WARBIXIN: Tirada dadka dunida ku nool oo gaartay 8 Bilyan oo qof

Dadka adduunka ayaa Talaadadii gaaray 8 bilyan oo qof, sida laga soo xigtay saadaasha Qaramada Midoobay, iyadoo kobaca dadka intiisa badan uu ka yimid waddamada soo koraya ee Afrika.

Waxaa ka mid ah Nigeria, halkaas oo kheyraadku horeyba ilaa xadka uu u xaddidnaa.

In ka badan 15 milyan oo qof oo ku nool magaalada Lagos ayaa ku tartamaya wax kasta oo ay ku jiraan korontada sida ay nal ugu helaan guryahooda iyo sidoo kale gaadiidka dadweynaha sida basaska la raaco.

Qaar ka mid ah carruurta Nigeria ayaa u ambabaxay Iskuulladd shanta subaxnimo.

Soddonka sano ee soo socdana, dadka ku nool dalka ku yaal Galbeedka Afrika ayaa la filayaa inay intaas ka sii kordhaan, kuwaas oo tiradoodu ay hadda tahay 216 milyan, isla markaana gaari doona 375 milyan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Taasi waxay Nigeria keeni doontaa kaalinta saddexaad ee uu hadda Maraykanku ku jiro, iyaga oo ka hooseyn doona Hindiya iyo Shiinaha.

“Waxaan durbaba si xad dhaaf ah u ballaarineyna waxa aan haysanno – guryaha, waddooyinka, isbitaallada, iyo iskuullada. Wax walba waa la ballaarinaa,” ayuu yiri Gyang Dalyop, oo ah lataliyaha qorsheynta magaalooyinka iyo horumarinta Nigeria.

Qaramada Midoobay ayaa dalalka kale ee Afrikaanka ah ee dadkoodu kobcayo ku sheegtay Congo, Ethiopia iyo Tanzania.

Waxay saadaashu intaas ku dartay in dadka dunidu ay gaari doonaan ilaa 8.5 bilyan sanadka 2030, 9.7 bilyan 2050 iyo 10.4 bilyan sanadka 2100.

Waddamada kale ee liiskan ee sida xawliga ah u koraya ayaa kala ah Masar, Pakistan, Filibiin iyo Hindiya, kuwaas oo lagu wado in sanadka soo socda uu kobocoodu dhaafo Shiinaha oo ah waddanka ugu dadka badan adduunka.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dadka Mareykanka ee hadda jooga ay gaarayaan 337 milyan, iyagoo gaari doona 375 milyan sanadka 2050. Heerka kobaca dadweynaha Mareykanka ee 2021 wuxuu ahaa 0.1% kaliya, waana tii ugu hooseysay tan iyo markii la aasaasay Mareykanka.

AP/VOA

PUNTLAND TIMES 

5 Comments

  1. Ninkii lagu yaqiinay in ajanabi iyo kuffaar uu gurguurto ee Xasan Sheekh oo aan ku qanacsanayn qaabka uu u socdo dagaalkii uu ku iclaamiyay Al Shabaab.

    Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si ka duwan sidii hore uga hadlay dagaalka uu ku iclaamiyay wilaayaatka Islaamiga ah ee Shareecada Islaamka lagu maamulo.
    Kadib 3 bilood oo uu gobollada dhaca bartamaha Soomaaliya ka socday duullaan cirka iyo dhulka ah ayuu Xasan Gurguurte muujiyay wax u eg quus.

    isagoo ka hor hadlayay xildhibaannada baarlamaanka labadiisa gole ayuu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagaxisada, Xasan kama muuqan xamaasaddii hore wax lamid ah ee wuxuu umuuqday nin daallan oo aan ladhacsanayn dib udhaca ku yimid dagaalkii uu isagu iclaamiyay.

    “Maanta dalkeena iyo dadkeennuba waxay ku sugan yihiin meel aan ka noqosho laheyn, meel guuldarradu aanay boos uga bannaaneyn, Waxaan go’aansannay inaan u guntanno dagaalka dalka looga sifaynayo khawaarijta.ayuu yiri Xasan Sheekh.

    Bilo ka hor ayuu madaxweynuhu ku goodinayay in ay soo afjarayaan oo ay dhabarka ka jebinayaan Al Shabaab,Xasan Sheekh wuxuu sheegi jiray in ay ucaddahay wadada guusha ee ay Jihaadiyiinta ku burburinayaan balse hadalkiisi shalay wuxuu ka muuqday laba labayn huggaam ku jiro.

    Hadalka hoggaamiyaha dowladda Federaalka ayaa yimid maalmo kadib markii ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Macaawisleyda oo ay taageerayaan diyaaradaha Mareykanka ay dib ugasoo gurteen dhul ballaaran oo katirsan gobollada Hiiraan, Galguduud iyo Sh/dhexe.

    Kaartada dagaal ee Al Shabaab ay ku wajahayso isbahaysiga Shareeca ladirirka ah ayaa larumeysanyahay in ay naafeysay dagaalkii uu iclaamiyay Xasan Sheekh.

    Falanaqeeyaasha ayaa aaminsan in dagaalka oo waqtigiisu sii dheeraado ay dhabar jab weyn ku noqon doonto DF-ka iyo xulufadeeda shisheeye halka Jihaadiyiinta oo uusan waqti ku socan ay guul ku xaqiijin karaan.

  2. Adeer gurguurte waa uu ogyahay hadii dagaalka uu ku jiro sii daba dheeraado in villa somali aysan nabad ku fadhiyi doonin isaga iyo xuluumadiisa u dhowdahay in ay ka cararaan xamar cade .

  3. Habka dhabta ah ee u shaqeyn kara Somaliyeed 1837 qalaalsahii gumeystaha waa in aan la tirsan oo laga saaro Taariikhda Somaliyeed oo dhan!

    Hogaanka federaalka Somaliyeed waa inuu ahaado dunta hab Somaliyeed? (Nabadoon)

    # Nabadoonku waa inuu ahaado wadani
    # Nabadoonku waa inuu lahaado Koox cayiman oo ka kooban Nabdoonada Somaliyeed. 19 ugu badnaan sabab. 19 Waa Somalidii hore. waxii ka horeeyey 1837 qarnigii gumeystaha Africa.
    # Baarlamaanka Somaliyeed waa inuu ka kooban yahey Baarlamaanda dowlda xubnaha ka ah Dowlad goboleedyada. oon una jeedo. Baarlamaanka Dowlad goboleedka hirshabeele, Barlamaaka dowlad goboleedka Jubaland, Barlamaanka dowlad goboleedka koonfurgalbeed, Barlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, barlamaanka Dowlad goboleedka gobolka banaadir, Barlamaanka dowlad goboleedka Somaliland, Barlamaanka Dowlad goboleedka Puntland.

    # Somalida waa in loo qeybshaa # 4 qeybood oo kale ah lana maal galiyaa labadaba xoog iyo maal.
    1. Daryeelka bulshada (Heyada Caruurta ubadka yaryar daryeelkooda) Baaxad weyn leh loona baahan ayhey dowlad goboleedkasata inuu heyadaas dhismaheeda iyo hirgalinteeda. Hubiyaana shaqada adeega bulashada kormeerkeeda iyo joogtigaas ay masuul ka yahiin

    2. Daryeelka dhaqaalaha wadanka, ( Heyada dhaqaalaha wadanka oo dhan) baaxad weyn leh loona baahan yahey in dowlad goboleedkasta sameystaan kana furan yahiin gobkasta iyo gobol kasta ey dowlad gobolku ka kooban yahey. Masuuliyada ay leeyahiin dowlad goboleedkasta inuu ilaasho sixir bararka kobciyana dhaqaalaha dowlad goboleedyada.
    Dowlada federlka (Nabadoonku) iyo nabadoonadiisa ee ah 19 waa iney u adeegaan lana shaqeeyaan Heyada dhaqalaha dalka kobocooda, joogteeyaana, tani waa wax lagula xisaabtamayo.

    3. Aqoonsiga dadka Somaliyeed (Hayada aqoonsiga dalka Somaliyeed)Dowlada goboleedkasta waa inuu ku leeyahey xarumo gobol kasata iyo goob kasta ay ka kooban yahiin dowlad goboleedka. Dowlad gobolasta waa inuu maal galiyo xarumaha aqoonsiga dalka Somaliyeed masuulna ay ka yahiin dowlad goboleedka ilaalinta sharciga aqoonsiiga Somaliyeed.

    4. Heyada ilaalinta iyo maa galinta soohdimaha dalka Somaliyeed. (heyada soohdimaha dalka Somaliyeed) Dowlad goboleeedkasata waa inuu miisaamaa ilaalada soohdimaha waa muqadas dhab xaqiiq ah. waxaan ka saaran masuuliyad weyn,. ilaalada soohdimaha waxey wadankasta oo aduunka ka mid ah ka caawisaa kana ciyaartaa haldoorka nabad galayada wadanka.

    Dowlad goboleed kasata waxaa uu faran yahey inuu heyadaa maalgaliyo masuulna uu ka yahey iney hayadaas jirto oo joogto waligeed.

    2022

    # Somali Think tank!

  4. Ref:# Somali Think tank!
    Waxaan u jeeddaa baan u maleeyey waxaan ku riyoodey ha lagu dhaqmo. la yaabi maa waa dhaqan Somali sabebta ma fahmaan sharuucda dadku isla gartaan. Sharuucda rabi xitaa qiil dey ay kaga gudbaan bay isku dayaan.
    Structureka dawliga ah Waxaan ka dhaxalney qaababkii So called Nation state ka laakiin maanaan raacin qaabkii islaamiga ahaa. Sababta waxaa la burburiyey boqortoyadii Usmaaniyiinta oo laga koryeelay Nation stateka.
    Hadaba Nation stateku dawladdiisu waa ilmo wacal ah. lama islaameyn Beejada lagama goyn, looma welqalin,lama Somaliyeen oo dhaqan iyo qaab nololeedkii Somalida lama siin.Lama degaameyn. Waana sababta aan hadba inta dawlad dhisano isu dagaalno. Marka # Somali Think tank! waxaad rabtaa markale inaan dagaalno Sabeb ilmahaas wacalka ah baad xitaa intaan ka naqiin ka bedeshay.

Comments are closed.