Villa Somalia oo diyaarisay QOF-ka qaadanaya kursigii Xildhibaanimo ee Fahad Yaasiin!

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre ayaa lagu wadaa inuu dhowaan shaaciyo Guddiga qabashada doorashada kuraasta bannaan ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Go’aan maalmo kahor kasoo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur, ayaa lagu awood siiyay Ra’iisul Wasaare Xamze soo dhisida Guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta banaan, kaddib cadaadis ay saartay Madaxtooyada Villa Somalia Guddiga joogtada ah ee golaha shacabka, iyadoo adeegsanaysa xubno uu horkacayo Aadan Madoobe.

Yaa loo wadaa kursiga Fahad Yaasiin HOP#086 ?.

Sida ay heshay Puntlandtimes, Guddiga KMG ah ee doorashada buuxinta kuraasta banaan ee Golaha shacabka, ayaa marka la magacaabo horey ka guda-geli doona doorashada kuraastan.

Kuraasta doorashadooda la qabayo ayaa waxaa kamid ah kursiga HOP#086, kaas oo 20-Febaraayo-2022 loo doortay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kaddib doorasho ka dhacday Beledweyne, balse waxaa natiijada doorashada kursigaas laalay Ra’iisul Wasaarihii xilligaas Maxamed Xuseen Rooble, oo adeegsanaya Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal ee markaas shaqeynayay.

Xogaha ay heshay Puntlandtimes ayaa muujinaya in Madaxtooyada Villa Soomaaliya, ay qorsheysay in kursigaas uu qaato saaxiibka Madaxweyne Xasan Sheekh ahna Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir, kaas oo ay isku qoys yihiin Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa horey ugu fadhiyay kursigan, waxaana hada uu u muuqdaa inay dib ugu soo celinayaan gacantiisa saaxiibadiisa siyaasadda.

PUNTLAND TIMES 

7 Comments

  1. Waxaan maqlijiray Shabeelnaagood, xildhibaanada iyo wasiirrada dhamaan kaadida ma ceshankaraan markay Arkaan Fahad Yaasin ilaa waa Libaax.
    Duf ku bax!

    • Adiga iyo inta liidata ee inan gumeedka ah laangaabka ah buu LIBAAX u ahaa, rag baa bisad iyo bakayle ka dhigay, oo kursigiisa u diiday isaga oo xilka NISA haya oo Xamar jooga, Noolow laandheere RW hore mr Rooble

  2. Fahad yasiin waa nooca la yiraahdo marka laga hadlayo siyaasada maverick politician with Qatari connection prior to aljazeera reporting in the war Zone. He is feared resented and respected depends on where you are from the political spectrum. But the man is extremely talented and has some important characteristics when in comes to Somalia nation building and exert both control stabalisation approaches in the country.

  3. Fahad yasiin waa nooca la yiraahdo marka laga hadlayo siyaasada maverick politician with Qatari connection prior to aljazeera reporting in the war Zone. He is feared resented and respected depends on where you are from the political spectrum. But the man is extremely talented and has some important characteristics when it comes to Somalia nation building and exert both control stabalisation approaches in the country.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*