XOG: Siciid Deni oo amray hub ka dhigista siyaasiyiinta Reer Garoowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qorsheynaya qaadida talaabooyin dheeraad ah, oo uu sheegay in ay udub-dhexaad u yihiin qorshihiisa xukun-dheereysiga iyo qabashada doorashada uu doonayo ee Golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland.

Talaabada ugu weyna waa hub ka dhigis lagu sameeyo qaar kamid ah siyaasiinta kasoo horjeeda damaciisa, gaar ahaana kuwa hubka ku haysta caasimadda Puntland ee Garoowe.

Siciid Deni ayaa todobaadkii lasoo dhaafay amar ku siiyey qaar kamid ah saraakiisha ciidamada gaarka uga amar-qaata iyo Booliskaba in ay hubka, gaadiidka aan xabadu karin iyo ilaaladaba ka qaadaan xubno horey uga soo qabtay Xukuumaddiisa xilal sare oo ay saaxiib dhaw ahaayeen mudo dheer iyo saraakiil horey usoo maamulay Booliska.

Hirgalinta go’aanka ayaa socota waqtigan, lamase garanayo waxa ka dhalan doona xili kahor bisha March-2023, Madaxweynuhu qorsheynayo qabashada doorashada uu doonayo.

PUNTLAND TIMES 

7 Comments

  1. Issa(ID),
    Dhiilo iyo daba maryo nin baa gurigiisii loo daba maray,mase oga
    in horay mlaan dayr loo xiray, pyntland kii ka tirsanba waa kii
    kale, dad la kala dilo ka weym , waqtiga hays haga dhumin, wbt

  2. Arfaan waynaa

    Deni oo hubka kadhigiwaayo ina diyaano miyaa faroole kudhaca yaynaan khiyaali isugu sheekayn beesha ciise maxamuud ee uu kamidyahay faroole kama qaadi karo deni oo kujira sanadkiisii ugu dambeeyay ee geerida mar ka waxaan leenahy boowe aalatahay.

    • Adiga Faroole ayaa lagugu dhinac aasayaa hadhowna naarta ayaad Xoghayn ugu noqon doontaa doqon yahow.

      • Bashir
        Run ayuu sheegay hadduu yiri Deni oo ilma Diyaano hubka ka dhigi waayey miyaa Ciise Maxamud hub ka dhigi kara.
        Adigase ma qabyaalad ayaa ku qaaday maxaa naarta ula soo booday, miyaan adigana Deni lagugu ag aasaeyn si naarta ula gasho. Car Deni hadduu nin yahay ha isku dayo inuu ciise weeraro.
        Maahi Ciise Maxamuud laakiin waxaan ogahay inay ilma diyaano ka xabbad kulul yihiin.

  3. Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Ar dhabayaco warbaa heeysta kkkkkkk.

    Alloow xoolahaas saxaraha isku dhex hertinaya kala badbaadi yeeysan is leeyninee.

    Bas weeye dhabayaco nolol uma harin oo moowtkii baa hareereeyay, bal fiiriya dhinac waxaa ka jirra shabaabul mulxidiin, dhinacna waxaa ka jiirra daacish al mushrikiin, dhinaca koonfureed waxaa jooga ciidanka jamhuuriyada hawiye oo shabaabul mushrikiin la diriraya ka dibna qorshsahooda uu yahay in markeey shabaabul kaafiriin soo afjaraan ay garoowe aadaan, dhinaca kalena dhabayaco waxaa ka jooga ciidanka xooga dalka soomaalilaan oo u jeedkoodu yahay ineey garoowe hal ilbiriqsi ku qabsadaan weeyna awoodaan sidaasee.

    War iyo dhamaan wadkii dhabayaco aka dabato baa ii muuqda ee Allaha wax walbaba kheyr ku dhameeyo.

    Hawiye-mida.

  4. Asc asxaabta waa intii ilmo irir ehee, anigga waxaan ahay ninkii @hiraab ahaa ee halkaan aad saaxiibada ku eheeydeen, maanta ama barrina waa maalintii iigu dambeeysay ee aan halkaan wax kusoo qorro, sababtuna waa safar isoo galay oo baadiyaha fogg ah.

    Asxaabeey waxaan ahay safar berrito ama saad dambe oo waxaana u socdaa gobolada dhexe siiba galgaduud oo aan doonayaa inaan awoowgeey oo halkaas kaligiis ku ah aan kusoo wehliyo, asxaabeey u maleey maayo inaan mardhow halkaan kusoo noqon doono waayo halkaasi waa baadiye aan internet leheeyn waxaana qorshuhu yahay inaan labba sanno soo joogo.

    Marka asxaabeey siiba @Gurey @Ducaale kaahiye @khalid iyo intii kaloo ilmo irir ahba oo ay asxaabteeyda ilmo xaaji isxaaq ku jiraan waxaan idin leeyahay nabad gelyo, waxaana rajeeynayaa inaan muddo ka dibb soo noqdo markaan safarkaas kasoo faaruqo kadibb, una maleeyn maayo inaan mardhow kasoo faaruqi doonee ugu yaraana sanad baan maqnaan doonaa.

    Asxaabeey waxaan idinku bogaadinayaa saaxiibtinimadiina iyo wanaagiinaba, waxaana idin leeyahay meel iska saara kuwa halkaan qurunka ku malmaluuqa ee daaroodka ah, aniggana waan idin macsalaameeynayaayee ogaada saaxiibayaal.

    Nabad gelyo.

    Irir-mida.

Comments are closed.