XOG: A/Madoobe oo ka dalbaday RW Xamze ‘gacan gelinta gobalka Gedo’

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamze Cabdi Barre iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam oo kulan ku yeeshay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ka wada-hadlay xaalada gobalka Gedo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Puntlandtimes, in Axmed Madoobe uu ka dalbaday Ra’iisul Wasaare Xamze Aar in gacanta maamulkiisa la soo galiyo gobalka Gedo, oo sannadadii u dambeeyay ka maqnaa.

Xamze Cabdi Barre ayaa dhankiisa faray Wasiirka Amniga XFS iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi in ka shaqeeyaan siddii Jubbaland gacanteeda loogu soo celin lahaa gobalka Gedo.

Xogta aan helayno, Maamulka iyo Waxgaradka Gobalka Gedo ayaa arrintaas ka biyadiiday.

2019-kii Raysulwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ahaa Gudoomiyihii Guddiga doorashada Jubbalad ee caanka ku ahaa “ laba Xildhibaan keena aan hal ka qaatee” ee Axmed Madoobe kusoo baxay, reer Gedo-na qaadaceen.

PUNTLAND TIMES 

9 Comments

  1. Beentii ahmed madoobe

    Alshabaab baan la dirirraynaa kkkk Caasimadii jubbaland bu,aaale waxaa naga haysta Mujaahidiinta alshabaab hase yeeshee waxaan dagaal ku qaadaynaa ciidanka jooga maamulka gedo ciidamada alshaabaabna iyo ukumahooda ee bu,aale iyo jubbada dhexe jooga Haa iska noolaadeen . Kkkk
    Ilayn marka horeba madoobe wuxuu u joogay jubbaland ilaalinta xuduudaha iyo danaha kenya oo keliya .

    he is Kenyan puppet.
    Shaqaale kenya iska dheh

  2. ‘gacan gelinta gobalka Gedo’

    Oo gedo ma waxay moodeen koob xamse iyo fiqi hayaan la isku gacan gelinaayo kkkkk
    Mise sheekadii shabaab la dagaakankii ayaa isku badalay

    AABOW MIDKA YAR (alshabaab) IIGA CELI MIDKA WAYN AAN (reergedo) AAN ISKA CELSHE

  3. Warkii weynaa uu ka run sheegay dagaalka lagula jiro alshabaab mujaahidiin Prof, cabdi .ismaciil samatar
    CADAAB AAN DHAMAAD LAHAYN
    Prof, Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa Maqaal uu ku daabacay mareegta dailymaverick ee laga leeyahay dalka Koonfur Africa ayuu kaga hadlay dagaalka lagula jiro kooxda al shabaab.

    Maqaalka oo ahaa mid dheer ayuu Senetor Cabdi Ismaaciil Samatar ciwaan uga dhigay Istaraatiijiyadda Soomaaliya ee dagaalka lagula jiro al-Shabaab waxay dalka ku xukumi doontaa cadaabta weligeed ah isagoo si cad kaga hadlay arrimaha la dagaalanka Argagixisada, waxaana uu kusoo koobay Taariikh dheer kadib xalka iyo sida looga adkaan karo Al shabaab.

    “Madaxweynahu waa in uu aaminaa in aanu kalsooni ka heysan shacabka. Waa in uu dib u soo nooleeyaa kalsoonidiisa in uu yahay hoggaamiye qaran” ayuu kuyiri qoraalka

    Si taas loo helana 4 arrimood ayaa la gudboon ayuu yiri oo kala ah:

    1- Waa in la beddelo Raysalwasaaraha iyo golaha wasiirrada lana keeno kuwo ka tayo wanaagsan oo bulshada kicin kara, taladana lagu aamini karo.

    2- Waa in la xoreeyo Muqdisho. Xoraynta Muqdisho waxay rajo u noqonaysaa dalka intiisa kale.

    3- Dadka caasimadda waa in loo oggolaado in ay doortaan maayerka iyo golaha deegaanka.

    4- Haddii lagu guuldarraysto in arrintan si degdeg ah loo fuliyo, waxa ay faca Soomaalida dhaxalsiin kartaa cadaab aan dhammaad lahayn.

    CADAAB AAN DHAMAAD LAHAYN

  4. Gedo raggii lahaa ayaa joogo labo cagdheer oo kilidhka shanaad u dhalatay waxba lagama weyddiinayo 😂 labo reer cabdille ah oo laaji ah 😂😂😂😂

  5. Cagli Ogaadeen Wakaa, Gedo ii soo gacan geli kulahaa! Kkk
    War J. Hoose oo kali ah xureeya haddii aad dad tihiin Gedo waa xure! Kkk

    Hadda laga Billaabo Gedo waxaay kamid noqoneeysaa meelaha ah, “Under Federal government direct rules” sida Caasimada iwm!

    U maleyn maayo in uu jiro nin iga jeclaa in uu arko, Jubaland oo noqotay Maamul si sax ah u shaqeeynaya oo Puntland iyo Somaliland la tartamaya. Laakiin taasi waxaa diiday caqliga Ogaadeen ee shisheeyaha Qabbaanka u ah!

  6. Waryaa ninka bililiqeystey magaca ibrahim.sxb magaca aniga leh.qabiilka sharafta badan ee ogaden.magaceyga haku afkagaadeyn.magacaaga iyo qabiilkaaga isticmaal.hadii.raaye kugu yaalaan.

  7. Xumaanta iyo dhagar-qabe-nimada qofnimada Axmad Madoobe, ma aha in loo saariyo beesha Ogaadeen oo dhan. Ninkaanu shaarar-diimeed leh midabyo badan ayuu soo gashtay marar kala duwan, sida alshabaab oo ay ku heshiin waayeen qaybtii laga siiyay lacagta dakadda Kismaayo ka soo xerootay.
    Haddaad akhriso buugga la yiraahdo “The Practicalities of Living with Failed States,” oo u qayb ahaan qoray xoghayihii arrimaha dibadda ee Itoobiya ‘Seyoum Mesfin’, waxaad arkaysaa cidda Axmad Madoobe keensatay Kismaayo, iyo qaabkii u ku yimid.
    Ugaadeen dusha ha ka saarin xumida Axmad Madoobe, illeyn reer Garoowaba looma qabsan xumaantii agaasimihii socdaalkii u F. Burton ku dhexmaray gayiga Soomaalida-e, 1850-kii!

Comments are closed.