahad Salaad tahay isagaa cuqdad gaamurtay qaba.

Comments are closed.