Waa kuwee 11 dal ee u codeeyay in Somalia lagu sii hayo cunaqabateynta hubka?

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, taas oo ay si weyn uga soo horjeesatay dowaldda Soomaaliya, iyada oo sheegtay in Al-Shabaab ay tahay koox argagaxiso ah oo weli si dhab ah u carqaladeyneysa nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku doodday in loo baahan yahay in cunaqabateynta laga qaado, si ay Al-shabaab meesha uga saarto.

Qaraarkan oo sidoo kale walaac ka muujinaya sii joogitaanka kooxda Daacish ee ku sugan Geeska Afrika, ayaa waxa ansixiyey 11 dal oo u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, kuwaas oo kala ah Kenya, Imaraatka Carabta, Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Albania, India, Ireland, Mexico, Norway iyo Brazil.

Sidoo kale, dalalka Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana ay ka maqnaayeen ansixinta qaraarkan.

Dowladda Soomaaliya ayaa taageero ka heleysay Midowga Afrika, si loo qaado cunaqabateynta hubka.

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin kordhinta cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaana uu ku ammaanay afarta dal ee ka aamusay in aysan taageersaneyn kordhinta cunaqabateynta hubka.

Waxa uu ka digay in cunaqabateynta hubka oo ah tii ugu dheereyd ee Qaramada Midoobay ay caqabad ku noqoneyso dib u dhiska ciidamada Soomaaliya si looga hortago Al-Shabaab.

“Cunaqabateyntan gacamaha ayay naga xireysa xilligii ugu adkaa ee aan dagaalka kula jirno cadowga arxan-laaweyaasha ah” ayuu yiri Abuukar Cusmaan.

Danjire Abuukar ayaa waxa uu sheegay in dhibanayaasha “argagixisada” ee Soomaaliyeed ay la yaaban yihiin sababta qaadista cunaqabateynta hubka Soomaaliya ay khatar ugu tahay nabadda iyo ammaanka caalamka, iyadoo dalalka kale loo hubeeyo si ay u difaacaadaan dhulkooda iyo dadkooda.

“Cadaalad-darrada iyo laba-wejiilanimadan waxay ka hor istaageysaa dowladda Soomaaliya inay si sharci ah u hesho qalab millatari, si ay dib ugu dhisto ciidamadeeda qaranka,” ayuu u sheegay Golaha Ammaanka Danjire Abuukar Cusmaan.

Qaraarkan ayaa lagu sheegay in uu ilaalinayo cunaqabataynta hubka ee la ansixiyay, kaas oo mamnuucaya iibinta ama wareejinta qaybaha muhiimka ah ee walxaha qarxa ee ay Al-Shabaab adeegsato, mamnuucidda soo dejinta iyo dhoofinta dhuxusha iyo in la xayiro safarrada iyo hantida dadka khatarta ku ah nabadda, xiriirna la leh al-Shabaab, oo ay ku jiraan maalgelinta ama fududaynta hawlaheeda.

AP

PUNTLAND TIMES

9 Comments

  1. Congratulations hav8ng more many years of being free from heavy weaponry and possible falling into hands of fiefdom armies base on subclan lines.

    • Maxay aga dhigantahay in cunaqabateynta lagu sii hayo dowlada dabo dhilifka u ah mareykanka ee Gurguurte

      Fadhi ay yeesheen ‘golaha ammaanka’ ee Q.Midoobay ayaa markale lagu cosboonaysiiyay cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, arintaas oo quus iyo rajo beel ku riday kooxda ridada Soomaaliya oo naawileysay inay gaalada caalamka ka hesho hub iyo saanad military oo ay u kaashadaan dagaalka ay ku hayaan shareecada Allaah.
      Kulanka golaha ammaanka ee golaha oo ay soo xaadireen xubnaha inka badan 10 waddan ayaa lagu lafa-guray sidii loo kordhin lahaa cunaqabataynta dhanka hubka ah ee saaran Soomaaliya, maadaama ay madaxda murtadiintu codsadeen in dalka laga qaado cunaqabatayntaasi.

      Ilaa 11 waddan ayaa ansixiyay qaraar lagu cosboonaysiinayo cunaqabataynta dhanka hubka ah ee saaran Soomaaliya, dowladaha Ruushka, Shiinaha, Gaaboon iyo Gana ay kasoo horjeesteen.

      Qaraarkan ayaa qeexaya in muddo sannad ah uu xubnaha goluhu isku raacay in ilaa 15 Desember sannadka soo socda ee 2022 ay sii shaqeyn doonto cunaqabateynta, taas oo ku jaan go’an muddo sanad ah, waxayna sheegeen in dib u eegis iyo qiimeyn lagu sameeyn doono sanadkaasi kadib.

      Abuukar cismaan wakiilka DF Soomaaliya u fadhiya qaramada midooobay ayaa sheegay in go’aankan uu dhabarka ka jabinayo kooxdiisa madaama uu ka hor imaanayo rabitaankooda dowladnimo iyo in ay heleen hub ku filan oo ay kula dagaalamaan shareecada islaamka.

      “Cunaqabateyntaan gacamaha ayay naga xiraysaa maadaama lagu jiro xilligii ugu adkaa ee aan dagaalka kula jirno Al-shabaab” waxaa sidaas yiri Abuukar Cusmaan oo ka fal celinayay go’aanka kasoo baxay golaha ammaanka ee Q.midowday.

      Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay golaha ammaanka ee QM ka codsatay in laga qaado xayiraadda dhanka hubka ee saaran si ay u helaan aaladaha lagu dagaalamo, kuwaas oo ay u kaashan karaan dagaalka ay kula jiraan XSHM, balse go’aankan ayaa noqonaya mid dhabarjab ku ah kooxdaas maadama ay yihiin dhabadhilifyo aanan isku fileyn oo ku daaban dowladaha shisheeye.

    • kkk waa arin lagu farxo oo la qaadin cunaqabatay ta hubka ilaa laheloy dawlad laysku raacsanyahay oo amniga iyo xuduudaheeda difaacan karto
      maya dawlad ku sheega garguurte oo qabiilka ku shaqaysa

  2. Qurunka Midboobay, wax hub ah Oo cunaqabatayn ah ee Somalia saaran maba lahan. Bal e, adin kaaba geeya hubka iyo qarax yada Somalia, kuna dhaafsada inaad daba dhilif yaashiina aad ka qaadatan khayraad ka wadan ka.

  3. Waa ku saxan yihiin. MOORYAAN yaa hub ku aamini kara. Intii yarayd oo Farmaajo ka tagay waakan markii HAWIYE u qaybiyey isku xasuuqay. Magaalada Cadalle xasuuqa ka socda bay meel kasta ka dhigayaane.

  4. 2badiu dal ee cadowga ku ahaa somalia ee farmaajo xiriirka u jaray Kenya iyo Emirates waxay u codeeyeen in somali aan cunaqabataynta laga qaadin si ciidamada kenya ay u sii haysato jubbaland, kuwa Emirateska dhawaan hub ay soo geliyeen puntland si ay ula wareegi lahaayeen puntland iyo somaliland

  5. They know by history and by the fact that Soamlis are dangerous people. I tell the truth, the soon they lift that embargo, we will go inside Ethiopia, Fact! My advice for the Ethiopian Regime is to free the Somali States now before World War 3 starts because everyone knows World War 3 will start undoubtedly and there will be cheap and unlimited weapons around the World, but then, Ethiopians are Stupid as usual, they can’t see what is on the way. The reset is Sunnatillah and No one can change it.

  6. Soomaalidu wey ka adagtahay Kenya ayadoo aan hub haysan. Haddaba haddii Kenya diido in Soomaaliya cunaqabatayta laga qaado iyo hadday aqbasho markasta laga adag gudhuudaas.

  7. The good news is, Somali Government is allowed to purchase the weapon systems.
    1. Drones and other aircraft.
    2. Air defense systems.
    3.anti tank systems.
    4. Ships
    What else does the government need? While I think placing limits on the sovereignty of Somalia is a trouble idea I am happy with this outcome.

Comments are closed.