XOG QARSOON: M/weyne Xasan oo Muuqaal u duubay dhiggiisa Eritrea,Kahor safarkiisii Asmara & dalabkiisa Ciidanka

Muuqaal ay heshay Geylan Media ayaa Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya u duubay dhiggiisa Eratrea Asias Afawerki iyo Ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalkaas, kuwaas oo ay Eratrea geysay dawladdii hore ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Muuqaalkan oo ay Villa Somalia u dirtay Madaxtooyada Eratrea kahor safarkii kowaad ee Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxweynuhu cudur-daar uga bixiyay hadalo uu jeediyay xilligii uu ahaa mucaaradka, sida in Ciidanka Soomaaliyeed ee u jooga Eratrea tababarka la iibsaday, loona gacan galiyay manaxe, kaligii-talis ah oo uu ula jeediyay Hoggaamiyaha Eratrea iyo Ciidankaas la galiyay dagaalkii waqooyiga Itoobiya.

Qeybta kowaad ee Muuqaalka Madaxweyne Xasan.

Qeybta labaad ee Muuqaalka Madaxweyne Xasan.

PUNTLAND TIMES

 

25 Comments

    • I don’t understand how Hassan sheekh can do and say so many horrible things to the somalian army in Eritrea yet still act like he is decent innocent human being,
      What a pathetic president !!

      • Somalia ayaa loo diiday in cunaqabateynta hubka laga qaado, Cadeymihii iyo codsiyadii ay usoo bandhigtay dhan iyo hadafka la dagaalanka AS marka la qiimeeyey kadib jawaab ‘Cunaqabateynta la idinkama qaadayo ah” ayaa lasiiyey. Haddaba dhinac in qaramada midoobay ay kaa dhahdo ”La dagaal argagixisada, Dhinacna in ay kuu diido hub taya leh oo aad ku dagaalanto maxaa laga fahmayaa?”. Haddii ay ku arkaan in aad ka niyad jabtay go’aankoodii si niyad dhis ah waxaa ay ku dhahayaan ”Bal waayahaye soo diyaarsada 100 wiil oo lix bilood jimicsi dalka dibadiisii aan ugu soo sameyno”.

        Wadan dagaal ku jiro oo hub loo diidaayo waxaa ay si cad ah kuu tuseysaa in qaramada midoobay Somalida oo dhan wada Alshabaab in ay u aragto, Si kasto dowlada ay isaga dhigto in Shabaab dagaal ay kula jirto, Weli qaramada midoobay kama dhaadhicin in Somalia uu kasoo muuqdo dhaqdhaaq Secular ah 😂 Siddaasi darteeda waxaa la oran karaa ”Qaramada midoobay waxaa ay ka baqday in ay hub ku caawiso dad iyaga oo dhan Potential-Alshabaab wada ah”. Hubaal waxaa ah %100 haddii Somaliya ay ka dhex arki lahaayeen dhaqdhaqaaq iyaga xaggoodii ka fiican oo Secular ah oo LGBT…İwm taageero si dagdag ah ayaa cunaqbateynta hubka looga qaadi lahaaa. Caksigeedii dad ku dhahaayo dowlad ayaan nahay haddana surweel yar oo xildhibaanad ay soo xirtay dood ka keenaayo qaramada midoobay waxay leedahay ”Soomaaliyey ama noo midab ekaada haddii kale ciyaartaan noogama caqli badin kartaan”. 😂

  1. Duqaan haduu gartayba qalad baad gashay waaba ka roon yahay saan malaynaayay, waan ka xumahay “beentii aan afuufaayay” waa wax la gartay balse lagama maqal ma ulaabanaayi..

    • DAMEER WAA UUN DAMEER

      Waxaa la yiri dameerku marka uu yaryahay waa ka qurux badan yahay dameerka weyn ee dhalay laakiin marka uu weynaado ugu dambeyn waxa uu noqdaa isla dameerkii uun.
      Sidaas si lamid ah ayaa la dagaallanka jihaadiyiintu ula fiicnaa dad badan laakiin ugu dambeyn waxa uu noqday uun isla dagaalkii caadiga ahaa ee shabaabka iyo shisheeyaha u dhexeeyay.

      Sida la ogyahay dagaalkii malleeshiyada Macawisleyda ee ka bilaabmey Hiiraan aad baa loo buunbuuniyey, waxa laga dhigey in qiyaamadii Shabaabku dhacdey laakiin jihaadiyiintu ma ay noqon kuwo sidii bacda u nugul, awood 15jirsatey qofkasta oo caqli lihi waa ogaa in aan usbuucyo lagu tirtiri karin balse dad badan baa sidaas wax loogu sheegay ka dibna aaminay.

      Dowladda Federaalka ayaa samaysey ballanqaadyo lacageed oo la siin doono qofkii dila xubin ka tirsan dagaallameyaasha Jihaadiyiinta. Cali Jeyte ayaa la arkayey isaga oo lacago guddoonsiinaya qofaf ka tirsan Macawisleyda. Xasan Sheekh baa sidoo kale ganacsato badan ku guubaabiyey in aysan bixin wax lacag ah oo aanay siin Alshabaab laakiin waxaas oo dhami ma noqon wax shaqeeya.

      Waxyaabaha cajiibka leh ee lagu arkay saaxadda dagaalka ayaa ah; in goobtii jihaadiyiinta laga saaro aan dadba loogu imanayn, waa khiddad dagaal oo la yaab leh isla jeerkaasna argagax ku ridday Xasan Sheekh iyo malleeshiyaadkiisa. Haddaba markii Xasan arkay waxaas iyo waxyaabo kale oo ay kamid tahay khilaafka kusoo noqnoqday sufuuftiisa ayuu u holladey in uu hurintii yarayd ee Farmaajo geeyay Asmara doonto.

      Ciidankaas oo laftiisa la sheego in Afwerki madaxfurasho u haysto. Ciidankaas ayaa noqon doona rajadii ugu dambaysay ee Gurguurte uu isticmaali doono. Haddaba ciidankaasi wax ma kusoo kordhin doonaan saaxadda dagaalka? Ilama aha laakiin taariikhdaa inooga jawaabi doonta.

      • Cali qaliif galayr allaha u naxariistee wuxuu horey u yiri isagoo raiisul wasaare ka ah dowladii cabdi qaasim hogaaminaayay ayuu yiri “DAMEER NIN DABA JOOGA DAN BAA BIDAY ”
        hadaba umada somaliyed ninkaan lahaystaha ah ee loo taliyo in ay wax ka sugaan dan baa bidday kkkkk

  2. Waa rag rag dhalay Hassan Maxamud tuug ciyaal ka xaday ka hadal hadaad run sheegayso ninkasto oo madax noqdo oo halyiy ah sida xassan ufardaamiyey wuu ku qabanaan laha in unfurled daamiyo sidaas ookale.
    Waxaad rabtaanin aad inkirtaan.
    1. In askaraynta ciyaal 16 jira ah shuruucda isku waafaqeen kaso horjeedo.
    2. In ciyaalka iyo walidiintaba been loo sheegay laguna yidhihi qadar ayaad usocotiin.
    3. In U.N. ka iyo Maraykanka ay ayagu ahaayeen dadkii sheegay in ciidan oo Eritrea joogay ka qayb qaateen dagaalka ahliga ah ee Ethiopia.
    4. In Dowladii ka qarisay war iyo wacaashooda waalidiintii dhashay iyo umada Soomaaliyeed.
    5. In ayaa lama huraan tahay lamacaamilka afduubaha si loo babaadiyo afduubanaha.
    Haday qasabto waa amaanaya afduubaha. Haday qasabto lacag baa lagu soofuranayaa.
    Hadii la awoodanah xoog baa lagu soofuranaya. Waxa aad la cabaadayso ood news ka dhigayso garanba mayo anigu.
    Hada ka hore waxaad soo qorteen in Xassan Dowladiisu gabadho dhoofinayso been bay arintaasu ahayd wayada dowlada mabnuucday in shaqaalow Soomaaliyeed dibada loo dhoofsho.war Hassan dhicimayee,Shabaab meeshan isticmaalo ee dacaayada ka daldalo block gareeya.

    • Cardka iyo Rajada kaliya ee Gurguurte u hartay in alshabaab waddanka ka saaro waa ciidankii 5000 ee Eritrea
      Sida isaga uu ku yiri waxaad tihiin ciidan rajada laga qabo in ay waddanka xureetaan

      Taas macnaheeda waa ciidankii hore ee waddanka loo dhisay uxuu ka dhigay una kala qeybiyay Gurguurte ciidan qabiil iyo ciidan uu kala diray kkkkk
      Rajada xassan waa ay liidataa
      Kadib fashilkii macawiislayda ku yimid iyo cuna qabataynta ay ku sii ad keeyeen dadkii uu saaxibada ka dhigtay ayna mid yihiin kenya iyo Emirates

    • @ Gurey- Sxb adiga iyo Guurguurte isku caqli baa tihiin. Siduu hada ku keenay inuu yiraahdo marna waa caruur la iibsaday haddana yiraahdo waa ciidan ee dalka ha xoreeyaan. Caruur la xaday oo la helay soo tii waalidiintood loo gayn jirey. Ma child soldiers buu dagaal galinayaa? Soo dambiile kale maaha. BEENTU ORAD GAABANAA.

  3. War ninkii Culusoow ahaa wuxuuba u ekaaday ninkii ahaa, “afawerki”!!kkk

    Culusoow sow ninkii yiri maahan isagoo u Qudbeeynaya Askar Turkiga joogto, Anigu maanta haddii aan dhinto, hal Guri oo aan leeyahay la iga dhaxli maayo! Kkk Oo yaa weeydiiyey?! Kkk

    Culusoow sow ninkii ciidan uu u Qudbeeynaya ku yiri maahan, “aryaa Ninkaanan 100 dollar mishaar u qqadaneyn guriga Habartiis ha aado”?! Kkk

    Culusoow sow ninkii mid kamid ah Askartii uu Eretria ku booqday ku yiri maahan, Aryaa Adigu gobolkee ka soo jeedaa(Qolomaad tahay)?! Kkk

    Ninkii Culusoow wanaag ka sugaaba, ha u keeno!!!!!

  4. Mashruucii xassan sheekh uunlacagta ky soo qaatay oo heer gabo maraaya .

    Waxaa isi soo taraya xildhibaanada iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee walaaca ka muujinaya habqanka iyo habacsanaanta ku timid dhaqdhaqaaqyadii dagaal ee ay ka wadeen degaanada qaar sida kuwa Hiiraan iyo Galgaduud.

    Maxamad Ibraahim Macallimoow ayaa fashilkan soo food saaray DF u isticmaalay “hakad” ku yimid dagaaladii ay wadeen ciidanka dowladda iyo malleyshiyada la socota, wuxuuna walaac ka muujiya sida uu haatan xaalkoodu yahay.

    Wuxuu qiray in ciidanka dowladda ay marar badan saacidaad cirka ah ka heleen diyaaradaha Mareykanka tan oo marar badan su’aalo laga keenay la isna weydiiyay waxa isku dhufeys iyo isku qadiyad ka dhigan ciidanka Mareykanka oo Kiristan ah iyo kuwa DF.

    Isagoo sii hadlaya ayaa waxa uu si gaar ah uga walaacay wixii ka dhacay Wabxo oo ahaa in ciidankii DF ee qabsaday ay joogi waayeen islamarkaana ay si degdeg ah uga soo carareen kadib markii ay dagaallo iyo cidlo la kulmeen.

    “Wixii Wabxo ka dhacay oo kale haddaad aragto waxay keeneysaa in dadkii dhiiranaa ee rabay ma aragtay iney nidaamka iyo dowladda soo dhaweeyaan uu shaki galo” ayuu yiri, wuxuuna in badan ka gaabsaday sababta keentay fashilka DF.

    Madaxweynaha DF Xassan Sheekh Maxamuud oo dhawaan ka hor hadlayay Baarlamaanka kana warbixinayay wixii u qabsoomay 6 dii bilood ee uu xilka hayo ayaanan marnaba sheegan wax guul ah oo ku aadan dagaalka iyado wajigiisa aan laga dheehaneyn kalsooni iyo dhiiranaan, halka bilihii lasoo dhaafay uu awood badan sheeganayay.

    Khubarada milatariga iyo siyaasiyiinta xog ogaalka ah ayaa horey u sheegay in dagaalka ay waday DF uu ahaa qandaraas laga soo qaatay Mareykanka kuna eg hadba inta ay lacagta qandaraaska ku eg tahay, waxaana muuqanaysa in lacagihii lagu soo qaatay hawlgalkan ay sii gabaabsiyayaan.

    Dad badan oo ku dakanoobay dagaalkan ayaa billaabay iney dib ugu laabtaan qurbihii ay markii hore kaga yimaadeen mashruucan halka kuwa kale ay isaga tahriibeen wadanka, walow Xarakada Al-Shabaab ay ballan qaaday iney cafis u fuduneyso ciddii kasoo baxday nidaamka DF ee ku ollogga ah Mareykanka iyo shisheeyaha kale.

  5. To: all
    Hassan guri waa runtiis mudan dhisan A A xade hadaad guri uu kadhistay xoolo wadanka uu kaxaday cadayn bay ubaahantay. Hadii aadan hayn waa kutidhi kuteentii puntland times. Waxaad makhraati ka ahayd in puntland times horay uqortay gabdha Arabaha loo dhoofinaya.Markuu warkaasi war kaduwan soo baxayna way kudhiciwaayeen xataa in qoraan. Maxamdd nugaal ka sito u jawaab mayo. maxayeelay nin caytamayo waa nin cadhaysan si wanaagsan wax uma Cabiri karo.
    1. Wiilashu da yar bay ahaayeen qalad bayna ahayd sharciyan iyo caqliyanbo in la askareeyo. Maxaa udaliilah in ay da yar ahaayeen. Waxaa udaliil ah wiilkii uu maxawayne Hassan la hadlay booqashadiisii u danbaysay. Kaaso ka sheegay TV hortiisa in uu 20 jir yahay 2022 marka 2017 meequu jiray? 15 ayuu jiray.!
    2. In walidiinta iyo wiilashaba loo been guuray ayadan waalidiinta ayaa ka hor qiray TV oo wax duuban oo ay daawan karto cidii danaynso.
    3. Shan sano tabar soconayo in uusan jirinah caqliga ayaa ina Barayo.
    4. Fikrada odhanayso ciidanka hadeerba loo baxsanayaa ee qaladaakii Farmajo ha la iska ilaawo Hana hambalyeeyo. Waxaan uga jawaabaya (a) horta somalia ciidan uma bahnee waa nin iyo qori (b) ayadoon wiilasha Eritrea jooga lakeenin ayaa hadeerba dhul balaadhan Shabaab laga xureeyey taas waxay tusinaysa in wadanka Shabaab ka adkaan doonoh haday cidanka Eritrea inaga jira yimaadaan iyo hadaysan imanbo (c) amaanta ciidanka Soomaaliyeed meelkastooy joogaanba waa kusaxan yahay madaxwaynuhu. (d) Umahad celinta Madaxwaynaha Eritrea midsiyaa sadeed oo duruufaha soo galbinta ayaa qasab kadhigayso dhabcan doodna uma baahano. Taas a halkaas kuso xidhaya.
    5. Mida dadka qaar ka shanqadhiyeen ee ah in dagaalkii hakad galay way u muuqatay. Hase yeeshee waxaan meesha kujirin in been la abuuro oo la yidha lacag buu dagaalku Hassan ku xadayey. Efifaalaha waxuuba ino bildhaaminaya in dagaalka ka dhanka ah Shabaab uu xoogaysan doonoh maal maha inaga soo aadan. Isku soo duuduub hadii aanan laxni iyo qabyaalad lawadin lixdii bilood ee uu Xassan xukunka joogay maysan xumayn.

  6. Guray garaad laawe

    Ma inoo sheegi kartaa waxa ay ku kala duwan yihiin diyaaradaha mareykanka iyo kenya iyo xula fadooda ee duqeynta ka wada baadiyaha ku nool shacabka muslimka ah ee beeralay iyo xoolaley da ah

    Ee ku hoos nool alshabaab meel ay aadaan aysan jirin
    Xassan sheekh uuna banaystay dhiigooda isagoo yiri waa la duqaynayaa cida alshabaab la nool iyo cida ay lajoogan

    Iyo alshabaab oo yiri waan qarxinaynaa dowlada ridada ee Maraykanka uu taageero cida la nool iyo cidii la joogtaba
    Hadaba umadan waa loo tashtay in sidaas loo xasuuqo ee Xassan sheekh iyo sheekh cali dheere waa dameero u shaqeeya danaha shisheeye .

  7. What choice Hassan Shiikh have? Bal idinkuba caqligiina isticmaala, hadii ciyaalkaaga ma naxe haysto sida Afwerki, what would you do? Nacalad nacalad dhashay baad tihiin, ma xili Xasan Shiikh la mucaarada? Marexan iyo Iidoor waxay ka shaqeeyaan isku dirka Daarood iyo Hawiye, ka digtoonaada Soomaaliyeey waxay noqdeen dad u adeega Ethiopia.

  8. Gurey.

    Qaangaarka Qofka Muslimka ah waa 15 sano jir, laakiin haddii aad mabda’da Gaalada aaminsantahay ma ogi!

    Mooryaan Mahbar1

    Marka hore nacallada iska daa. Marka xigta Mareexaan sow isagu Daarood maahan, sidee buu Daarood iyo Hawiye isugu diraa?! Kkk
    Xaggeedse ku aragtay Daarood iyo Hawiye heshiis ah?!

  9. To magaca Farax midka sita.
    Maandhow garaad inta aan leeyahay Alle ayaan ugu Mahad celinayaa ama ha yaraado ama habadnaade.
    Shabaab ayaguba waa gaalo. Inta ay gaaludu kale dileen iyo gaalad Shabaab inta ay dileen yaabadan weeyo suaashu. Jawaabtu waa marag madoonto. Kumanaan kun oo waxba galabsan oo muslimiin ah ayaa gacata Shabaab shayaadhiinta ah ku baxay.

  10. AA xade
    Madhabteena shaaficiyada ah sida aad sheegtay ayey qabtaa. Anigu kama hadlayn arintaasu. Waxaan qayb nahay heeshiis caalami ah ooy dowladii Farmaajo aqoon sanayd. Marna in diinta lagu gabado marna gees la iska dhigo waa waxa ina kharibay. A A Xade arinta wiilasha Eritrea jira hab kale ood kudifaacdo Allah wuu dhigaye dooda yeysan inooga leexan meel ay naan cilmi waafiye u haysan. Oo qaan gaadhidu inay 15 tahay aaraa kaladuwan ayey culumadu kaqabta.

  11. TAARIIKHDA MAAMUL EE LAGA DHAXLAY XUKUNKII MADAXWEYNE SHIIKH SHARIIF SHIIKH AXMED! Q 3AAD.

    4- 31dii Janayo 2009kii waxaa Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti lagu qabtay doorasho uu ku guuleystey Mw Shiikh Shariif Shiikh Axmed, markii la doortay kadib-na wuxuu dowladiisii soo dejiyey Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, mudadii uu shaqeynayey Mw Shiikh Shariif Shiikh Axmed sooma ban dhigin siyaasad dhaxal u reebta beellaha uu ku abtisado ee Hawiye wuxuuna raacay wadadii ay raaceen Madaxweynayaashii Hawiye ee ka horeeyey ee aheyd (QAWDA MAQASHII WAXBANA HA U QABAN) tolkaa Hawiye.

    Mw Shiikh Shariif Shiikh Axmed isagoo ku dhaqmayey damiinimadii siyaasiyiinta Hawiye ee ka horeyey ayuu soo dhisay xukuumad u badneyd qurba joog, wuxuuna dhabarka u jeediyey ragii lasoo halgamey ee Hawiye ee ay kawada tirsanaayeen midowgii maxaakiimta Islaamiga.

    Wuxuuna bedel kooda dhabarka soo saartay siyaasiyiin kasoo kala jeeda Beellaha Daarood, Dir, Digil iyo Miriflle iyo Beesha Shanaad isagoo iska fogeynayey siyaasiyiinta Hawiye ee ay talo iyo deegaan wadaagga ahaayeeen isla markaana ay isla soo halgameen.

    Taariikhda laga qoray Mw Shariif Shiikh Axmed waxey aheyd Garoowe One iyo Two oo hal ku dhigeedu ahaa wax walba waxaa iska leh Putland, Muqdisho-na maqaam ma leh loomana baahna iney maqaam yeelato, aniguna ku talin maayo waqtigaan la joogo, marka uu sidaas leeyahay Mw Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa la joogaa garoowe, taariikh daas ayaana laga qoray.

    Mw Shiikh Shariif Shiikh Axmed Beellaha Garoowe degga ee Daarood wixii kasoo haray ee mustaqbalka siyaasadeed xambaar sanaa wuxuu u hibeeyey siyaasiyiinta Dir, Digil iyo Miriflle iyo Beesha Shanaad, iyaga ayaana u taliyey go,aamadii wax qeybsiga ee aan Hawiyaha laga xusin ee lagu heshiiyey waqtigaas markii lagu shirsanaa Garoowe.

    Mw Shiikh Shariif Shiikh Axmed waqtigaas garoowe lagu shirsanaa ee uu isu duleynayey Beellaha ay siyaasadda ku coloobeen dadkiisana uu muqtaqbal kooda dayacayey ujeedadiisu waxey aheyd inuu ku guulleysto doorashadii soo socotey, taasina ma dhicin oo waxaa la doortay Mw Xasan Shiikh M

    Mw Shiikh Shariif Shiikh Axmed Dowlaadii uu hogaaminayey Hawiyuhu marti ayey ka ahaayeen wuxuuna xilkii Madaxweynaha waayey isagoo aan gacan ku heyn saaxiibadiisii ay soo wada halgameen, taasina waxey cadeyn buuxda u tahay inaaney siyaasiyiinta Hawiye weligood qaan gaar noqon doonin inta ay is xasdayaan dhexdooda, cadowgooda ay siyaasada ku xafiltamaana ay dhabarka u saaran yihiin.

    TAAARIIKHDA MAAMUL EE LAGA DHAXLAY XUKUNKII MADAXWEYNE XASAN SHIIKH MAXAMUUD!

    5- waxey aheyd 10kii Sebtember 2012 tartan doorasho ee ka dhacay Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa lagu soo doortay Mw Xasan Shiikh M, mudadii uu xilka hayey ee aheyd 10kii Sebtembar 2012-7 Febrayo 2017kii waxba sooma kordhin.

    Mw Xasan Shiikh M wuxuu ahaa masuul siyaadda ku cusub horayna aan fagaarayaasha siyaasadda loogu aqoon, inta la og yahay ee ah taariikh-da siyaasadeed waxey aheyd inuu ka mid ahaa gacan yara yaashii lasoo shaqeeyey AUN Madaxweyne Cali Mahdi M si gaar ahna wuxuu ahaa la taliyaashii qeybta weyn kasoo qaatay kala geyntii iyo is fahmi waagii la kala dhex dhigay AUN Mw Cali Mahdi M iyo Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid.

    Mw Xasan Shiikh M mudadii uu xilka hayey waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa macalin yaqaana sida dhaqaalle aruursiga loo sameeyo, wuxuuna u muuqdey masuul lasoo shir tegey kooxeysi, wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed baray koox diimeedka (DAMUJADIID) oo aan horay loogu aqoonin fagaarayaasha siyaasadda.

    kooxda (DAMUJADIID) oo horay uga mid aheyd xarakada (AL ASLAAX) ayaa kasoo go,day noqotayna koox madax banaan, Madaxweyne Xasan Shiikh M isaguna sooma ban dhigin siyaasad wax tar u ah metelaada Beellaha Hawiye, bedelkeedana wuxuu xoogiisa isugu geeyey sidii uu u dhisi lahaa kooxdiisa (DAMUJADIID).

    Kooxda (DAMUJADIID) ayaa waxaa ka mid ah dhalinyaro kasoo jeeda Beellaha Hawiye oo aan laheyn waaya aragnimo siyaasadeed waxaana lagu soo tarbiyeeyey iney isaga fogaadaan qabiilka, sheegashadda qabiiladooda iyo wax ku noqoshada magaca Beellahooda waxaa looga dhigay wax ceeb ah, taasina waxey sababtay in dhalinyarada Hawiye ee ka midka ah (DAMUJADIID) ay iska hilmaamaan ku tiirsanaanta qabiilkooda Hawiye.

    Dhalinyarada Hawiye ee ka midka ah (DAMUJADIID), nidaamkii wax qeybsiga ee 4.5 waxaa loo tusay wax ceeb ah oo aan la qaadan karin, waana tan sababtay in la waayo siyaasi Hawiye oo ka mid ah Kooxda (DAMUJADIID) ee difaaca una dooda beesha uu kursigeeda ku fadhiyo ee Hawiye.

    Bedel keedana Dhalinyaradda la marin habaajiyey ee Hawiye waxey u doodaaan oo ay difaacaan shaqsiyaadka ka soo jeeda Beellaha kale ee Soomaaliyeed kana midka ah (DAMUJADIID, halka kuwa ka midka ah DAMUJADIID ee ka tirsan kooxdooda kana soo jeeda Beellaha kale ee Soomaaliyeed ay u doodaan isla markaana ay difaacaan qabiiladda ay u dhasheen ee ay ku metelaan kuraasta siyaasadda ee ay ku fadhiyaan.

    Mw Xasan Shiikh M markii aan baaritaan dhameystiran ku sameynay hab dhaqankiisa xambaarsan awood siinta kooxeysiga, ka fogaan shiyaha habka ku dhaqanka 4.5 iyo sida uu uga tanaasuley ku tiir sanaanta qabiilkii uu u dhashay ee Hawiye ee uu metelaadooda ugu fadhiyey kursiga hogaaminta dalka iyo sida aan ka fiirsiga laheyn ee uu u dhuminayo dhalinyaradda Hawiye ee ka midka ah kooxda (DAMUJADIID).

    Taasina waxey cadeyn buuxda u tahay in uu halis ku yahay Mw Xasan Shiikh M metelaadda, maamuuska iyo hiigsiga siyaasad maqaam keedu sareeyo ee ay gaaraan Beellaha Hawiye, siyaasadda kooxeeysiga ku dhisan ee uu xambaarsan yahay Mw Xasan Shiikh M waa mid u daneyneysa isaga kaliya ee aan maslaxo ugu jirin Beellaha Hawiye iyo mustaqbalkooda ku aadan saaxadda siyaasadda.

    Mw Xasan Shiikh M Mudadii uu xilka hoogaaminta Dalka hayey ee ahyed 10 Sebtembar 2012-7dii Febrayo 2017 mujtamaca Hawiye ee uu ka dhashay kuna metelo saaxada siyaasadda wax dhaxal siyaasadeed, dhaqaalle iyo mid amni ugama tegin kamana aysan macaashin hogaamintiisii Dalka, kaliya hogaamintiisa waxaa ka macaashay kooxdiisa DAMUJADIID.

    Mw Xasan Shiikh M ayaa mar labaad nasiib u yeeshay in dib loo soo doorto waxaana lagu soo doortay Muqdisho 15 May 2022, markii uu xukunka ku guuleystey waxaa laga qabey rajo weyn oo wax dhiseysa, Raisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka tirsan kooxda (DAMUJADIID) ayuu soo magacaabay isla markaasna soo dhisay xukuumad uu taladeeda lahaa Mw Xasan Shiikh M.

    Waxaase la yaab noqotay markii uu Mw Xasan Shiikh M sameeyey il duuf siyaasadeed oo aan horay loo arkin, wuxuuna shaqadii u fasaxay isla markaasna uu kalsooni buuxda siisey siyaasiyiintii iyo saraakiishii hogaamineysey Hay,adaha amniga ee uu dhisay Mw Maxamed Cabdulahi Farmaajo, taasina waxey sababtay inuu xarig xarig u xiri waayo oo ay fashiliyaan isku day kasta oo ay dowladiisu ku sameyn laheyd horumar siyaasadeed iyo mid amni.

    Sababta uu Mw Xasan Shiikh M xilalkooda ugu dhaafay saraakiishii iyo siyaasiyiinta Nabad iyo Nolol ee uu geed fadhiga u yahay Mw hore Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa aheyd mid aan laga fiirsan, kuna saleysneyd aragti gaabni siyaasadeed.

    Kooxda Nabad iyo Nolol ayaa mudadii ay xukunka dalka heysey waqtigooda ugu badan ku bixisay sidii saaxada siyaasadda ay uga saari laheyd Mw Xasan Shiikh M iyo siyaasiyiinta Hawiye ee mucaaradka la ahaa mudadii shanta sano iyo afarta bilood aheyd ee ay xukunka heysey dowladii Ina Farmaajo, iyadoo loo adeegsadey isku day dilal qorsheysan Mw Xasan Shiikh M wuxuu maanta ku nool yahay inaan tiisu gelin ee waxba looma reeban. Aqriste la soco Q 4aad Insha Allah.
    by Seeraar Cadde

  12. Puntlandtimes dulqaad badanaa!
    Bal fiiri midkan Seeraar Cadde la baxay ee 10ka “Page” ee uu ku xayeeysiinayo, Shariifkii Munaafuqa ahaa ee raggii uu hoggaaminayey intuu dagaal uu Jihaad ugu sheegay geliyey, Badda Madow kaga dhuuntay ee la arkay, isagoo aay “Hilton Hotel” oo Nairobi ku yaala CIA waardiye kaga haayso!
    Hadda ogsoonaw marka uu inta oo Ak47ka qaato uu maalinta Ciidda ah Kismaayo dadka ugu Qudbeeynayo oo uu Jihaadka kula ballamayo, wuxuu hoosta ku haaystaa, qalab isgaarsiin ah oo aay CIAda siisay oo uu kula xariirayo iyo qiddo aay u dajiyeen oo uu kaga baxsanayo, raggiisa cirka laga duqeyn doono!
    Taas oo uu ogaa in aay dhici Doonto, laakiin uu raggii uu hoggaaminayey ka qarinayey!!!!!!

    War Shariif Af gaduudka aad noo amaaneeyso maahan, ninkii inkiray baddii aay Kenya lacagta kaga qaateen, isaga iyo raggii uu Madaxweynaha u ahaa ee amarkiisa ku shaqeeynayey?!

    War Shariif munaafuq miyuusan ahayn, ninkii si aay Madaxweyne oga dhigaan, aay ICA iyo odayga Caloosha weyn ee Jabuuti haasto aay Baarlamaankii Soomaaliya dartii oga dhigeen, 500 oo Xildhibaan?!!!

    Awal baanan hadal wanaagsan ka sugeyn, Dammeer dhaamiye Caweys lagu dhalay! Kkk

  13. TAARIIKHDA MAAMUL EE LAGA DHAXLAY XUKUNKII AUN MADAXWYNE CALI MAHDI MAXAMED! Q 2AAD.

    2- 1991dii waxaa Dalka Jabuuti shir isugu tegey jabhadihii waqtigaas Dalka ka saaray Kaligi Taliye Maxamed Siyaad Barre, waxaana xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya loo magacaabay AUN Cali Mahdi Maxamed, magacaabis taas-na waxaa ka biyo diidey AUN Jeneral Maxamed Faarax Caydiid, waqtigaas-na siyaasiyiinta iyo wax garadka Hawiye waxey ku guul dareysteen iney labada dhinac ee is hayey ku qanciyaan in la isu tanasulo lana sugo mudo xileedka labada sano ah ee la siiyey AUN Mw Cali Mahdi Maxamed.

    Sidoo kale, kala geynta AUN Mw Cali mahdi Maxamed iyo Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid waxaa qeyb lixaad leh ka qaatay AUN Jeneraal Maxamed Abshir Muuse (Haabaan) iyo siyaasiyiin Daarood ah oo uu hogaaminayey waqtigaasna ku sugnaa Caasimadda Muqdisho iyo Siyaasiyiin Dir ah gaar ahaan Isaaq oo uu hogaaminayey AUN Dr Cumar Carte Qaalib oo waqtigaas loo magacaabay dowladii AUN Mw Cali Mahdi M Raisul Wasaarihii Xukuumadaas.

    Labadaan masuul ee aan kor kusoo sheegnay iyo saaxibadood ayaa qeyb weyn ka ahaa isku dirkii labada masuul ee Hawiye, waxeyna si weyn isugu dhabar jebiyeen inuu sii xoogeysto is maandhaafkii ka dhexeeyey Mw Cali Mahdi Maxamed iyo Jeneral Maxamed Faarax Caydiid, taasina waxey sababtay inuu dhaco dagaalkii qaraaraa ee ka dhacay Muqdisho, dagaalkaas oo loo bixiyey (AFAR BILOODKII).

    Dhac dadaas naxdinta badneyd ayaa waxaa ka dhashay qasaaro isugu jirey naf iyo maalba, waxaana ku dhintay shacab aan waxba galabsan oo ay tiradoodu gaareysey kumanaan qof isla markaasna ay ku barakaceen kumaanaanka qoys ayna ku bur burtay hantida faraha badani.

    Dhacdadaas nasiib darada xambaarsaneyd ee waqtigaas la diiwaan geliyey waxey qeyb ka aheyd damiinimadda dhinaca siyaasadda ah ee heysatey siyaasiyiinta Hawiye ee iyagu garan waayey iney xaliyaan is af garan waagii ka dhex jirey labadii hogaamiye ee ugu tunka weynaa halgankii Dalka looga saaray Kaligi Taliye Maxamed Siyaad Barre.

    Iska daa iney heshiisiiyaan siyaasiyiinta Hawiye labadii hogaamiye AUN Mw Cali Mahdi iyo Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid wey lakala safteen, welibana waxey ka shaqeeyeen ineysan heshiin iyaga ayaana sabab u ahaa iney dagaalamaan ciidamadii ay kala hogaaminayeen labada masuul ee ay dhaxda gashadeen wax ma garatada Hawiye iyo kuwa kasoo jeeda Soomaalida ee waqtigaas daneynayey inaaney Caasimadda Muqdisho degin Hawiyuhuna aaney ku guuleysan hankoodii siyaasadeed ee ahaa iney Dalka hogaamiyaan kana dhiisaan Dowlad iyo Dal xasiloon.

    Markii leysku diray Madaxdii Hawiye ee ay dhexdoodana ka heshiin waayeen waxaa ka faa,iideystey cadowgooda Soomaaliyeed ee ay kala dhexeysey xafiltanka iyo isku dhibaateynta siyaasadda, Beellahaas-na waqtigaas waxaa ugu fir fircoonaa Daarood iyo Dir, gaar ahaana Isaaq iyo Majeerteen.

    Mudo yar ka dibna waxaa amar soo rogey Raisul Wasaarihii waqtigaas madaxda ka ahaa Xukuumadii dhisneyd AUN Dr Cumar Carte Qaalib, wuxuuna ka hadlay Radio Muqdisho isagoo Ciidamadda Qalabka sidda ku amray iney ku wareejiyaan jabhadii SNM ee Isaaq hubkii ay ku qalabeys naayeen Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan ee ku sugnaa deegaanadda waqooyiga Soomaaliya.

    Hubkii waqtigaas yaaley waqooyiga Soomaaliya maantana la baxay Soomaaliland ayey ciidamadii Soomaaliyeed ku wareejiyeen jabhadii Isaaq ee SNM iyagoo fulinaya amarka xukuumadii waqtigaas jirtey ee qabyaalad dhaqmeysey, siyaasiyiinta Hawiye ee waqtigaas joogey hurmuudkana ahaa ma garan karayeen waxa ay garteen xiligaas Raisul Wasaare Dr Cumar Carte Qaalib iyo Jeneral Maxamed Abshir Haabaan? jawaabtu waa maya, taasina waxaa sabab u ah siyaasad damiinka Hawiye ee mar walba taagan daawadana loo waayey.

    Go,aankii masiiriga u ahaa Beesha Isaaq ee ahaa hadiyadda siyaasadeed ee uu gudoon siiyey AUN Cumar Carte Qaalib waxey Beesha Isaaq dhaxal siisay iney ku dhiiradaan dib-na uga fiirsadaan midowgii ay la midoobeen Koofur Soomaaliya 1dii July 1960kii, aragtida waqtigaas uu curiyey Cumar Carte Qaalib-na waa tan ay mirahooda maanta guranayaan jiilalka ku abtisada Beesha Isaaq.

    TAARIIKHDA MAAMUL EE LAGA DHAXLAY XUKUNKII MADAXWEYNE C/QAASIM SALAAD XASAN

    3- 25kii Ogosto 2000 ayaa Wadanka Jabuuti Magaalada Carta waxaa lagu soo gaba gabeeyey shir muddo uga socdey Beellaha Soomaaliyeed, Cartana waxey noqotay xarunta lagu soo dhisay nidaamka wax qeybsiga ee 4.5 ee ay Soomaalidu wax ku qeybsadaan maanta.

    Doorashadii taariikhda gashay ee ka dhacday teendhadii laga dhisay Magaaladda Carta ayaa irdaha u furtay rajo soo celinta Dowladnimadii Soomaaliyeed ee mudada la sugayey, doorasho dhacday 25kii Ogosto 2000 waxaa lagu doortay Madaxweyne Dr C/qaasim Salaad Xasan.

    Mw Dr C/Qaasim Salaad Xasan Mudo yar kadibna wuxuu xarun ka dhigtay Magaalada Muqdisho isagoo aan wax garab istaag ah ka helin siyaasiyiinta iyo beelaha Hawiye, kadib markii ay u diideen inuu ku shaqeeyo madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ay waqtigaas gacanta ku heysey beesha Sacad ee Habargidir.

    Mudadii uu shaqeynayey Madaxweynuhu waxaa Muqdisho ka dhacay dagaalo beeleedyo lagu fashilinayey dowladiisa kadib markii uu Mw C/qaasim Salaad Xasan uu u caal waayey mucaaradnimada siyaasiyiinta Hawiye iyo maleeshiyo Beeleedyadda hubka faraha badan ku heystey Muqdsho ee ay waqtigaas ugu tunka weynaayeen AUN Cismaan Xasan Cali (Caato), Maxamed Qanyare Afrax iyo Muuse Suudi Yalaxow iwm ayuu go,aansaday inuu Soomaalida dib ugu celiyo amaanadii ay u soo dhiibteen.

    Mw C/Qaasim Salad Xasan ayaa geeyey amaanadii loo dhiibey shirweynihii ka socdey Magaalada Eldoret ee Dalka Kenya, shir mudo ka socdey halkaasna waxaa lagu soo doortay AUN Mw C/laahi Yusuf Axmed 10-kii Oktobar 2004.

    Doorashadii ka dhacday Eldoret waxey muujineysey damiinimada siyaasiyiinta Hawiye heysatey waana sababta keentay iney waqtigaas guul dareystaan.

    Guul daradii labaad ee Beellaha Hawiye iyo siyaasiyiintooda ku habsatey waxey aheyd markii uu AUN Mw C/laahi Yusuf Axmed uu go,aansaday inuu dejiyo Dowladii uu hogaaminayey Caasimadda Muqdsho.

    Taasina waxey Hawiye ka dhigtay bulsho aan xasaabtami karin kadib markii ay Villa Soomaaliya ku soo dhoweeyeen Mw Cabdulahi Yusuf oo waqtigaas ku goodinayey inuu cagta marinayo cid walba oo ka hor timaada Dowladiisa, Dadka uu u hanjabayey-na waxey aheyeen Beellaha Hawiye.

    Beellaha Hawiye gaar ahaan Habargidir Sacad ayaa Mw C/lahi Yusuf kusoo dhoweeyey Villa Soomaaliya oo ay horay ugu diideen walaalkood isla markaana ahaa hogaamiyihii lasoo doortay Mw Dr C/qaasim Salaad Xasan, taasina waxey daliil cad u tahay damiinimada siyaasadeed ee siyaasiyiinta Hawiye welina daawada loo weysan yahay. Aqriste la soco Q 3aad Inshallaah
    by Seeraar Cadde

  14. Issa(ID) Sarar-cadde, Waxaan kuu arkaa,nin cadhuuftiisa u macaatay oo muudsanaya wuxuu arkaba horay u liqay (xalaal iyo xaaraanba) oo Gu’gii, (Agoon Abti-waa)1991,ku Danbaabay,ku dibiray,kuna dacarobay, Magacaaga ayaa qiraya muuqaalka aad sheegatay oo ku xusan Waqtigaas mahadhada reebay oo(Dad,Duunyo iyo Dalba) ku maqan yihiin,Sarar cadow ma raad gadan kartid,oo raacdaa ku dabataal, (Waqti)
    danbe,lagu siin-maayo) 32 sanadood ​ayaad abgaal, marna xabad narna xeel,
    ku waday, maanta xasan qorshihiisu waa inaad dhulkaaga Al-Shabaab ka xoreyso,
    oo aad degto, oo aad iimaansato, Caasimada waa dhul abgaal,iyo mid ummadda
    Soomaaliyeed ka dhaxeeyo,Caqliga (Habar-gidir) waa kan brawe iyo marka siiyay,
    Shibis,shangaani,iyo xamar weyne siiyay, waa midka u sheegay inay qaataan wax
    walba oo dadka ka dhaxeeyay, waa midka siiyay hOTEEKADII DAWLADA,WARSHADAHII,
    WAA KUWII XALUUFIYAY HANTIDII UMMADDA SOOMAALIYEED,Maanta cidii abgaal ahayd
    macalin baa u kacay, xisaab wax ku raadinaya oo reer (XARAR DHEERE)ah watana
    (X+y=O) oo ah (xaq+yaqiin=Orda) Dhulkiinii aada,(Sarar cadow)(Shaf Sagaaraad)
    Noqon wbt

  15. Issa(ID) Sarar-cadde, Waxaan kuu arkaa,nin cadhuuftiisa u macaatay oo muudsanaya wuxuu arkaba horay u liqay (xalaal iyo xaaraanba) oo Gu’gii, (Agoon Abti-waa)1991,ku Danbaabay,ku dibiray,kuna dacarobay, Magacaaga ayaa qiraya muuqaalka aad sheegatay oo ku xusan Waqtigaas mahadhada reebay oo(Dad,Duunyo iyo Dalba) ku maqan yihiin,Sarar cadow ma raad gadan kartid,oo raacdaa ku dabataal, (Waqti)
    danbe,lagu siin-maayo) 32 sanadood ​ayaad abgaal, marna xabad narna xeel,
    ku waday, maanta xasan qorshihiisu waa inaad dhulkaaga Al-Shabaab ka xoreyso,
    oo aad degto, oo aad iimaansato, Caasimada waa dhul abgaal,iyo mid ummadda
    Soomaaliyeed ka dhaxeeyo,Caqliga (Habar-gidir) waa kan brawe iyo marka siiyay,
    Shibis,shangaani,iyo xamar weyne siiyay, waa midka u sheegay inay qaataan wax
    walba oo dadka ka dhaxeeyay, waa midka siiyay hOTEEKADII DAWLADA,WARSHADAHII,
    WAA KUWII XALUUFIYAY HANTIDII UMMADDA SOOMAALIYEED,Maanta cidii abgaal ahayd
    macalin baa u kacay, xisaab wax ku raadinaya oo reer (XARAR DHEERE)ah watana
    (X+y=O) oo ah (xaq+yaqiin=Orda) Dhulkiinii aada,(Sarar cadow)(Shaf Sagaaraad)
    Noqon wbt

Comments are closed.