XOG: Labo qolo oo hor-taagan toogashada xubnaha Shabaab, ee fulin jiray dilalka Gaalkacyo

Sida ay ogaatay Puntlandtimes, xiisad aan weli soo shaac bixin ayaa ka jirta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, taas oo salka ku heysa Rag katirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo horey xukun dil ah ugu riday Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Puntland.

Raggan oo bilo kahor la qorsheynayay in lagu fuliyo dil toogasho ah, ayaa dib loo dhigay fulinta xukunkooda kaddib culeysyo dhowr jiho ah oo soo foodsaaray Madaxweynaha Puntland.

Xogaha ay heshay Puntlandtimes ayaa muujinaya in qaar kamid ah Hay’addaha caalamiga ee ka howlgalla Puntland ay ka dalbadeen Siciid Cabdullaahi Deni in aan lagu degdegin fulinta xukunka dilka ah ee Raggan, iyagoo ku doodaya in xukumanayaasha qaarkood aysan weli qaar gaarin.

Ilo sirdoon ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Deni uu aqbalay soo jeedintaas, kaddib cadaadis badan, balse uu ku gacan-seyray soo jeedino kale oo Hay’addahaas u soo gudbiyeen, sida in lagu wareejiyo xubnaha ay u tirinayaan in aysan qaangaarin, lana laalo xukunkooda dilka ah, taas bedelkeedana ay u sameyn doonaan dhaqancelin.

Sidoo kale, Qaar kamid ah beelaha ay kasoo jeedaan ragga ku xukuman dilka ayaa la sheegay inay ka dalbadeen Siciid Deni in loo sii daayo Raggooda lagu helay Shabaabnimada, maadama dadka lagu helay dilkooda ay iyaga kasoo jeedaan.

“Beel ayaa ku tiri Madaxweynaha, inoo sii daa Raggeena xukunan, maadama ay yihiin dhallinyaro cida dilkooda lagu helayna ay Beesha tahay, si Rag badan aysan isaga kaayo raacin” ayuu yiri xubin kamid ah Hay’addaha Amniga Puntland oo diiday inaan magaciisa adeegsano.

Dhanka kale, Dadka dilka eheladooda ay qirteen Ragga Shabaabka ah ee xukuman ayaa abaabul maleeshiyaad beeleed ka wada Gaalkacyo, iyagoo ku hanjabaya in hadaan xukunka lagu fulin maleeshiyaadka Shabaab, ay sameyn doonaan aargoosi qabiil.

Khuburada amniga ayaa walaac ka muujinaya fulin la,aanta xukunka dilka ah ee lagu riday xubnaha argagixisada Al-Shabaab ee lagu helay, warbaahintana ka hor qirtay inay geysteen dilal ka dhacay Gaalkacyo, iyagoo rumeysan in taas ay sababi karto aanooyin qabiil, iyo amniga Gaalkacyo uu faraha ka baxo, si halis badan, hanaankii Shabaab ay dilalka uga geysan jireen mudada 14 sano ah.

PUNTLAND TIMES 

1 Comment

  1. Issa(ID)
    Waxaan qabaa in la raaco sharciga (Alla Swc) iyo xeerka ciqaabta
    lana sugo markhaatiga,qirashada,iyo xogta danbi baaraha, laguna
    fuliyo sida go’aanku yahay, yaan xaqa jiljileec lagu arag, wbt
    (Qul xaqa wa low kaana mur)

Comments are closed.